Sunday, June 10, 2018

Sababaha ka Dambeeya Ladagaallanka Xijaabka

Waa maxay sababta ay warbaahinta reer galbeedka iyo siyaasiyiintooduba ugu mashquushan yihiin xijaabka dumarka muslimiinta ah, iyo guud ahaan qaab-nololeedka haweenka dunida muslimka?
Waa maxay sababta ka dambaysa ololeyaasha aan kala go'ayn ee ay wadaan hay'adaha iyo dowladaha reer galbeedka ee la xiriira "xuquuqda dumarka"? Maxaa dumarka gooni ku ah?

Su'aalahaas in la iswaydiiyo waxaa khasab ka dhigaya qaabka ay reer galbeedku farogalinta ugu hayaan nolosha bulshooyinka muslimka ah; gaar ahaanna sida ay ugu dadaalayaan inay dalalka muslimka ah ku cadaadiyaan dhaqangalinta shuruuc iyo qawaaniin gaar ku ah haweenka, oo inta badanna ka hor imaanaya dhaqanka Islaamka. Ayada oo farogalintaan ay huwan tahay magaca "xuquuqda haweenka".
Aan iswaydiino marka; maxaa haweenka muslimiinta ah gooni ku ah oo keenay inay dowladihii iyo hay'adihii reer galbeedku ku mashquulaan oo mashruuc iyo shaqo ay ka dhigtaan? Arrintaan ma xilkasnimo iyo xaq-u-dirirnimo ayaa sabab u ah, mise dano dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed ayaa ka dambeeya?

Hadaan ku hormarno su'aasha ah: reer galbeedka ma xilkasnimo iyo wanaag-jacayl bay ka tahay inay had iyo goor hadal hayaan xaalada nolosha ee dumarka muslimka ah, oo qasad wanaagsan baa hagaya?
Su'aashaas jawaabteeda waxayku jirtaa su'aal kale oo qaabkaan u dhigan: dunida aan maanta ku noolnahay dulmi intee le'eg ayaa ka jira? Jawaabtuna waa in dhinac walba oo dunida ka mid ah maanta uu jiro dulmi iyo tacadiyo noocyo kala duwan ah oo lagula kacayo bulshooyin badan. Ummado dhulkoodii la haysto oo ku hoos nool gumaysi arxan daran oo aan innaba u naxariisanayn (tusaale waxaa u ah Falastiin, Turkistaanta Bari, Roohinjada Burma, Somali-galbeed ama Ogadenia, Kashmir iyo qaar kale oo badan). Ummado siyaasad ahaan loo burburiyay oo khayraadkoodii la boobayo ayaga oo khayraadkaas ka qatan (tusaale waxaa u ah Soomaaliya, Democratic Republic of Congo iyo qaybo kale oo Afrika ka mid ah).
Aan iswaydiino: umadaha sidaas u dhibaataysan oo gumaysiga ku hoos nool, iyo kuwaas siyaasad ahaan la curyaamiyay, yaa ka dambeeyay inuu xaalkoodu sidaas noqdo? Jawaabtu waa: gumaysigii reer galbeedka. Sababtoo ah asagaa masuul ka ahaa dhigidda xuduudaha maanta jira.
Yaa umadahaas maanta dhibka ay ku jiraan ku daawanaya oo aan si daacadnimo ah ugu hagarbaxayn? Jawaabtu waa: dowladaha reer galbeedka.

Reer galbeedka masiibooyinkaas oo dhan masuulka ka ah, ee hadana maanta hortiisa ay ku silicsan yihiin umadihii uu dhulkoodii gumaystay oo sidii uu doono uu u kala qaybiyay; waa maxay naxariista goonida ah ee haweenka uu u hayo?! Imisa haween ah ayuu gumaaday gumaysigii reer galbeedka? Imisa haween ah ayuu kufsaday? Imisa haween ah ayaa lagu gumaaday oo lagu kufsaday dhulalka uu qaybiyay ee uu u gacan-galiyay cadow aan naxariis lahayn sida Burma iyo Falastiin?

