Sunday, June 17, 2018

Mudane Madaxwayne: Heshiiskaan Dib Uga Fiirso

Cinwaanka kore ee maqaalkaan waa farriin ku socota madaxwayne Muxammad Cabdullaahi Farmaajo. Waxaana sabab u ah heshiiskii la shaaciyay inuu dhex maray madaxwayne Farmaajo iyo raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo shalay booqasho ku yimd magaalada Muqdisho.
Waxaa la shaaciyay inay labada hogaamiye ku heshiiyeen in ay Itoobiya maalgashato afar dakadood oo Soomaaliya ku yaal!!

Heshiis noocaas ah in maanta Itoobiya lala galo marnaba wax la aqbali karo ma ahan. Waana heshiis si toos ah halis ugu ah jiritaanka Soomaaliya iyo qarannimadeeda. Wuxuu heshiiskaan halis ugu yahay Soomaaliya sababaha hoos ku xusan awgood:

1- Taariikhda colaadeed ee soo jireenka ah ee labada dal dhex taalla, ayaan marnaba caqli ahaan suuragal ka dhigayn in Itoobiya laga sugo inay Soomaaliya
Abiy Ahmed asaga oo fitashaari xiran ayuu Soomaaliya
soo booqday. Protocol-ka saxda wuxuu ahaa inuu suut xirto
maadaama uu booqasho rasmi ah ku marayo dal kale. Arrintaan
waxay muujinaysaa inuusan ixtirmaayn qarannimada Soomaliya.
wanaag u gasho.

Intaas waxaa dheer siyaasadda kala qaybinta iyo burburinta ku dhisan ee Itoobiya ay ka waday gudaha Soomaaliya laga soo bilaabo dagaalkii 1977kii ee labada dal dhex maray (ayada oo wakhtigaas abaabushay oo saldhigna u noqotay jabhadihii dumiyay qararnkii Soomaaliya). Buburkii dowladii dhexe kadibna waxay Itoobiya hormuud ka ahayd (oo ilaa maantana ka tahay) qasitaanka siyaasada Soomaaliya iyo kala qaybinta goboladeeda, oo xaalada kala qaybsanaanta ah ee maanta ay Soomaaliya ku sugan tahay waxaa si toos ah masuul uga ah Itoobiya.

2- Soomaaliya maanta ma leh cod wada jira oo ay heshiisyo ku saabsan dhulkeeda kula gasho dowlado kale, oo siyaasad ahaan wali maysan helin midnimadii ay heshiisyada noocaas ah ku gali lahayd. Sidaas daraadeed heshiiska uu madaxwaynuhu la galay raysalwasaaraha Itoobiya ma ahan heshiis labadiisa dhinac ay isku dheellitiran yihiin. Barri-kamaalin hadii qodobada heshiiskaan la isku khilaafana lama damaanad qaadi karo inaan Soomaaliya lagu xadgudbi doonin oo aysan Itoobiya awood militari u adeegsan doonin Soomaaliya. Taariikhda markii dib loo raacana, gumaysi walba iyo qabsashada dhulalka waxaa hordhac u ahaa heshiis aysan awood ahaan isku dheellitirnayn labada dhinac ee uu ka dhaxeeyo.

