Monday, October 16, 2017

Sugitaanka Amaanka Muqdisho

Marka hore, waxaan nafteena uga tacsiyaynaynaa dadkii walaaleheen ahaa ee lagu laayay qarixii dugaagnimada ahaa ee dorraad (14/10/2017) ka dhacay magaalada Muqdisho. Intii qaraxaas ku dhimatay Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacaantay iyo intii hantidooda ku waydayna Allaha u boogadhayo.

Marka labaad, waxaa in wax la iska waydiiyo mudan wixii la samayn lahaa si loo sugo amaanka caasimada dalka. In badan ayay Muqdisho amaan darro iyo dhiig qubanaya ku soo jirtay. Waxaana la gaaray markii si dhab ah loogu soo jeesan lahaa sugitaanka amaankeeda. Ayadoo la ogyahay duruufaha uu maanta dalku marayo, iyo cadowga badan ee gudaha dalka iyo dibadiisaba ka wada sharqoollo lagu wiiqayo nabadaynta dalka, ayaa hadana waxaa lagama maarmaan ah bal in ugu horraynba amaanka caasimada si dhab ah loo sugo. Sababtoo waa wajigii dalka oo ayadaa astaan u ah hadba xaalada uu dalku ku sugan yahay. Waa xaqiiqo jirta in hal maalin aan wax walba oo dalka ka khaldan lagu sixi karin, balse hadana sidaasoo ay tahay waa inuu jiro qorshe cad oo qeexaya sidii dalka loo xaslin lahaa; gaar ahaanna sidii caasimada amaankeeda gacanta loogu dhigi lahaa.

Qaraxyada argagxisada meelo badan oo dunida ah ayay ka dhacaan. Waana
halista dhanka amaanka ee ugu dhibka badan oo dowladaha caalamka ay maanta la tacaalayaan. Sidaas daraadeed bay lagama maarmaan tahay in
Kaamaro
xukuumada federaalku ay arrintaan la kaashato dowladaha ay horay uga dhici jireen qaraxyada argagixiso oo ku guulaystay inay natiijo wax ku ool ah ka gaaraan la dagaalanka argagixisada. Waxaa dowladahaas ka mid ah dalka Turkiga, oo inbadan la soo dagaalamay ururo aragagxiso ah oo ilaa maanta ay dowlada turkigu la dagaalamayso. Tilaabooyinka ay dowlada turkigu qaaday si ay amaanka magaalooyinkeeda u sugto waxaa ka mid ah ayada oo xooga saartay in wado walba lagu xiro kaamarooyinka nabadsugida. Sidaas daraadeed isbadal wayn oo wax ku ool ah ayay turkidu ka gaareen la dagaalanka argagixisada. Howlaha ay kaamarooyinka nabadsugidu qabanayaan waa ayagoo marna ka hortag u ah falalka amaandarada ah inta aysan dhicin, iyo sidoo kale ayagoo marka ay falalkaas dhacaan gacan ka siinaya ciidmada amaanka inay dhakhso ogaadaan cidii ka dambaysay falkaas ayadoo ay fududaanayso in dabagal lagu sameeyo dhamaan dadkii ka qayb qaatay falkaas amaandarrada ah. Sidaas daraadeed bay lagama maarmaan tahay inay xukuumada
fedaraalka ee Soomaaliya la kaashato dowlada Turkiga sidii loo sugi lahaa amaanta magaalada Muqdsho. Ugu horraynba waa waa in wadooyinka magaalada lagu xiro kaamarooyinka nabadsugida oo habeen iyo maalinba kaamarooyinkaas lagula socdo dhaqadhdhaqaaqyada ka socda magaalada.
Sidoo kale waa in caasimada laga saaro waxaan lagu sheego ciidmada Amisom maadaama ay laftirkoodu qayb ka yihiin waxyaabaha khalkhalka galinaya amaanka caasimada oo dhibkooda ugu yar ayaa ah inay dadwaynaha jiirsiiyaan gawaaridooda aan sharciga iyo nadaamka midna ilaalinayn. Intaas waxaa dheer ayagoo magaalada dhexdeeda hub iyo rasaas ku iibinaya oo waa ayadii mar la qabtay qaar saraakiishooda ka mid ah oo hub iyo shidaalba iibinaya. Sidaas daraadeed ayay lagama maarmaan tahay inay xukuumada fedaraalka ka saarto caasimada ciidmadaan shisheeye ee halista ku ah amaanka iyo xasiloonida Muqdisho. Waa in sidoo kale ay xukuumada fedaraala kantaroosho dhaqadhaqaaqyada ka socda Xalane oo noqotay halaqyo-galeen ay isugu tageen ciidamadii iyo hay'adihii ajaanibta ayadoo aan la ogayn waxa halkaas ka socda iyo sharqoolada lagu maleegayo. Sidaas daraadeed bay lama huraan tahay inay dowladu usoo jeesato xakamaynta dhaqdhaqaaqyada ka socda xeradaas.

Intaas waxaa dheer inay xukuumada federaalku diiwaangaliso dhamaan ajaanibta ku sugan Muqdisho iyo shaqooyinka ay halkaas u joogaanba. Gaar ahaana inay il gooni ah ku fiiriso hay'adaha iyo ciidmada shisheeye ee ku sugan caasimada, ayadoo waliba dabagal iyo baaritaan gooni ah lagu samaynayo dadka soomaalida ah ee hay'adahaas iyo ciidmadaasba tacaamulka joogtada ah la leh. Tilaabooyinkaas oo dhanna waa kuwo ay dowlada fedaraalku la kaashan karto dowlada Turkiga oo ah saaxiibka ugu wayn oo Soomaaliya ay leedahay. Dhanka farsamada iyo dhanka talo-bixinta intaba gacan bay dowlada Turkigu ka siin kartaa xukuumada fedaraalka sidii loo sugi lahaa amaanka caasimada.

No comments:

Post a Comment