Friday, November 16, 2012

Shiicada Imaamiyada ah Iyo Caqiidadeeda

Shiicada Imaamiyada waa midda loo yaqaan (الإمامية الاثناعشرية) oo af-soomaali ahaan lagu macnayn karo (Imaamiyada Laba-iyo-tobanleyda ah). Firqadaanna waa tan firqooyinka shiicada ugu wayn xagga cimriga, tiro ahaanna ugu badan dhanka dadka haysta fikirka shiiciga ah oo guud ahaan aaminsan in Cali Ibnu Abii-daalib (Allaha ka raalli noqdee) uu khilaafada uga xaq lahaa Abuu Bakar Assiddiiq, Cumar Ibnul-khadaab, Iyo Cuthmaan Ibnu Caffaan (dhamaantood Ilaahay haka raalli noqdee).

Sababta firqadaan loogu bixiyay Imaamiyada Laba-iyo-tobanleyda ah waa ayadoo firqadaan ay mas'alada imaamnimada iyo khilaafada iyo cidda qabanaysa ka dhigteen arrinta ugu wayn oo caqiidadoodu ay ku dhisan tahay. Sababta loogu bixiyay Labo-iyo-tobanleyna waa ayadoo
firqadaan ay aaminsan tahay inay jiraan 12 imaam oo midba midkii ka horeeyay uu ka dhexlay imaamnimada. Ayagoo aaminsan in midkii ugu dambeeyay 12kaas - oo ay ku magacaabaan (Muxamad Al-mahdi Ibnul-xasan Alcaskari)- uu galay dhimse ku yaal dhulka hoostiisa (سرداب) qarnigii saddexaad ee hijriga, asagoo ilmo yar ah. Markaas kadibna inaan dib loo arag imaamkaas maqan. Sidaas darteed shiicada imaamiyada ah waxay sugayaan in imaamkaas ay ku naanaysaan (حجة الزمان) uu soo noqdo oo aduunka uu xukumo. Asagoo sida ay aaminsan yihiin u roonaan doona shiicada, islamarkaasna ka aarsan doona dadka aan shiicada ahayn.

Shiicada Imaamiyada ah wuxuu jiritaankooda dhabta ah bilowday intii ka dambaysay dilkii khaliifadii saddexaad ee muslimiinta Cuthmaan Ibnu Caffaan. Ayadoo fitanadii arrintaas ka dhalatay natiijooyinkii kasoo baxay ay ka mid ahayd dhalashada firqadaan. Shakhsiyaadka fikir ahaan ay shiicanimada iyo sheegashada in nabiga (NNKH) uu Cali u doortay khilaafada; shakhsiyaadka fikirkaas bilaabay waxaa ugu caansan Cabdullaahi Ibnu Saba' oo ahaa nin yahuudi ah oo muslimiinta fitno ka dhex waday asagoo sheeganaya inuu muslim yahay.

