Sunday, December 2, 2012

Cudurrada Faafa (3) : CUDURKA QAAXADA (Pulmonary Tuberculosis )





Qaaxada Sambabada .
Cudurka Qaaxada ama TB Sambabood (Pulmonary Tuberculosis )-ku Waa cudur khatar badan ku leh Caafimaadka Banii'aadamka oo Sambabada ku dhaca ayna keento bakteeriyo loo yaqaan Mycobacterium Tuberculosis . 

Sidee buu Cudurkanu ku faafaa ?

Waxaa laga qaadi karaa kaliya qof qaba cudurkaan , Wuxuuna ku faafaa marka qof TB-da sambabaha qaba uu qufaco ama uu hindhiso iwm Bakteeriyada ka timaada qofkaas sambabadiisa ayaa hawada gasha . Waxaana lagu kala qaadi karaa in qofka qaba TB bakteeriyo firfircoon leh muddo badan la'isla joogo qol ama meel kooban , Inta badan qofku wuxuu ku daartaa qofka u dhow oo had iyo jeer ay isla joogaan, sida waalidka iyo ilmahooda.
Waxaase jira dad unugul inay qaadaan tusaale qofka difaaciisa jirku liito sida Virus ka HIV ga qof qaba , dadka da'doodu weyntahay , Carruurta , dadka nafaqa darridu hayso IWM .
Waxaa xusid mudan in mar haddii qof TB-da qaba uu dawo qaadanayo 2 Todobaad , islamarkiiba waxaa uu noqonayaa qof aan cudurka gudbin karin.

Waa maxay Calaamadaha lagu garto qofka qaba ?

TB-sambaboodku way qeybo badantahay , balse waxaa jira Calaamado ay wadaagaan sida :
- Qufac iyo Xaako (cough and expectoration) .
- Dhiig la qufaco (hemoptysis) .
- Xanuun shafka ah (chest pain)
- Neeftoo dhib noqota (dyspnea)
- Xummad khafiif ah oo galabtii bilaabata ilaa habeenkii .
- Dhidid habeenkii ah (night sweat)

Calaamadahaan kasokow waa in qofku baaritaan maraa sida : in Candhuuf laga qaado , ama lasaaro (X-ray , CT , chest radiography) , sidoo kale in qofka Maqaarkiisa lagu duro irbad wadata Bakteeriyada TB-da ( sida BCG ama PPD) ,
marka hadduu qofku qabo cudurka ama uu horey iskaga tallaaley waxaa ka dhalanaya fal ah inay bararto meesha lagu duray irbadda Ka dibna waxaa la cabbirayaa inta ay le'eg tahay meeshu , halkaasaa laga garan karaa inuu qofku qabo iyo in kale .

Sidee loo daaweeyaa cudurka TB Sambaboodka ?

Si loo daaweeyo cudurkaan qofku waa inuu daawada dhammaystirtaa Xilliga dhakhtarku uqoray inuu qaato , badanaa waqti dheer oo 6 bilood ilaa sanad bay qaadataa in ladaweeyo , sababtoo ah Bacteriyada TB-du way adagtahay in jidhka si dhakhsa ah looga sifeeyo .
Daawooyinkaan hoos ku qoran baa lagu daaweeyaa , qofku iskama qaadan karo asagoona dhakhtar u qorin :
1. Isoniazid .
2.Rifampicin .
3.Pyrazinamide .
4.Ethambutol .
5.Streptomycin .

No comments:

Post a Comment