Wednesday, November 28, 2012

Cudurrada Faafa (1) : CUDURKA JABTADA (Gonorrhea)


antibiotic

Cudurrada faafa(Infectious Disease) ayaa noqon doono kuwo aan Diiradda ku saarno casharrada aan halkaan kusoo bandhigi doono haddii rabbi idmo . kuwaasoo siyaabo kala duwan ugu dhex faafa Bulshada , hanoqdeen kuwa la'isku qaadsiiyo neefta (breathing) , Galmada (Sexual transmitted Disease) ama Cayayaan ukala qaado labo qof .

  Cudurka jabtada ayaa safka hore kaga jira cudarrada galmada lagu qaado (sexually transmitted disease STD) kaas oo khatar ba’an ku haya dadyow badan oo dunida ku nool haba ugu badnaadeen kuwa ku nool waddamada soboolka ah ee aan helin xannaaneyn iyo daryeel caafimaad oo ku filan iyo waddamada gogol-dhaafku caadada kanoqday ( Wadama Gaalada ah ) .


Cudurka jabtadu waxa uu ka mid yahay cudarrada la daaweyn karo ee Galmada lagu kala qaado (Curable sexually transmitted disease), cudurkan waxaa sababa bakteeritada loo yaqaabn Neisseria gonorrhoeae, bakteeriyadan ayaa awood u leh in ay qabsato kuna taranto xuubka gudaha kaga dahaaran habdhiska taranka ee labka iyo dheddiga (mucasal surface of genital tract) kadib marka uu qofku la sameeyo galmo buke qaba cudurka jabtada - waana sababta keliya ee qofku ku qaadi karo cudurkaan -, qabsashada iyo taranka bakteeriyadan ee gudaha habdhiska taranka ee labka iyo dheddiga ayaa sababa caabuq (Inflammation) iyo hurgun (Infection) ku yimaada
gudaha dakarka raga iyo farjiga dumarka. Caabuqan iyo hurgunka ayaan hadii aan durbaba lala gaadhin daaweynta ku haboon ku faafa xubnaha kale ee habdhiska taranka sida Rixinka (uterus), ugxansidayaasha (fallopian tubes), iyo gudaha saabka (endocervix) ee dumarka, sababana jirrada loo yaqaan Pelvic inflammatory disease (PID) oo ah caabuq ku dhaca xubnahaa aan soo sheegnay ee habdhiska taranka haweenka, kaasoo inta badana uu keena dhalmo la’aan (madhaleysnimo) boqolkiiba toban ( 10%) dumarka caabuqan oo kale qaba.

Inta badan caabuqa (inflammation) iyo hurgunka (Infection) raga ku dhaca ayaa ah mid ku eg kaadi mareenka ( gudaha dakarka).

CALAAMADAHA CUDURKA JABTADDA:-

Calaamadaha Dumarka:-
1)- xanuun ama gubasho la dareemo xiliyada kaadida (pain or burning when urinating)
2)- dheecaan ka yimaado farjiga kaas oo ah cagaar marmarna u eg dhiig-dhiig.
3) dhiig yimaada xiliyada caadada dhexdooda ( bleeding between menstrual period)
4)- xanuun la dareemo xiliyada Galmada
5)- qaarka danbe oo xanuuna ( lower abdominal pain)

Calaamadaha Ragga:-
1)- cuncun iyo xanuun laga dareemo gudaha dekarka.
2)- kaadida oo lagu dhibtoodo (difficult Urinnation)
3)- malax leh xanuun oo ka timaada dekarka.
4)- madax xanuun iyo qandho la dareemo marmar.

BAARISTA CUDURKA JABTADDA:-

Si loo xaqiijiyo cudurka bukaha hayaa in uu yahay cudurka jabtadda iyo in kale ayay xarumaha baarista cudurradu u adeegsadaan sadex dariiqo midood baarista cudurka jabtadda :

1)- In si toos ah loo adgeesado sheybaare (microscopy) iyada oo la adeegsanayo dheecaan aan badneyn oo bukaha laga soo qaaday, slides (quraarado yar yar oo loo adeegsado sheybaaraha), ranjiyo iyo midabo (stain and dyes) ku haboon , taas oo fududeynaysa in si fudud loo arko muqaalka iyo qaabka bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae .

2)- In laga baaro hiddaha (DNA) bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae kaadida bukaha, taas oo u baahan in la isticmaalo qalab casri ah sida midka loo yaqaan polymerase chain reaction (PCR).

3)- In la abuuro (culture) bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae iyada oo la isticmaalayo dheecaan laga soo qaaday bukaha cudurka qaba si loo helo xadi bakteeriyadan ah oo si fudud loo baari karo, abuuristan oo u baahan in loo dhameystiro nafaqooyinka iyo macdanaha (nutrients and minerals) ku haboon koritaanka bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae.

DAAWEYTANA CUDURKA JABTADDA;-

Inta badan dhakhaatiirtu waxa ay u qoraan bukaha cudurka jabtada qaba mid ka mid ah daawooyinkan (antibiotics).

1- Cefriaxone
2- Ciprofloxacin
3- Cefixine
4- Ofloxacin
5- Levofloxacin
Hadii uu bukaha cudurka qabaa uu yahay haweeney uur leh ama qof da’diisu ka yar tahay 18 sano looma ogola in uu isticmaalo daawooyinka Ciprofloxacin iyo Ofloxacin.

Xigasho : Somalitalk.com
 Faarax Axmed Muuse

No comments:

Post a Comment