3- Itoobiya ka dowlad ahaan ayada laftirkeeda ayaa maanta maraysa marlaxad siyaasadeed oo cakiran. Waxaa soo ifbaxaya khilaaf wayn oo ka dhex taagan garabyada uu ka kooban yahay xisbiga talada dalkaas haya ee loo yaqaan EPRDF. Wuxuu khilaafkaas u dhexeeyaa TPLF oo ah garabka qowmiyada Tigreega ee talada dalkaas soo hayay 27kii sano ee u dambeeyay, iyo labada xisbi ee OPDO iyo ANDM (oo ay leeyihiin Oromada iyo Amxaarada) oo doonaya inay awoodda siyaasadeed kala wareegaan Tigreega. Rayswasawaaraha cusub ee Itoobiya marka wuxuu doonayaa inuu wiiqo awoodii Tigreega asaga oo adeegsanaya sumcada uu ka helo heshiisyada uu la soo galo dowladaha kale ee caalamka. Gaar ahanna heshiiskaan uu hada la galay Soomaaliya hadii uu hirgalo, wuxuu ku heli doonaa sumcad aad u wayn oo ah inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee Itoobiyaanka ah ee ku guulaystay inuu Itoobiya u gacan galiyo xeebtii iyo waliba dhulkii Soomaaliya ee ay waligeed ku taamaysay (faahfaahin ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Itoobiya waxaad ka akhrin kartaa Linkigaan).
Heshiiskaan in la insixiyo marka waxaa ka dhalanaya inay qowmiyadaha xukuma Itoobiya oo hada muran iyo nacayb wayn uu dhex yaallo ay ka gudbaan khilaafaadkooda oo heshiiskaan Soomaaliya daraadiis ay ku midoobaan. Sidaas daraadeed ayay waajib tahay inuusan madaxwaynuhu ogolaanin in raysalwaraaha Itoobiya uu mashaakilka siyaasadeed ee Itoobiya ka jira ku xalliyo heshiisyo uu Soomaaliya ka saxiixdo.

Qodobadaas oo wada jira awgood ayay waajib tahay inuu madaxwaynuhu dib uga fiirsado heshiiskaan oo uu ka noqdo. Sidoo kale waajibka wadaninimo ee maanta baarlamaanka Soomaaliya saaran waa inuu waxba-kama-jiraan ka dhigo heshiiskaas oo uusan marnaba ansixinin. Waana inay xubnaha baarlamaanku ogaadaan in cida gadaal ka riixaysa heshiiskaan ay tahay dowlada Imaaraatka ee horay ay u kansaleen heshiisyadii musuqmaaqa ku dhisnaa ee dalka ay ka waday. Waana inay ogaadaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay Imaaraatku laaluush la soo dhex gali doonto baarlamaanka si ay ugu cadaadiso inuu ansixiyo heshiiskaan. Ilaahay haka cabsadeen marka oo yaysan iibinin dhulkooda iyo qarannimadooda. Yaysan ku tagrifalin nolosha umadda Soomaaliyeed ee 27ka sano dhibka ku soo jirtay oo yaysan u horseedin gumaysi xujo ka dhiganaya heshiiskaan hagardaamada huwan.

Shacabka Soomaaliyeed asna guud ahaan waxaa looga baahan yahay inuu ka dhiidhiyo heshiiskaan oo si cad uu ugu sheego xukuumada iyo baarlamaankaba inuusan heshiiskaan raalli ka ahayn. Waa inay bulshadu ka mudaaharaado oo dhamaan magaalooyinka waawayn ee Soomaaliya lagu qabto mudaaharaadyo looga soo horjeedo heshiiskaan. Sababtoo ah natiijooyinka xun ee barri-kamaalin ka dhasha heshiiskaan cidda ay sida tooska ah u saamayn doonto waa shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambaynna farriinta aan maqaalkaan ku suu gunaanadayo waxay shakhsi ahaan ku socotaa madaxwayne Muxammad Cabdullaahi Farmaajo: Mudane, waxaad tahay madaxwayne ay umadda Soomaaliyeed jeceshay oo kuna hanwaynayd (walina in badan ku hanwayn yihiin), sidaas daraadeed hadii aadan awoodin inaad dalkaan ka saarto dhibka uu ku jiro, ugu yaraan haka tuurin haadaan aan laga soo saari karin mustaqbalka. Soomaalidu meel sare ayay kaa dayaysaaye ha is dhigin meel hoose. Caqabadaha waawayn ee ku hortaaganna shacabka u sheeg oo waxa jira haka qarinin. Sababtoo ah waxaad qarsato waa ku qarsadaan ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa.

No comments:

Post a Comment