Shiicada Imaamiyadana, waxay muslimiinta raacsan sunnadii nabiga oo haysta diinta Islaamka oo dhabta ah uga duwan yihiin ayagoo aaminsan arrimaha soo socda:
  • Hormarinta laga hormarinayo Cali Ibnu Abii-daalib (Ilaahay haka raali noqdee) saxaabada inteeda kale gaar ahaanna dhanka khilaafada, ayadoo shiicada ay arrintaas qiil uga dhigayaan in nabiga (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) uu khiaafada siiyay Cali. Sidaas darteed shiicadu waxay aaminsan yihiin in Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan ay khilaafada xaq-darro ku qabteen oo Cali ay ka boobeen.
  • Sheegashada inay jiraan 12 imaam oo Cali Ibnu Abii-daalib uu ugu horreeyo. Mid walba oo ka mid ahna uu ka dardaarmay imaamka ka dambeeya asaga.
  • In imaam walba oo 12kaas ka mid ah uu macsuum yahay. Gaf iyo hilmaanna aysan ka dhicin.
  • In imaam walba oo 12kaas imaam ka mid ah uu leeyahay cilmi gaar u ah oo nabiga uu ka dhaxlay. Cilmigaasoo uu u adeegsan karo inuu shareecada ku kaamil yeelo (oo wax cusub uu ku soo daro diinta).
  • In imaamyadaas ay leeyihiin mucjisooyin ka markhaatikacaya imaamnimadooda.
  • In imaamkoodii 12aad uu maqan yahay, welina uu nool yahay lagasoo bilaabo markii uu godka dhulka hoostiisa ku yaal galay qarnigii saddexaad ee hijriga (waa 12 qarni ka hor).
  • In imaamkaas maqan uu soo noqon doono aakhiru samaanka, si'uu dhulka ugu maamulo qaab waafaqsan caqiidada shiicada.
  • Adeegsiga (Taqiyda). Midaas oo ah inay shiicadu wanaag u muujiyaan dadka ay ka cabsanayaan, ayagoo islamarkaasna hoost ka neceb oo hadii ay fursad helaan wanaagaas xumaan ku badalaya.
  • Bannaysiga guurka Mutcada (زواج المتعة) ee Islaamka uu xarrimay. Guurka mutcadana waa guur leh wakhti go'an oo markuu dhamaado uu gaarkaas dhamaanayo. Sida in ninka iyo naagta uu guurkaas ka dhexeeyo ay ku heshiiyaan inay is qabaan afar bilood kadibna kala tagaan. Shiicadu guurkaan aad bay  u  jecelyihiin uguna raaxaystaan ayagoo aaminsan inuu yahay shay fadli badan oo diinta ka mid ah. Dhexdoodana aad buu ugu badan yahay guurka noocaan ah. Sidaas daraadeed baa bulshooyinka shiicada ah dhexdooda (gaar ahaanna Iiraan) aad ugu badan yihiin cudurada lagu kala qaado galmada (STDs).
  • Waxay shiicadu aaminsan yihiin inuu jiro kitaab ka duwan Quraanka oo gaar u ah Aalu-baydka iyo shiicada. Waxay kitaabkaas u yaqaannaan (مصحف فاطمة), waxayna aaminsan yihiin inuu ka wayn yahay kana qiimo badan yahay Quraanka kariimka ah.
  • Waxay iska fogaynayaan oo lacnadayaan saxaabadii nabiga qaar badan oo ka mid ah. Gaar ahaanna Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan (Ilaahay haka raalli noqdee). Sidoo kale waxay aflagaadaynayaan oo xumaan ka sheegayaan xaasaskii nabiga (NNKH) ee ahaa hooyooyinka mu'miniinta  sida Caa'isha iyo Xafsah (Ilaahay haka raalli noqdo ayaga iyo aabayaashoode).
  • Waxay ka badbadiniyaan oo beenna ka sheegayaan karaamooyinka iyo fadliga ay leeyihiin dadka ay imaamyada u arkaan. Ayagoo gaarsiinaya mararka qaarkood darajo aan ilaahnimo waxba ka sokayn. Sidaas darteed waxaa shiicada dhexdeeda ku badan tuugista dadka dhintay iyo barakaysiga iyo siyaarashada qubuuraha.