Jawaabtu waa caddahay marka. Dowladaha reer galbeedka, warbaahintooda iyo hay'adaha ay soo dirsadeenba wax dan iyo wanaag ah oo ay u hayaan dumarka muslimiinta ah ma jirto. Sidaas caksigeed, waxa ay ugu mashquuleen nolosha haweenka muslimka ah waa ayaga oo u baahan inay suuq u helaan badeecooyinka Cosmetics-ka ah ee shirkadahoodu ay sameeyaan! Si ay dhaqaale ahaan u faa'iidaan shirkadahaan Cosmetics-ka sameeya oo ka ganacsada waxyaabaha ay dumarku isku "qurxiyaan", waxay u baahan yihiin shirkadahaan haween aan nafsad ahaan isku kalsoonayn oo ay ka dhaadhiciyaan: ma qurxoonidin ilaa aad iibsataan badeecooyinkeena oo aad ismarisaan kiimikada aanu samaynay! Sida la og yahayna, kambaniyada ugu waawayn ee hogaaminaya ganacsiga iyo suuqa Cosmetics-kaba waxaa iska leh reer galbeedka. Shanta kambani  ee ugu waawayn dhanka ganacsiga Cosmetics-ka 4 ka mid ah waxaa iska leh reer galbeedka*.
Sidaas dareed ayaa dowladaha reer galbeedka iyo shirkadahoodaba ay dhibaysaa inay arkaan haween asturan oo isku kalsoon, islmarkaasna aan u baahnayn sunta kiimikada ah ee ay dhalooyinka iyo caagadaha dhaldhalaaya ku soo shubeen. Waxaa dhibaysa inay arkaan haweenay aan afka marsanayn lipstick, ama aan dhabannada iyo indhaha dushooda iska marinayn midabyo ay shirkadahaan soo samyeen. Waxaa dhibaya inay arkaan haweenay ay timaheeda asturan yihiin oo aan u baahnayn inay hadba riinji cusub timaha marsato oo midab cusub ay timaheeda u yeesho. Haweenayda asturan oo ku kalsoon quruxda dabeeciga ah ee Ilaahay uu siiyay oo aan u baahnayn midabada kiimikada ah ee jirka iyo caafimaadkaba u daran oo shirkadahaan ay soo saaraan, waxay shirkadahan u arkaan inay cadow ku tahay ganacsigooda.

Dowladihii reer galbeedka ayaga oo u danaynaya shirkadoohdaas ayay u soo jeesteen la dagaallanka xijaabka iyo asturnaantaba. Waana arrintaan sababta ay dicaayada iyo aflagaadada joogtada ah ugu hayaan diinta Islaamka. Sababtoo ah qofka dumarka ah oo diinta Islaamku ay asturayso oo sharafteedii iyo shakhsiyadeediiba ay dhowrayso, waxay ayagu u arkaan inay tahay il dhaqaale oo laga hor taagan yahay inay ka faa'iidaystaan. Sidaas daraadeed ayay ku dadaalayaan sidii ay qoftaas asturan xijaabka uga tuuri lahaayeen.
Wadada midaas ay u soo maranayaanna waa inay maskax ahaan jahwareeriyaan qofka dumarka ah oo ay ka dhaadhiciyaan inaysan reer magaal iyo ilbax midna ahayn ilaa ay jirkeeda qaawiso oo ay ismariso riinjiyada iyo kiimikada ay soo sameeyeen. Waxay ku xisaabtamayaan inay qof walba oo dumar ah ku kharashgarayso boqolaal doolar isticmaalka kiimikadaan. 

