Saturday, July 4, 2020

Yay Tahay Cidda ka Dambaysa Aflagaadaynta & eedaynta Macallimiinta Qur'aanka?

 
Inta aannaan mowduuca qoraalkaan u gudbin, waxaan cadaynaynaa inay waajib diini ah tahay in la difaaco oo loo gurmado qof walba oo dulman (rag iyo dumar mid uu yahay). Noocii uu doono ha ahaado tacadiga iyo dulmiga qofkaas lagula kacay.
Sidaas daraadeed ayay waajib tahay in sharciga la hor keeno cid walba oo tacadi inay gaysatay ay ku cadaato. Qaanuun walba ka horna, diinteenna Islaamka ayaa sidaas na faraysa. Sidoo kale waxay diintiinu na faraysaa inaan wax hubsno, oo dacwad walbana lagu saleeyo cadaymo iyo xaqiiqooyin. 


Hordhac

Waxaa waayahaan dambe ku soo badanayay Social Media-ha iyo baraha bulshada ee internetka sheekooyin iyo warar xambaarsan aflagaado dadban iyo xaqiraad looga danleeyahay in sawir xun looga bixiyo macllimiinta Qur'aanka. Aflagaadooyinkaan ayaa la soo huwiyay muuqaalka eedaymo kufsi oo dadka wada ay ku andacoonayaan in maclimiin Qur'aan dhigta ay kufsadeen. Eedaymaha noocaan ahna waxaa sida caadiga ah gadaal ka riixaya hay'ado ajnabi ah oo lacag ku bixiya in magaca iyo muuqaalkaba laga dilo diinta Islaamka iyo dadka aaminsanba.


Arrintaan in gacan shisheeye iyo barobagaando abaabulan ay tahayna waxaa cadayn u ah sida aflagaadadaan ay u beegsanayso macallimiintii Quraanka ee masuulka ka ahaa tarbiyada caruurta iyo faafinta aqoontii Qur'aanka. Maxaa yeelay dhaqan Soomaaliyeed ma ahan in la jaa'ifeeyo macallimiinta Qur'aanka.

Waa yartahay ama maba maqlaysid eedayn kufsi oo ku wajahan shaqaalaha ajaanibta ah iyo kuwa dalka u dhashay ee u shaqeeya hay'adaha ajnabiga ah ee qaar badan oo ka mid ah ay dalka ka wadaan mashaariic hagardaamo iyo lugooyo ku ah Soomaalida. Waxaana la xaqiijiyay in shaqaalaha hay'adaha reer galbeedka ee dalalka saboolka ah u soo shaqo tagay ay kufsi ka gaystaan dalalkaas ay ka shaqeeyaan oo xataa qaar hay'adahaan ka mid ah ayaa qirtay oo wax ka qoray arrintaan (tusaale ahaan: fiiri warbixintaan 👉 UN staff raped and sexually exploited women, annual report shows.
Waanan wada ognahay inta ay le'egyihiin tirada hay'adaha ajaanibta ah ee ka shaqo gala Somalia, maxaa loogu arki la'ayahay marka baraha bulshada ee internet-ka sheekooyinka dumarkii ay kufsadeen shaqaalaha hay'adahaas? Hadii ay jirto cid halis ku ah dumarka Soomaaliyeed oo ay tahay in looga cabsado, waa hay'adahaan ajaanibta ah oo aan la aqoon taariikhda fal-dambiyeedka shaqaalahooda (Criminal Record). Qaar badan oo ka mid ahna ay yihiin sirdoon iyo calooshood u shaqaysteyaal amaanka mujtamaca halis ku ah. Kiisaska kusfisga ee qaarkood ay gaystenna waa la og yahay inkastoo aan si fiican banaanka loo soo dhigin (sida kufsiga ciidamada Uganda iwm), in kale oo badanna waa qarsoon yihiin (sida kuwa ku jira xerada Xalane oo noqotay dowlad madax banaan oo ka dhisan gudaha Somalia).
Maan aragno marka sheekooyin isku xiriirsan oo ka hadlaya dumarkii ay kufsadeen calooshooda u shaqaysteyaasha ku xaraysan xerada Xalane iyo meelo kale oo Somalia ka mid ah? Maan aragno ayada oo sheekooyinkooda ay yaallaan Social Media-ha?
Waan aragnaa ayada oo dowladaha dariska nala ah qaarkood (sida Kenya) ay warbaahintoodii ka hadlayso shaqaale ajnabi ah oo kufsi iyo faro-xumayn maxkamad loo saaray ayada oo cadaymihiina la soo bandhigayo, aaway marka baaritaanadii lagu sameeyay shaqaalaha hay'adaha ajnabiga ah ee ka howl gala Somalia? Yaa koontaroola ajaanibtaan oo ka warqaba waxa ay ka gaystaan dalka gudihiisa? Yaa wax iska waydiiya arrintaan?!

Waa maxay sababta sida gaarka ah loogu beegsanaayo macallimiinta Qur'aanka?

Dhowr sababood ayaa arrintaan ka dambeeya:

1- Sida meelo kale oo dunida ahba ka dhacday, waxaa jira hay'ado wata ajandeyaal la xiriira wax-ka-badalidda hanaanka nolosha bulshooyinka caalamka. Hay'adahaan si ay hadafkaas u gaaraan waxay abuuraan dhacdooyin iyo warbixinno ay ku kicinayaan ra'yul caamka dadka, ayaga oo markii ay ra'yul caamka kiciyaan ka dibna soo jeedinaya hirgalinta shuruuc iyo qawaaniin cusub oo adeegaya ajnadahooda (sida inay dalbadaan in caruurta yaryar iskuulka loogu dhigo maadooyin la xiriira galmada, si loo fashadaaiyo dhalinyarada oo macsidu ay u badato). Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa warbixintaan 👉 Hidden knowledge: False Rape Accusations Are Common. Waxay warbixintaan ka hadlaysaa sida ay caadi u noqotay in eedaymaha kufsiga la buunbuuniyo ayada oo aan sharci iyo qaanuun midna la raacayn oo wax cadaymo ahna aan la soo gudbinayn. 
2- Eedaynta kusfiga oo mudooyinkaan dambe caalamka ka noqotay hub la isu adeegsado oo cid walba ay uga aargoosato cidii ay cadow u aragto, si ay sumcada uga disho. Fiiri warbixintaan 👉 (35 Times Men Were Falsely Accused Of Sexual Assault) oo soo bandhigaysa qaar ka mid ah kaysaska been abuurka ah ee kusfiga la xiriira. Tusaaleyaasha warbixintaan ku jira waxaa ka mid ah qadiyada haweenay la yiraahdo Norma McCorvey oo ayada oo uur leh ku andacootay in la kufsaday si sharci ahaan loo  soo saaro qaanuun ogolanaayo in ilmaha uurk ku jira la soo rido. Hadalkeedii inta la aqbalay, ayaa dowlada Maraykanka waxay soo saartay qaanuun ogolaanaya in ilmaha uurka ku jira la soo rido. Markii uu qaanuunkii soo baxay kadibna waxay sheegtay haweenaydaan in dacwadadeedii kusfiga ay been-abuur ahayd!

Kaysaska noocaan ah oo la xiriira "kufsiga" been abuurka oo gadaal ku wata ajandayaal shuruucda iyo qawaaniinta dowladaha wax looga badalayo waxaa abaabulidooda caan ku ah dhaqdhaqaaqa Feminism-ka*. Wax fog ma ahan marka in dhaqankaan uu u soo gaaray Somalia, sida hadeerba qaar ka mid ah dhaqamada Femenism-ka u soo gaareen dad ku nool Somalia.

3- Markii aan u nimaanno eedaynta Macallimiinta Qur'aanka, waa inaan ogaannaa marka hore in uu jiro cadow Quraanka neceb oo dagaal kula jira. Ilaahay (SWT) wuxuu leeyahay:
وكذلك جعلنا لكل نبي عدوا من المجرمين | الفرقان 31
Wuxuu Ilaahay (SWT) inoogu sheegayaa aayadaan in nabi walba oo anbiyadiisa ka mid ah uu leeyahay cadow mujrimiin ah oo dagaal kula jira risaalada loo soo dhiibay nabigaas. Annaga Nabigeenna suuban ee Muxammad waxaa loo soo dhiibay Qur'aanka kariimka ah ee gudihiisa uu xaq oo dhan ku jiro. Waxaa dabeeci ah marka in cidii cadow u ah Nabi Muxammmad (SCW) ay sidoo kale cadow u ahaato Qu'aanka loo soo dhiibay. Sidoo kale cidii Qur'aanka cadow ku ahna inay cadow u noqoto cidii Qur'aanka xambaarsan oo faafinaysa khayrkiisa oo waliba dad kalena sii baraysa. Waa inaan ogaanno marka in uu jiro dagaal ka dhan ah Qur'aanka kariimka ah iyo cid walba oo Qur'aanka u adeegaysa.

Maxaa Bulshada la gudboon marka?

Eedaymaha noocaan oo kale ah oo aflagaadada iyo borobagaandada xambaarsan markii ay soo baxaan, waxaa muslimiinta waajib ku ah inay marka hore wax hubsadaan oo warkaan cida ka dambaysa iyo meesha uu ka yimid, iyo waxa looga dan leeyahayba ay ogaadaan. ILaahay (SWT) wuxuu na farayaa inaan iska hubinno war walba oo naloo keeno (يا أيها الذين آمنوا إن جاءكم فاسق بنبإ فتبينوا| الحجرات 6).

Waajibkaas inaan wax hubsanno ah waxaa noo sii dheer inuu Ilaahay na farayo in markii war xun iyo Qadaf nalooga keeno dad Muslimiin ah oo khayr iyo wanaag looga bartay aan ku jawaabno (ما يكون لنا أن نتكلم بهذا سبحانك هذا بهتان عظيم| النور 16).
Waa in aan dhahnaa: "Nooma banaana inaan ku hadalno waxaan. Ilaahay baa xumaan ka nasahane, hadalkaan waa been abuur wayn!".
Waa taas jawaabta laga doonayo mujtamaca Muslimka ah markii lala dhex ordo barobagaando looga dan leeyahay in diintiisa lagu jaa'ifeeyo, oo xumaanna lagu dhex faafiyo
Intaas kadibna waa in dabogal iyo baaritaan sax ah lagu sameeyo warkaan oo salkiisa la soo taabto. Hadii ay cadaato inuu been abuur yahayna sharciga la horkeeno dadkii been abuurkaas waday, oo warkooda iyo hadalkoodana mid aan qiimo iyo macne midna lahayn laga soo qaado. Hadii kale oo ay cadaato in xadgudub uu dhacayna in lala xisaabtamo cidii xadgudubkaas gaysatay oo sharciga la hor keeno, ayada oo dambigeeda aan loo saarinayn dad kale oo aan waxba galabsan.

Dhaqanka toosan oo laga doonayo Muslimiinta waa midkaas. Mana aha in la sii buunbuuniyo oo la faafiyo barobogaando walba oo warbahinta iyo baraha buslahada internetka lagu arko. Nabigana (SCW) waxaa laga wariyay inuu yiri: Qofka waxaa dambi ugu filan in wax walba oo uu maqlo uu ku sheekeeyo (oo uu sii gudbiyo).

Gunaanad

Digtooni iyo taxadar ayaa nalooga baahan yahay markii aan la tacaamulayno wararka la isla dhex maraayo baraha internet-ka. Digtoonidaasna waa in la sii labanlaabo markii warkaas uu yahay mid wax u dhimaaya diinteenna iyo bulshadeenna qaybaheeda ku firfircoon sii fidinta diinta iyo tarbiyaynta ubadka.
_________________________________
* Qoraal si faahfaahsan uga hadlaya Feminism-ka waxaad ka akhrisan kartaa halkaan 👉 Feminism (Dhaqdhaqaaqa "Xoraynta" Haweenka)


No comments:

Post a Comment