  • Waxay leeyihiin ciido ka duwan ciidaha muslmiinta. Waxaa ciidahaas ka mid midda ay ku maamusaan gaalkii dilay Cumar Ibnul-khadaab oo la oran jiray (Abu Lu'lu'a Al-majuusi). Ayaga waxay gaalkaan u yaqaannaan (Baabaa Shujaacu-diin). Waxayna u dabbaal dagaan xuskiisa maalinta sagaalaad ee bisha (Rabiicu thaani). Waxay sidoo kale leeyihiin ciid ay yiraahdaan waa maalinkii uu nabigu u dardaarmay Cali khilaafada.
  • Waxay leeyihiin xilli ay qabtaan baroor-diiq ay leeyihiin waxaan u barooranaynaa dilkii Xuseen Ibnu Cali (Ilaahay haka raalli noqdee). Waxay baroor-diiqdaan qabtaan tobanka maamlmood ee ugu horaysa bisha (Muxarram). Waxyaabaha ay sameeyaan markii ay baroornayaanna waxaa ka mid ah inay silsilado iyo mindiyo iskala dhacaan jirka, dhiigna iska daadiyaan ayagoo qaylinaya oo ku barooranaya (!يا حسين)*.
  • Ugu dambaynna, qodobka ugu wayn oo shiicada ay caqiido ahaan uga duwan yihiin muslimiinta waa ayagoo shanta tiir ee Islaamka qodobka ugu horreeya oo ah (Shahaadatayn-ka) booskeedii galiyay waxay u yaqaanaan (Wilaayada). Sidaas darteed shanta tiir oo Islaamka ayaga agtooda waa sidan: salaadda, soonka, xajka, zakada, wilaayada. Shiicada caqiidadeeduna waxay qabtaa in waxa ay wilaayada u yaqaannaan ay tahay tiirka ugu wayn ee diinta Islaamka. Waxaana in la xuso mudan in shanta tiir oo Islaamku ay yihiin: shahaadataynta, salaadda, soonka, sakada, iyo xajka. Waana shanta tiir oo Quraanka iyo Sunnada lagu xusay, halka aysan Sunnada iyo Quraanka midna xusin rukni la yiraahdo "wilaayo". Haday marka shiicadu tiraaho annaga shantaas aan hada haysano ayaa noo ah shanta tiir ee Islaamka, taas macneheedu waa inay asalkii diinta ku khilaafsan yihiin muslimiinta oo tiirkii shahaadataynka ay ka tageen oo wax kale ay ku badaleen. Hadii sidoo kale ay yiraahdaan waxaa tiirarka Islaamka noo ah shantaas aan haysanno iyo shahaadataynka, mar kale waxay muslimiinta ku khilaafsan yihiin asalkii diinta oo lix tiir bay wataan meesha tiirarka Islaamka ee saxda ah ay yihiin shan tiir oo si fiican ay dadka muslimiinta ahi u yaqaannaan. Khilaafka ay shiicadu kula jirto muslimiinta ma ahan marka mid furuucda diinta ku saabsane waa asalka diinta iyo tiirarka ay ku dhisan tahay mid taabanaya.
Fikirka iyo caqiidada shiicadana waxay ka mid yihiin asbaabaha dhibka iyo burburka u keenay muslimiinta. Qaar badan oo culimada Islaamka ka mid ahna (horay iyo casrigaanba) waxay sheegeen in mad-habka shiicadu uu yahay mid qofkii qaata uu ka baxayo diinta Islaamka. Mad-habka shiicadana, tan iyo maalinkuu soo baxay wuu sii kala jajabayay, ayadoo firqadii cusub oo mad-habkaan ka dhalataba ay kasii fogaanaysay diinta Islaamka. Firqada ugu wayn firqooyinka shiicadana, waa mida aan qoraalkaan kooban uga hadlnay ee la yiraahdo Imaamiyada Laba-iyo-tobanlayda ah. Meelaha firqadaan ay xoogga ku leedahayna waxaa ugu caansan Iiraan iyo Ciraaq. Waxaana in la xuso mudan in dowladda Iiraan ay aad uga shaqaynayso sidii ay caqiidada shiicada Imaamiyada ah ugu dhex faafin lahayd dalalka muslimka ah ee haysta mad-habka sunniga ah, sida dalka Soomaaliya oo ay rabto inay kusoo gasho qaab samafal iyo wax-qabad u eg; ayadoo sheegaysa inay dhisayso madaaris ay caruurta soomaaliyeed wax ku baartaan. Waana arrin mudan in lala socdo oo laga digtoonaado.
______________________________________
* Taarikh ahaan, cidda gaysatay dilkii Xuseen waa shiicada laftirkeeda. Sababtoo ah ciidankii soo weeraray Xuseen iyo qoyskiisa waxay ahaayeen dadka daga Ciraaq oo saldhig u ahayd shiicada.

No comments:

Post a Comment