Tuesday, July 25, 2017

Sidee Ku Horumaraan Umaduhu?

Allaha u naxariistee mufakirkii caanka ahaa ee reer Aljeeriya ee la oran jiray Maalik Binnabi (مالك بن نبي) ayaa buugiisa uu cinwaanka uga dhigay (شروط النهضة) oo macneheedu yahay (Shuruudaha Horumarka) wuxuu si qoto dheer u falanqeeyay shuruudaha lama huraanka u ah horumarka umadaha. Wuxuu sheegay in horumarka umad walba uu ku xiran yahay sadex arrimood oo kala ah:
1- Dadka
2- Dhulka
3- Wakhtiga

Wuxuu sheegay in horumar walba uu ku qotomo sadexdaas arrimood oo si haboon isula falgala oo mid walba qiimihii uu lahaa inta la fahmo si wanaagsan looga faa'iidaysto. Taas macneheedu waa in horta dadkii maskax ahaan ay kobcaan oo ay si saxan u fahmaan xiriirka ka dhexeeya waajibaadka iyo xuquuqda. Waa inuu qofku ka soo baxaa waajibaadka saaran intuusan dalban xuquuqdiisa. Markii qof walba uu midaas garto, waxaa halkaas ka soo baxaysa bulsho qof walba uu masuuliyada saaran si wanaagsan u fahansan yahay ugana soo bixi karo. Qofka inuu si saxan u fahmo xuquuqda iyo waajibaadkana waxay meesha ka saaraysaa dhaqamada musuqmaasuqa ku dhisan ee dadka ku xambaara doonista kasabka fudud ee aan loo dhididin ama aan dadaalka lagu bixin. In qofkii uu doonayo inuu guri qurux badan ka soo tooso, labis qurxoon xirto, baabuur quxoona fuulo asagoo aan dadaal hufan u marin arrinkaas.
In hab-fikirka bulshada horumarka doonaysa iyo dhaqankeedaba wax laga badalo marka waa daruuri.

Qadiyada ugu muhiimsan oo uu xooga saaray mufakirkaas markii uu ka hadlayay horumarinta iyo dib u jihaynta dadkana waxay ahayd wax-ka-badalista hab-fikirka dadka, markii la doonayo in horumar lagu tilabsado. Wuxuu Binnabi soo qaatay  aayadan: (إن الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم| الرعد:11 ). Waana xaqiiqo oo umad walba ilaa ay nafsad ahaan qaabka ay u fakarayso wax ka badasho, xaalka ay markaas ku sugan tahay xumaan iyo samaan mid uu yahayba in uu isbadalo mid la rajayn karo ma ahan.

Intaas waxaa dheer, inay lama huraan tahay in dhaqan ahaan iyo fikir ahaanba ay bulshadu u jeesato wax-qabsi yoolkiisu uu yahay horumarka guud ee bulshada. Wax-qabsi ha loo jeesto markii la yiraahdana waxaa daruuri ah in si wanaagsan loo jiheeyo wax-qabsigaas; ayadoo si haboon loo maaraynayo howsha la qabanayo iyo dhaqaalaha la galinayaba.

Qadiyada dhulka markii loo yimaado, wuxuu tilmaamay Binnabi in dhul walba qiimihiisu uu ku xiran yahay qiimaha dadka iska leh dhulkaas oo hadii ay dad dhisan oo horumar leh yihiin in qiimaha dhulkoodiina uu markaa si wanaagsan u soo baxayo. Sababtoo ah hadii dhulka dadkii ku dul noolaaba jaahil yahiin, sidee ku suuroobaysaa in dhulkaas khayraadkiisii ay ka faa'iidaystaan oo uu noloshooda macne u yeesho?! U fiirso maanta inta uu le'eg yahay dhulka ay soomaalidu haysato iyo xeebta ku teedsan dhulkaas inta dhererkeedu yahay; kadibna fiiri sida ay dhulkaas uga cararayaan oo uu u dayacan yahay oo badaha ay ugu dhimanayaan da' yartii Soomaaliya! Ma khayraad la'aan bay ka cararayaan? Maya! dhulku khayraad la'aan ma haysee waxaanan la hayn aqoontii lagu maarayn lahaa oo looga faa'iidaysan lahaa khayraadkaas. Waana aqoon la'aantaas mida ka dhigaysa dhulkaas mid aan qiimo ugu fadhiyin dadkii lahaa! Aqoontii iyo kobicii maskax ahaan dhulkaas
lagu maarayn lahaa markii la helo, ayuu si wanaagsan u soo baxayaa qiimaha iyo wanaaga uu dhulkaasi leeyahay.

Qodobka sadexaad oo ah wakhtiga iyo in la fahmo qiimaha uu ku fadhiyo oo uu horumarka u leeyahay, ayaa tusaalaha uu u soo qaatay Binnabi wuxuu ahaa: in hadii dahab uu lumo la heli karo, balse in hal daqiiqad oo maalaayacni ku luntay aysan jirin cid dib u soo celin karta.
Run ahaantiina annagu ka bulsho ahaan hadaanu soomaali nahay, waxaa haboon inaan is waydiino: waa maxay qiimaha uu wakhtigu noogu fadhiyo? Saacad, maalin, Isbuuc, bil, sannad, shan sano, toban sano, labaatan sano iwm ah maxay annaga noogu fadhiyaan? Maxayse umadaha kale ee dantooda yaqaan ugu fadhiyaan? Todobo iyo labaatankii sano ee tagay maxaa umadaha dariska nala ah u qabsoomay? Maxaase annaga noo qabsoomay? Dhalinyaradeena fadhi-ku-dirirka fadhida muxuu wakhtigu ugu fadhiyaa? Su'aalahaas markaan is waydiino ayaan garan karnaa khasaaraha uu leeyahay wakhti lumay oo aan wax-qabsi iyo horumar looga faa'iidaysan.

Si ay marka soomalidu u horumarto, waa inay ihtimaam iyo qiimayn siiso sidii dadkeeda, dhulkeeda iyo wakhtigeedaba loogu jihayn lahaa wax-qabsi iyo horumar. Midaasna waxay ku imaanaysaa in hab-fikirka hada meesha aan taaganahay na keenay wax laga badalo oo fikrikaas mid ka wanaagsan aan yeelano ka bulsho ahaan. Inaan ka gudubno isku mashquulida iyo xinka iyo qabyaalada oo tabarteena aan u jihayno wax-qabsi iyo maamul-wanaag iyo horumar.

No comments:

Post a Comment