Tuesday, May 22, 2018

Qaabka munaasibka ah ee Afurka Iyo Suxuurta



Sidee afurkaaga iyo suxuurtaada uga dhigi kartaa kuwo aan caafimaadkaaga wax u dhimin?
1- caafimaad ahaan waxaa kuu wanaagsan inaad raacdo qaabkii uu nabigu SCW
u afuri jiray oo ah inuu afurkiisa ku bilaabo dhowr xabo oo timir ah iyo biyo.
2- Timirta isla marka aad cuntaba inaadan cunno badan ka daba gayn balse xoogaa wakhti yar ah inaad u dhaxaysiiso (15 ilaa 20 daqiiqo). Si aad cunnadii u bilwdo ayada oo jirkaagii uu tabar ka helay timirtii, oo sidoo kale uu dheefshiidkaagana si fiican ugu diyaarsan yahay cunada aad ku afuri lahayd.
3- Ramadaanka bil cunno ma ahan ee waa bil cibaado oo naftaada iyo jirkaagaba aad ku tarbiyaynayso sabarka iyo dulqaadka iyo inaad ka xakamayso naftaada waxyaabihii ay jecalayd. Sidaa darteed afurkaaga haka dhigin mid u eg "aargoosi" aad doonayso inaad hal mar cunto wixii aad sadexda wakhti ee maalinkii cuni jirtay. Sidaas badalkeed, cunto kooban oo isku dheellitiran ku afur.

Cuntada isku dheellitiran waa mida ay ku dhan yihiin (Carbohydrate, Protein iyo Fat) oo sidoo kalena ay khudaar weheliso.

Cunooyinka Carbohaydarte-ka leh waa waxaa ka mid ah bariiska, baastada, rootiga, canjeelada, burka, iyo sidoo kale dhamaan badarka ama haruurka noocyadiisa kala duwan (masago iyo sarreen iwm). Cunooyinka Protein-ka leh waxaa ka mid ah ukunta, caanaha, hilbaha noocyadooda kala duwan sida hilibka xoolaha, kalluunka iyo digaaga. Fat-ka oo ah dufanka, asna waxaad ka heli kartaa oo uu ku jiraa saliida lagu diyaariyay cunnada, iyo sidoo kale hilbka xoolaha. Sadexdaas cunsur oo ay khudaar weheliso marka waa inay ku dhan yihiin afurkaaga, si ay cunnadaadu u noqoto mid isku dheellitiran. Waxaana loo baahan yahay in carbohydrates-ka ay yihiin qaybta ugu badan halka dufankana uu yahay kan ugu yar.

4- Si aad uga fogaato mashaakilka dheefshiidka, waxaa haboon in afurka ka dib aadan cunto badan cunin, si aad u suxuurato ayada oo jirkaagu uu diyaar u yahay inaad mar kale wax cunto.

Si oon badan uusan kuu qaban inta maalinkii sooman tahay, waxaa wanaagsan inaad qare ama khudaar sidiisa oo kale biyo badan leh cunto marka aad suxuuranayso. Sababtoo ah qaraha waxaa ku badan biyaha oo jirka si tartartiib ah ayuu uga faa'iidaysanayaa biyahaas, halka biyaha caadiga ah ay islamarkiiba si degedg ah jirka uga baxayaan.

Markii aad suxuurato kadib, islamarkiiba adiga oo dharagsan horay ha ka seexanin si aadan ugu laabjeexin cunnadii suxuurta ama mashaakil kale oo caafimaad aysan kuula soo gudboonaan. Hadii suxuurta kadib inaad seexato aad doonayso waxaa wanaagsan in hurdadaada iyo suxuurata ay ugu yaraan 2  saac u dhexayso.



Ugu dambayn waxaad xasuusataa: adiga oo maalinkii oo dhan ka soomanaa waxyaabihii xalaasha ahaa, ha ku afurin wax xaaraan ah sida xan iyo been iwm.
Ramadaan Kariim
________________________________
Maqaal kale oo ku saabsan faa'iidooyinka uu caafimaad ahaan lee yahay soonku waxaad ka akhrisan kartaa Halkaan

No comments:

Post a Comment