Nabigeenna Muxammad NNKH wuxuu yiri: "Camal [wanaagsan] oo la qabto midka uu Ilaahay ugu jecel yahay waa camalka la daa'imo". Waa maxay sababta camalka noocaas ah uu u yahay kan uu Ilaahay ugu jecel yahay? Waa ayadoo camalkaas wanaagsan uu noqonayo mid marka koowaad nafta dabeecadeeda ku daabacma uu dhaqanka qofka ka mid noqonaya, marka labaadna raadkiisii oo la taaban karo la arkayo oo noloshii ku soo biirinaya wanaag raaga.
Tusaalooyinka yaabka leh ee markhaatiga u ah maanta arrinta uu xadiiskaas ka hadlayo waxaa ka mid ah qisada nin hindi oo la yiraahdo Jadav Payeng. Ninkaas mudo 37 sano ah ayuu dhul nabaad guuray wuxuu maalin walba ku beerayay hal geed oo kaliya. Sidaas ayuu 37 sano ku waday ilaa ugu dambayn dhulkaa uu isu badalay kayn ama howd wayn oo geedihii ay isqabsadeen oo qurux iyo bilicna leh. U fiirso, maalin walba hal geed ayuu beerayay. Waa howl fudud oo markii hal maalin kaliya lagu qiimeeyo aan lahayn wax indhaha soo jiidanaya. Laakiin maadaama ay ahayd howshaas mid daa'im ah oo xiriirsan, ugu dambayn waxay natiijadeedii noqotay in dhul baaba'ay oo nabaad guuray ay dib noloshii ugu soo noqoto. Dowlado iyo hay'ado dhulkaas in dib loo soo nooleeyo qorsheeyay ma jiraan. Mashaariic iyo qandaraasyo la galiyayna ma jiraan. Isbadalka intaas le'eg waxaa sameeyay ficilka hal qof oo go'aan leh.
Ka waran akhirstow, hadii qof walba oo soomaali ah uu maalin walba hal ficil oo wanaagsan oo hadana fudud u sameeyo dalkiisa; ficil wanaagsan oo la xiriira danta sida arrimaha nadaafada, beeridda dhirta, la dagaalanka musuqmaasuqa, barashada xirafado cusub iwm; wanaag intee le'eg ayaa ka dhalan lahaa midaas? Ninkaas hindiga ah oo laga yaabo inuu ka mid yahay kuwa lo'da caabuda soo noogama dhowa ficil ahaan dhaqangalinta hadalkii uu nooga tagay nabigeenii suubanaa Muxammad NNKH?
Waxaa loo baahan yahay in qof walba oo naga mid ah uu naftiisa ku carbiyo ugu yaraan hal ficil oo wanaagsan oo aduunkana nagu afnaca oo nolosheenu ay ku hagaagto, aakhirana aan Ilaahay janadiisa ku mutaysanno.
No comments:
Post a Comment