Qaabka ay dowladahaan iyo shirkadahooduba u wada shaqaynayaanna waa qaabka shabakad isku xiran oo qaybteedba ay qaybta kale gacan siinayso. Matalan, markii ay dowladahaan farogalin siyaasadeed ku sameeyaan mujtamac muslim ah ama ay warbaahinta dowladahaan saamayn xoog leh ku yeelato mujtamac muslim ah oo mujtamacaas lagala dagaallamo dhankii diinta iyo akhlaaqdaba, waxaa ku yaraanaysa mujtamacaas asturnaantii, oo waxaa midaas dhaqaale ahaan ka faa'iidaya shirkadihii costmetics-ka oo suuq wayn u helaya ganacsigoodii. Sidoo kale, in dumarka muslimka ah ay xijaabka iyo asturnaanta ka tagaan waxay faa'iido u tahay shirkadaha sameeya dharka ay xirtaan dumarka aan asturnayn, gaar ahaanna shirakadaha moodada iyo faashonka ee hadba soo saara labis cusub oo ay leeyihiin "waa faashonka cusub ee hada socda".
Markii asturnaantii ay yaraato, waxaa yaraanaya sidoo kale xishoodkii iyo akhlaaqdii oo waxaa badanaysa macsidii iyo sinadii. Waxayna midaas horseedaysaa faafitaanka cuduradii la socday macaasida (jir ahaan iyo nafsad ahaanba). Waxayna midaas faa'iido u tahay shirkadihii dawooyinka oo suuq u helaya dawooyinkii lagula tacaalayay cudurada lagu kala qaado galmada. Dhaqaalaha u soo xaroonaya shirkadahaas kala duwanna wuxuu sii xoojinaya dhaqaalaha dowladihii iska lahaa shirkadahaan. Sababtoo ah dhaqaalaha shirkadahaan u soo xarooda wuxuu wadamadodii ka dhex abuurayaa farsado shaqo, iyo sidoo kale canshuur galaysa khasnadaha dowladahooda.

Waa shabakadaan isku xiran marka cidda la dagaalamaysa xijaabka iyo asturnaanta dumarka muslimka ah, iyo diinta Islaamkaba. Waana shakabad dano dhaqaale ka leh dumar muslimka ah oo sidaas daraadeed ka shaqaynaya sidii habnololeedka dumarka muslimka ah loo badali lahaa si dhaqaale ahaan looga faa'iidaysto. Waxay dowladahaan iyo shirkadahooduba u arkaan dumarka muslimka ah fursado dhaqaale iyo suuq cusub oo waxyaabaha ay soo saaraan loo iib-gayn karo.

Waxaana inaan xusno mudan, in qodobka dhaqaalaha ee aan ka hadlnay inuu sabab u yahay la dagaallanka xijaabka uusan kaligiis ahayn sababta loola dagaalamayo xijaabka, balse ay sidoo kale jiraan asbaabo diini ah iyo doonitaan uu reer galbeedku doonayo inuu ku khasbo bulshooyinka muslimka ah qaadashada dhaqankiisa. Waxaanse maqaalkaan ugu soo qaadannay xiriirka ka dhaxeeya la dagaallanka xijaabka iyo danaha dhaqaale ee reer gableedka maadaama uu dhaqaaluhu noqday waxa ugu wayn ee dhaqaajinaya siyaasadaha iyo qorsheyaasha dowladaha reer galbeedka ah. Arrinkaasna wuxuu qodobka dhaqaalaha meel hore ka galinayaa asbaabaha ka dambeeya la dagaallanka asturnaanta iyo xijaabka dumarka muslimka ah.

Ilaahay (SW) asaga oo muslimiinta la hadlaya oo uga digaya dhagarta uu cadowguudu la damacsan yahay ee dhanka akhlaaqda ah wuxuu yiri:
والله يريد أن يتوب عليكم ويريد الذين يتبعون الشهوات أن تميلوا ميلا عظيما: النساء:27

"Ilaahay wuxuu doonayaa inuu idiin dambi-dhaafo. Kuwa shahwo-raaca ahse, waxay idinla doonayaan inaad si wayn u baadiyowdaan".
__________________________
Qoraal kale oo xiriir la leh mdikaan waxaad ka akhrisan kartaa Halkaan
* Shantaas kambani waxay kala yihiin: Uniliver, The Procter And Gamble Company, Estee Lauder Companies Inc, Le'Oriel group, Iyo Shisiedo Company. Afarta hore waxaa laga leeyahay: Maraykanka, Ingiriiska, Holan, iyo Faransiiska. Kan ugu dambeeyana waxaa laga leeyahay Jabaan. 

No comments:

Post a Comment