Wednesday, May 9, 2018

Magacyada Dhirta Iyo Shimbiraha Soomaaliya

Xigasho: Website-ka http://doollo.com


Waxaan qormaddan kuugu soo bandhigaynaa magacyada haadda godanka Soomaaliyeed ku dhaqan ama ku dhaqnaan jirtay iyo geedaha ka baxa ama ka bixi jiray isla godankaas.  Waxa laga yaabaa haaddan qaarkeed inay u hijrootay dhulal kale, geedaha qaarkoodna nabaadguureen oo aysan haatan ka bixin dhulkii:

Haadda

Abooto Yaxaas

Babow

Balanboolo
Baqalyo
Bogcad
Boqonloow
Boor lab
Buli
Ciiro
Cirsankayeedh

Ciyoow

Curcuri
Daadwad
Daa'uus
Digiiran
Diridiri
Dhawdhawley
Dhigloow
Durdur
Faadumo lo'ley
Fiin
Fiidmeer.
Gabiyahandhoore
Gablay
Galaydh
Gili
Gilingil
Gorgor
Goroyo
Guumays
Guuguule
Haad Geel
Haawaycad
Haawaymadoow
Habas
Haray
Haraydhalacad
Hilaac
Horog
Tuke
Tunbuli
Uurarweyn
Himili

Hud-Hud
Huluq
Jirri
Juglay
Kabaray
Khayre
Kooragu
Kuraykanixis
Mandad
Odaygeedgal
Qanbaroow
Qolay
Qudun-quuto

Qunbulaa

Xidinxiito
Xusgal
Xuunsho
Yaryareey
Waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda qofkaasi ama waxaasi waa ama wuxuu noqday ”haad geed waayey.”  Haaddu markay samadda ku daasho goorada ugu horaysa ee ay cagodhigato si ay u xuurtirato waxaa weeye geed korkii.  Haddii haaddu geed weydo in kasta oo ay dhulka degi karto haddana waxaa la qiyaasay inaysan si fiican u nasan karin, maxaa yeelay cadowgeeda ayaa si dhib yar uga il-heli kara oo si gaadmo ah u kala goyn kara.
Markiise ay geedka fiintiisa kore kasoo cakoodiso Malakumawt waa halkiisee waxay u badan tahay inaan si kadiso ah loo dhagrin.  Qofkii ay talo ku ciirto, arxan iyo ciirsibana waaya, inta baddanna lagu tuhmayo in isagu saa isagu wacan yahay ayaa waxaa la yidhaahdaa wuxuu noqday haad geed waayey. 

Xikmadda Macallinka* ayeynu ku iidaamanaynaa qoraalka ee isagoo dhiirigalinaya Soomaali, dhaqan xumo badan oo faaftayna la diriraya waa kii gabaygiisa cajiibka ah ee Xulub Socod la baxay ku lahaa:

- Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey
- Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah
- Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!

Haddaba si aynu haadda u dajino, ninkaa xirfadda iyo garaadka is biday, xeebihii dhulkiisa iyo geedihiisiina aan kala aqoonin hasse yeeshee inuu taliyo oo wax xukumo uun doonaya aynaan ugu sifoobin bal aynu geedihii intii aan ka xusuusano taxno barshadoodana waqti ku bixino:  


Geedaha

Ashacad
Argeeg
Askax
Baar
Baaxuur
Babaay
Badhi-booto
Bal
Balanbaal
Barde
Barkin Dhurwaa
Baxar Saaf
Beeru u eke
Beeyo
Biile
Bilcil
Bisiq
Booco
Booga Dhaye
Bugle
Buhood
Bun
Cadaad
Caday
Cagaar
Canbe
Canjeel
Carmo
Cayo
Ciid
Ciin
Cilal
Dacar
Dal
Damanyuluq
Dano
Dareemo
Dhafaruur
Dhagmaanyo
Dhamas
Dhammaajo
Dharkayn
Dhay
Dhebi
Dheen
Dhidin
Dhigri
Dhiigsaar
Dhikil
Dhirindhir
Dhunkaal
Dhurbo
Dhuundhas
Dhuur
Dhuuse  ure
Dhuyac
Digir


Dixi
Doofaarqod
Doonbir
Duur
Faramog
Gaad
Gabaldaye
Gabro
Gacandhi
Gahaydh
Galiile
Galool
Gasaangas
Gawlale
Garawle
Geed Harag
Geed-hindi
Gob
Gogobe
Gomashe
Goosay
Gubtaanyo
Gumar
Gumre
Hadi
Handhurwaa
Hareeri
Higlo
Himir
Hohob
Ilgeesh
Ilko Caddeeye
Iriir
Jadeer
Jaad
Jaleefan
Jaleelo
Jarmi
Jeerin
Jiic
Jillab
Kabxan
Kariir
Labi
Liin
Liin dhanaan
Like
Maadh
Madaxbuq
Madheedh
Madheedh Qoox
Majabe
Malmal
Mandooye
Maraa
Marmar


