Friday, August 4, 2017

Maxaa Laga Filan Karaa Doorashooyinka Kenya Ee 8da Bishaan?

Tan iyo markii uu dalka Kenya madaxbanaanida ka helay dowladii Ingriiska 1963kii, waxaa dalkaas xukunkiisa si kallaytan ah u qabanayay labo qowmiyadood oo la kala yiraahdo Kikuyu iyo Kalenjin. Afarta madaxwayne ee ilaa hada isaga dambeeyay xukunka dalkaas waxaa la kala yiraahdaa (Jomo Kenyatta (waa Kikuyu), Daniel Arap Moi (waa Kalenjin), Mwai kibaki (waa Kikuyu), Uhuru Kenyatta (waa Kikuyu); waana madaxwaynaha wakhtiga xaadirka ah u talinaya dalkaas.
Uhuru Kenyatta Waxaa madaxwayne ku-xigeen u ah nin la yiraahdo William Ruto oo ah qowmiyada Kalenjin-ta. Waxaana la filayaa inuu Ruto qabto talada dalkaas 2022 oo la filayo inuusan Uhuru Kenyatta doorsahada isu soo taagi doonin .

Inkastoo xaqiiqo ahaantii hanaanka lagu xukumo dalkaas uu yahay mid qabyaalad ku dhisan iyo heshiis hoosaad labo qowmiyadood dhex yaalla, hadana hanaankaas waxaa la huwiyay magaca xisbi siyaasadeed oo sanadihii dambe loo bixiyay Jubilee, waana "xisbiga" hada ka talinaya dalkaas oo 8da bishaan doorshada dhici doonta uu musharax uga yahay Uhuru Kenyatta.

Dhanka kale, waxaa labadaas qowmiyadood kula tartamaya xukunka dalkaas sadex qowmiyadood oo ku bahoobay xisbi ay u bixiyeen Nasa ( National Super Alliance). Sadexda qowmiyadood oo "xisbigaan" ku bahoobayna waxaa la kala yiraahdaa: Luo, Luhya iyo Kabma. Isbahaysigaanna waxaa hogaaminaya nin la yiraahdo Raila Odinga, oo qowmiyada Luo u dhashay.

Labo ka mid ah sadexdaas oo ah (Luo iyo Luhya) ayaa ah labada qowmiyadood
ee xaga tirada u babac dhigi kara labadii hore ee aan soo marnay (Kikuyu iyo Kalenjin). Tartanka dhabta ah ee siyaasada dalka Kenya-na waxaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo afartaas qowmiyadood oo isu hortaagan (Luhya iyo Luo oo dhinac ah, iyo Kikuyu iyo Kalenjin oo dhanka kale ka soo jeeda). Sidaas daraadeed tartanka doorashooyinka  ee dalkaas waa mid aad u qabyaaladaysan oo aan ku salasnayn aragti wadani ah (National Vision) balse waa damac qabyaalad ay gadaal ka riixayso oo qolada xukunka ku bahowday waxay iswaydiinayaan: anaga oo qoladaas ah sidee xukunka u sii haysanaa? Halka qolyaha mucaaradka ku bahoobayna ay is waydiinayaan: anaga oo qolo hebla ah sidee xukunka ugala wareegnaa qolyahaan? Tartanka meesha yaal marka waa mid noocaas ah oo aad loo filan karo inuu noqdo mid gacanta laysula tago oo dhiig badan uu ku daato sidii hada ka horba ka dhacday dalkaas sanadkii 2007.

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta asaga oo marka ka cabsi qaba dagaallada ka dhalan kara doorashooyinka sanadkaan, ayuu tan iyo sanadkii hore ku jiray diyaar-garow culus, asagoo qortay ilaa toban kun oo askari oo cusub oo
kuwa GSU-da loo yaqaan ah; si ay u muquuniyaan qowmiyadaha la filayo inay gadoodaan hadii doorashooyinka lagu shubto oo wax la isdabamariyo. Sidoo kale wuxuu Uhuru Kenyatta la soo dagay gawaari cusub oo kuwa gaashaaman iyo ilaa 5 Helicopter oo loogu talo galay in looga hortago qalelaasaha la filayo inuu dalkaas ka dhaco.

Dhinaca kale, Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in doorashooyinka lagu shubto oo Uhuru Kenyatta uu talada dalka ku sii hayo doorasho qaab khaldan u dhacday oo aan hufnayn. Hadalkaasna waxaa lagu fasiray inuu handadaad wayn xambaarsan yahay. Waxaana aad loo qiyaasayaa inaysan doorashadaan ahaan doonin mid hufan, oo maalmahaan waxaa isa soo tarayay  eedaymo sheegaya in Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ay fulinayaan qorsheyaal dahsoon oo hordhac u ah wax-isdabamarin aad u wayn oo dhanka doorashooyinka ah.

Go'aanka mucaaradka Kenya ee ah inaysan aamusi doonin hadii doorashada 8da bishaan lagu shubto, iyo damaca Uhuru Kenyatta iyo saaxiibkiis William Ruto, markii la qiimeeyo waxaa muuqata in dalka Kenya uu ku wajahan yahay doorasho aad halis u ah oo dhiig badan uu ku daadan doono. Ayadoo la filan karo in maamulka Uhuru Kenyatta uu adeegsado ciidamadaas iyo gaadiidkaas uu horay u sii diyaarsaday iyo ciidamada milatarigaba si uu cidii gadood samaysa xoog ugu muquuniyo. Taas oo hadii uusan durba ku guulaysan keeni karta in markaa ay taladu faraha ka baxdo oo dalkaas uu ka dillaaco dagaal buuxa oo ay isaga hor yimaadaan qowmiyadaha xukunka ku tartamaya.

Mowqifka Laga Filan Karo Maraykanka:

Hadii ay doorashooyinkaan soo socda horseedaan qalalaase iyo iska horimaadyo waawayn  oo la mid ah kuwii 2007dii, aad looguma xisaabtami karo inay Kenya taageero degedg ah oo la mid ah tii ay 2007dii heshay ka heli doonto dolwadaha waawayn ee reer galbeedka gaar ahaanna Maraykanka. Sababta arrinkaas ka dambaysana waxay tahay ayada oo Kenya ay albaabadeeda u furtay dowlada Shiinaha oo ay qandaraasyada mashaariic waawayn  oo Shiinuhu uu damacsan yahay inuu Bariga Afrika ka fuliyo ay saldhig u noqotay. Waxaa mashaariicdaas ka mid ah mashruuca wadooyinkia tareenka ee isku xiraya Nairobi ilaa Addis Ababa, Lamu ilaa Juba (South Sudan). Iyo Mombasa ilaa Kampala (Uganda), Bujumbura (Burundi), Kigali (Rwanda) iyo Kisangani (DRC). Qorshahaan uu Shiinunu damacsan yahay ayaa ah mid aysan reer galbeedku raalli ka ahayn, gaar ahaanna Maraykanka oo u arka in tilaabadaas ay wiiqayso awoodii ay reer galbeedku ku lahaayeen qaarada Afrika.
Khalkhal siyaasadeed oo Kenya ka dhaca marka wuxuu wiiqayaa qorshayaasha uu Shiinuhu ka leeyahay Bariga Afrika iyo guud ahaanba Afrika. Waxaana la qiyaasi karaa in hadiiba ay reer galbeedku u soo gurmadaan Kenya ay taas ku imaan doonto in madaxda dalkaas ay ka tanaausalaan mashaariicdaas uu Shiinuhu wado.

No comments:

Post a Comment