Wednesday, December 28, 2022

Maalinta Shaqada Waa Maqan Yihiin, Maalinta Mushaarkana Waa Joogaan!

 Xigasho: Bogga Facebook ee Sh. Maxamad Idriis



Waxaan bogaadinayaa tallaabada Ra’iisulwasaare Xamsa uu shacabka kula wadaagey xaaladda shaqaalaha rayidka ee dawladda oo ah tii ugu horraysey ee Ra’iisulwasaare qaado intaan ogahay. Waxa aan ogayn, haddana siu toos ah naloo tusay wexey caddayneysaa soomaali meesha laga haystaa 20 sano ka badan iney tahay (maamulka) iyo (hoggaanka). 5751 shaqaale mushaar qaata ayaa shaqada 1216 keliya ka joogaan. Halka 4535 shaqaale qoran ay maqan yihiin ama ayan jirinba. Macnaha: 80% waa maqanyihiin, ama maba jiraan, khasnadda dawladdana lacagtoodu waa ka baxdaa, miisaaniyaddana waa ku jiraan. Cel celis mushaarka $500 hadaan kasoo qaadno, 4535x500= $2,267,500 ayaa bishii mushaar beena looga cunaa khasnadda dawladda, xoolaha shacabka, maalinkii waa $ 75,583. Wexey maalinkii walba quudin kartaa 7558 qoys oo soomaali sabool ah haddii $10 maalinkii biil looga dhigo. Wexey iskuulka ka bixin kartaa bishii 2519 arday oo sabool ah. Wexey qodi kartaa: 30 ceel oo biya fiican leh bil walba, sannadkiina: 360 ceel. Wexey dhisi kartaa 2 cisbitaal oo qalabaysan bil walba. Soomaaliya uma baahna in ay cid wax weydiisato ee wexey u baahantahay in ay runta isu sheegto kuna dhaqanto.

Wednesday, March 30, 2022

Barbaarinta Toosan ee Ubadka

Su'aasha ku saabsan barbaarinta toosan ee ubadka waa mid qayb ka ah nolosha waalid walba oo dareemaya masuuliyada ka saaran tarbiyaynta iyo jihaynta


toosan ee ubadkiisa. Dareenka masuuliyaddaas ayada ahna waa mid waalidka Muslimka ah ku dhalanaya ilbiriqsiga uu guda galo asbaabtii uu ubadkiisu ku calool gali lahaa, oo waxay diinteennu na baraysaa in labada waalid ee Muslimka ah looga baahan yahay in markii ay kulmayaan ay Ilaahay ka magan galaan shaydaanka, oo sidoo kale ay Ilaahay magan galyo uga baryaan ubadka ay rajaynayaan inuu kulankoodaas ku calool galo. Waxayan ku ducaysanayaan (بسم الله. اللهم جنبنا الشيطان، وجنب الشيطان ما رزقتنا). Sidoo kale wuxuu waalidka Mulsimka Ilaahay ka magan galayaa shaydaanka; markii uu ifka yimaado ubadkii markii uu calool galayay lagu xayndaabay magngalyada Ilaahay. Wuxuu Ilaahay ku ammaanay Maryam bintu Cimraan hooyadeed in markii gabadheeda Maryam ay dhalatay ay rabbi uga bariday inuu ka magan galiyo shaydaanka (ayada iyo tafiirteedaba). Maryam hooyadeed waxay tiri: (وإني أعيذها بك وذريتها من الشيطان الرجيم| آل عمران:36).


Halkaas waxaa ku cad marka in gudashada masuuliyada la xiriirta barbaarinta toosan ee ubadka ay bilaabanayso ilbiriqsiga ay labada waalid ee Muslimka ah isu diyaarinayaan inuu ubadkaas calool galo. Waxayna soconaysaa gudashada masuuliyadaas ilaa inta uu ubadkaas hanoqaadayo oo qof isku filan oo madax banaan uu noqonayo.
Barbaarinta toosan ee waalidka Muslimka ah uu siinayo ubadkiisana waxaa tiir u ah sadex arrimood:

Sunday, October 3, 2021

Waxaad Ehel Tihiin Ninkii Aad Dan-wadaag Tihiin

Allaha u naxariistee Abwaan Gaariye ayaa wuxuu yiri:

Abkuu doono ha sheegto

Wuxuun baa ehel ii ah 

Dad ninkaan af aqaanee 

Si wax iila arkaayee

Na midayso ujeedo

Xikmadaas qiimaha wayn ku fadhida ee Abwaan Gaariye uu ka tagay waxaa inay maanta ka faa'iidaystaan u baahan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhex hanoqaaday ummad ay qabyaalad kala qaybisay. Xikmadaas waxaa inay fahmaan u baahan dhalinyarada maanta la kala safan siyaasiyiin dalka dibadiisa ka yimid oo u jooga dalka inay shilimaad ka aruursadaan ayaga oo sallaan ama jaraanjaro ka dhiganaya qabiil iyo qabyaalad, isla markaasna iska hor keenaya dhalinyaro dalkii ku kortay oo ku hanoqaaday dowlad la'aan, tacliin aan tayo lahayn, daryeel caafimaad oo aan jirin, iyo dhamaan xuquuqdii asaasiga u ahayd qofka banii aadamka ah oo aan waxba la iska waydiinayn.

Siyaasiyiinta iska soo horjeeda oo ay danahooda siyaasadeed iyo masaalixdooda shakhsi ahaaneed is diidan yihiin waxay dagan yihiin hoteello qaali ah, waxay wataan gawaari aysan xabaddu karin, waxaa u buuxa akoonada ay ku leeyihiin bangiyo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku yaal. Habka ay marka siyaasiyiintaas u xalliyaan khailaafaadkooda ma aha in ayagu ay gacmaha isula tagaan, ee waa inay qori isugu dhiibaan wiilal yaryar oo sabool ah.

Wednesday, September 23, 2020

Doorasho Dadban ma Jirto, Waxaase Jirta Tuugnimo Dadban!

Bal muuqaalkaan sawiro: makhaayad baad soo gashay adiga oo baahan. Markii aad fariisatay ayaad u yeertay kabalyeerigii aad cuntada u dirsan lahayd; markaasuu inta kuu yimid ku yiri: raali ahow, wax dalab ah oo aan adiga kaa qaadayo ma jiro! cuntadaada waxaa si dadban kuugu dalbaya ninka kursiga kugu xiga fadhiya, asagaana si dadban u cuni doona, adigana markii uu ninkaas dhargo ayaad lacagta bixinaysaa!


Caqliga ay ku shaqaynayso fikrada doorashada dadban waa isla caqliga kabalyeeriga aan tusaalaha u soo qaadanay. Sababtoo ah qofkii xaqa u lahaa inuu wax doorto ayaa laga tilaabsanayaa oo la dulaalayaa codkiisii, laguna tasarufayaa noloshiisa xaadirka ah iyo mustaqbalkiisiiba. Waxaana codkiisii kala goosanaya labo dhinac oo midna uu yahay kan sida "dadban" wax u dooranaya ee laaluushka qaadanaya (wuxuuna ku jiraa booskii kabalyeeriga), iyo midka sida "dadban" loo dooranayo oo kursigii xildhibaanimada ama kii hogaankaba ku fariisanaya oo kadibna wax ku cunaya magicii qofka dulmn ee asaga oo aanan waxba la waydiin lagu kala dalaalayo codkiisii hanaanka "Doorashada Dadban" oo la oran karo macneheeda dhabta ah waa "Tuugnimo Dadban". Sababtoo ah kalmada "Doorasho" waxay ka tarjumaysaa rabitaan xor ah oo ay weheliyaan xilkasnimo iyo madax banaani qofka wax dooranaya xaq u siinaysa in uu asagu noqdo qofka dooranaya cidii matali lahayd oo magaciisa xil iyo masuuliyad ku qaban lahayd. Sababta uu cidaas u dooranayana waa inay asaga danihiisa u adeegto, mana aha in ay asaga magaciisa ku adeegato oo wax ku cunto. Doorasho toos ah meel aysan ka jirin marka, wax doorasho ah oo gabi ahaanba ka jira ma leh!

Saturday, July 4, 2020

Yay Tahay Cidda ka Dambaysa Aflagaadaynta & eedaynta Macallimiinta Qur'aanka?

 
Inta aannaan mowduuca qoraalkaan u gudbin, waxaan cadaynaynaa inay waajib diini ah tahay in la difaaco oo loo gurmado qof walba oo dulman (rag iyo dumar mid uu yahay). Noocii uu doono ha ahaado tacadiga iyo dulmiga qofkaas lagula kacay.
Sidaas daraadeed ayay waajib tahay in sharciga la hor keeno cid walba oo tacadi inay gaysatay ay ku cadaato. Qaanuun walba ka horna, diinteenna Islaamka ayaa sidaas na faraysa. Sidoo kale waxay diintiinu na faraysaa inaan wax hubsno, oo dacwad walbana lagu saleeyo cadaymo iyo xaqiiqooyin. 


Hordhac

Waxaa waayahaan dambe ku soo badanayay Social Media-ha iyo baraha bulshada ee internetka sheekooyin iyo warar xambaarsan aflagaado dadban iyo xaqiraad looga danleeyahay in sawir xun looga bixiyo macllimiinta Qur'aanka. Aflagaadooyinkaan ayaa la soo huwiyay muuqaalka eedaymo kufsi oo dadka wada ay ku andacoonayaan in maclimiin Qur'aan dhigta ay kufsadeen. Eedaymaha noocaan ahna waxaa sida caadiga ah gadaal ka riixaya hay'ado ajnabi ah oo lacag ku bixiya in magaca iyo muuqaalkaba laga dilo diinta Islaamka iyo dadka aaminsanba.


Arrintaan in gacan shisheeye iyo barobagaando abaabulan ay tahayna waxaa cadayn u ah sida aflagaadadaan ay u beegsanayso macallimiintii Quraanka ee masuulka ka ahaa tarbiyada caruurta iyo faafinta aqoontii Qur'aanka. Maxaa yeelay dhaqan Soomaaliyeed ma ahan in la jaa'ifeeyo macallimiinta Qur'aanka.

Waa yartahay ama maba maqlaysid eedayn kufsi oo ku wajahan shaqaalaha ajaanibta ah iyo kuwa dalka u dhashay ee u shaqeeya hay'adaha ajnabiga ah ee qaar badan oo ka mid ah ay dalka ka wadaan mashaariic hagardaamo iyo lugooyo ku ah Soomaalida. Waxaana la xaqiijiyay in shaqaalaha hay'adaha reer galbeedka ee dalalka saboolka ah u soo shaqo tagay ay kufsi ka gaystaan dalalkaas ay ka shaqeeyaan oo xataa qaar hay'adahaan ka mid ah ayaa qirtay oo wax ka qoray arrintaan (tusaale ahaan: fiiri warbixintaan 👉 UN staff raped and sexually exploited women, annual report shows.
Waanan wada ognahay inta ay le'egyihiin tirada hay'adaha ajaanibta ah ee ka shaqo gala Somalia, maxaa loogu arki la'ayahay marka baraha bulshada ee internet-ka sheekooyinka dumarkii ay kufsadeen shaqaalaha hay'adahaas? Hadii ay jirto cid halis ku ah dumarka Soomaaliyeed oo ay tahay in looga cabsado, waa hay'adahaan ajaanibta ah oo aan la aqoon taariikhda fal-dambiyeedka shaqaalahooda (Criminal Record). Qaar badan oo ka mid ahna ay yihiin sirdoon iyo calooshood u shaqaysteyaal amaanka mujtamaca halis ku ah. Kiisaska kusfisga ee qaarkood ay gaystenna waa la og yahay inkastoo aan si fiican banaanka loo soo dhigin (sida kufsiga ciidamada Uganda iwm), in kale oo badanna waa qarsoon yihiin (sida kuwa ku jira xerada Xalane oo noqotay dowlad madax banaan oo ka dhisan gudaha Somalia).
Maan aragno marka sheekooyin isku xiriirsan oo ka hadlaya dumarkii ay kufsadeen calooshooda u shaqaysteyaasha ku xaraysan xerada Xalane iyo meelo kale oo Somalia ka mid ah? Maan aragno ayada oo sheekooyinkooda ay yaallaan Social Media-ha?
Waan aragnaa ayada oo dowladaha dariska nala ah qaarkood (sida Kenya) ay warbaahintoodii ka hadlayso shaqaale ajnabi ah oo kufsi iyo faro-xumayn maxkamad loo saaray ayada oo cadaymihiina la soo bandhigayo, aaway marka baaritaanadii lagu sameeyay shaqaalaha hay'adaha ajnabiga ah ee ka howl gala Somalia? Yaa koontaroola ajaanibtaan oo ka warqaba waxa ay ka gaystaan dalka gudihiisa? Yaa wax iska waydiiya arrintaan?!