Mawe
Mayay
Maxaansugaa
May Subag
Maygaag
Midhafur
Mirdhis
Mirimiri
Moos
Ontor
Qabo
Qadow
Qalaanqal
Qalfoon
Qansax
Qarari
Qare
Qare Dameeraad
Qaydar
Qudhac
Qundho
Raqay
Ridhmo
Sabansabdho
Salaalmaco
Sarin
Sarmaan
Sarmaanyo
Siiq
Tawaad
Timir
Tincad
Tiin
Tukelalmis
Uneexo
Urundhi
Wacanri
Wadhi
Washaaqaar
Xagar
Xajiin
Xamakoow
Xamudh
Xangeeyo
Xankookib
Xaskul
Ximre
Xoday
Xule
Xumboox
Yaanyo
Yaaq
Yamaarug
Yicib
Yucub
 Geedaha laga midhaysto (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

Ashacad
Askax
Bacalol
Bacaroor
Carmo
Ciid
Dhaboobo
Dhafaruur
Garas
Gomashe
Goosay
Himir
Hohob
Ilgeesh
Jinow/caleenta
Madheedh
Maygaag
Qaranri/afbuq.
Tukalalmis
Uneexo
Wancari
Xajiin
Yicib

Geedaha badhidooda la cuno  (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

Cilal
Coodan
Dabanyuluq
Dhidin
Doonbir
Faramog
Like
Mandooye
Tindhad
Xamakow

Geedaha laga xabkaysto (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

Cadaad
Gabro
Gumar
Jaleefan
Jeerin
Maraa
Sarmaan
Waadhi

Geedaha xabagta la gato leh (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

Beeyo
Caadaded
Cadaad
dhidin
Foox
Hadi
Malmal
Midhafur
Xabag Hadi

Waxaanu aragnay inaan aad looga hadal geedaha iyo haadda oo aynan ka helin qeybta ay ka mudan yihiin dhaqan uruuriyaasha Soomaaliyeed, ama Internetka ha ahaato ama buuggaagta ha ahaato ee.  Waxaa kaloon aragnay jiilal dhan oo dhawaan soo kacay oo ay ka madowdahay aqoonta bii’adu. 

Waxaa dhacday, maalin maalmaha ka mid ah inaan nin saaxiibkay ah ku booqday gurigiisii.  Kuray xaafadda joogay ayaan siday ku timid garanmahayo ee waxaan weydiinay inuu geel yaqaano iyo in kale.  "Haah geel waa akhaanaa" ayuu si dhiiranaani ku jirto ugu jawaabay.  Oo muxuu yahay ayaanu weydiinay.  "Geel bahal waaye nooh" ayuu nagaga naxsaday.  Waa la qoslay. 

Annagoo yarkii wali ku maadsanayna ayaa waxaa aqalkii aan fadhinay soo galay mid isaga ka weyn oo walaalkii ah.  Waryaa, geel ma taqaanaa adigu, ayaan ula degdegnay isagiina?  "Haa geel waa akhaanaa nooh" ayuu noogu jawaabay isna isagoon hadalka inna ku hakanin.  Waa maxay geel? "Caanahaa laga shubtaa nooh" ayuu isna ku jawaabay!  Ma hadal baa yaala!  Waa lagu kala dhaqaaqay.

Waxaan is leenahay jiilka nooca ah iyo dad kale oo badan ayaa ka faa’iidaysan doona qoraalkan aan cilmiyeysnayn ee sida butuluqsiga ah usoo dhex qaaday bii’adii dhulkeena.  Wixii aanu khaladnay waa la sixi karaa kuwa aanu ka tagnayna adiguba waad taqaanaa ee soo dir. 

Waxaanu hubnaa in deegaanada Soomaaliyeed geedaha ama haadda qaarkood magacyo kala duwan loo yaqaano, sidaa daraadeed ha la yaabin haddii aad magacyada qaarkood markiiba soo dhufan weydo.  Geedaha iyo haadda degaankaad ka timid laga helo ama laga yaqaano noo soo dir si aan dhamaan u helno intii suuragal ah.

Cabdullaahi Cabdi Cabbaas &
Cawaale Xuseen Cabdi
_______________________________________

Linkiga asalka ah ee maqaalka waxaad ka heli kartaa: Halkaan.

* Macallinka uu qoraagu ka hadlayo waa Abwaan Dhoodaan (Allaha u naxariistee)

12 comments: