Friday, September 8, 2017

Astaamaha Lagu Garto Habfikirka Khaldan

Mustafa Xijaazi oo ah aqoonyahan dalka Lubnaan u dhashay oo ku takhasusay cilmu-nafsiga, ayaa wuxuu diraasad ka diyaariyay bulshooyinka aan horumarsanayn iyo habfikirkooda, iyo qaab-nololeedka shakhsiga ka soo jeeda bulshooyinkaas sida uu yahay. Wuxuu diraasadaas ku soo gudbiyay buug uu cinwaankiisu yahay:
(التخلف الاجتماعي: مدخل إلى سيكولوجية الإنسان المقهور)

Qodobada ugu muhiimsan arrimaha uu ninkaas ku soo qaatay buugaas, oo in si wanaagsan la isu dul taago mudan waxaa ka mid ah tilmaanta uu ka bixiyay astaamaha uu leeyahay habfikirka khaldan ee ku dhex baahsan bulshooyinka aan horumarsanayn. Wuxuu ku soo koobay astaamahaas labo arrimood oo kala ah:
1- jahwareer iyo manhaj la'aan dhanka fikirka ah (اضطراب منهجية التفكير).
2- awood la'aan la xiriirta garashada xiriirka hoose ee ka dhaxeeya dhacdooyin iyo arrimo kala duwan oo iska hor imaanaya hadana uu midkoodba kan kale raad ku leeyahay  (قصور التفكير الجدلي).

Qodobka hore wuxuu tilmaamayaa maqnaashaha habfikir si saxan wax u
qorshayn kara oo kadibna qorshaha uu dajiyo si saxan u fulin kara. Habfikirka
noocas ah waa midka ku shaqeeya waxa ay soomaalidu u taqaano laablakaca oo ah in hal mar si xamaasadaysan mashruuc ama fikrad dhaqangalinteeda laysaga bilaabo, kadibna faraha laga qaado ilaa fikradii ama mashruucii ay sidaas isaga baaba'aan. Sababta arrintaas ka dambaysa waa ayadoo markii horeba aan la adeegsan fikir manhaj saxan ku dhisan oo sidii ay wax u kala horreeyaan u kala hor marinaya. Tusaale ahaan: in fikrada ama mashruuca la doonayo in la galo, si wanaagsan loo diraaseeyo marka hore oo aragti dhamaystiran laga qaato. Kadib in marxaladihii ay fuluntiisu qaadan lahayd la xadido, oo sidoo kale agabkii lagu fulin lahaa iyo cidii fulin lahaydba la diyaariyo. Kadibna in lagu tilaabsado fulintii mashruuca ayadoo waliba si joogto ah dib loogu fiirinayo in fulintiisu ay waafaqsan tahay qorshihii ugu horaynba la dajiyay.

Sidoo kale, waxyaabaha qodobkaan soo hoos galaya waxaa ka mid ah qaabka uu qofku u dhisayo tasawuraadka uu ka haysto nolosha iyo sida uu wax u qiimaynayo. Matalan, inuu qofku arrin gooni ah ka qaato go'aan ah: "way wanaagsan tahay ama ma wanaagsana" asagoo ku dhisaya go'aankiisa: sidaasaa la yiri! Halka uu go'aankiisa ku dhisi lahaa fahan saxan oo ku saabsan arrinta uu ka hadlayo waxa ay tahay dhab ahaantii. Sidoo kale, inuu qofku wax ku qiimeeyo: "waan jeclahay" ama "waan nebcahay" asagoo aan islamarkaas jecayalkaas ama nacaybkaas midkoodna ku salayn karin xaqiiqo dhab ah oo la xiriirta arrinta uu leeyahay waan jeclahay ama waan nebcahay. Sidaas daraadeed baad arkaysaa inay diinteenu na fartay inaan wax walba oo horteena ka muuqda xaqiiqdooda dhabta ah ogaano oo aanaan caadifad ama "sidaasaa" la yiri ku dhisin go'aanadeena (يا أيها الذين آمنوا إن جائكم فاسق بنبإ فتبينوا ..|الحجرات:6).

َQodobka labaad wuxuu ku saabsan yahay in laga gaabiyo fahmidda iyo isku xirka dhacdooyin iyo xaalado muuqaal ahaan kala duwan (oo xataa mararka qaarkood lid isku ah lid isku ah), hadana midkoodba uu midka kale saamaynayo qaabka uu yahay. Taas macneheedu waa in wax walba laga fiiriyo muuqaalka kore ayadoo aan hoos loogu daadagayn ama aan si fiican loogu kuur galayn. Arrinkaas oo keenaya in mushkilad walba oo mujtmaca ka hor timaada xalkeeda lagu koobo ayada oo kaliya, oo aan la iswaydiin: waa maxay asbaabta dhabta ah ee ka dambaysa arrintaan? Tusaale hadaan u soo qaadano mujtamaceena soomaalida ee qabyaaladu ay dhexdiisa ku badan tahay: fahan intee le'eg baan u leenahay ka bulsho ahaan saamaynta uu qabiil walba ku leeyahay qabiilka ay iska soo horjeedaan (fal iyo falcelinba), iyo saamaynta ay midaas ku leedahay guud ahaan bulshada soomaaliyeed? Waxaa kale oo su'aal la iska waydiin karaa xeerarka u yaalla qabaa'ilka soomaaliyeed, ee loogu talo galay in lagu xalliyo mashaakilka fal-danbiyeedyada la xiriira dhiiga iyo nafta, qayb intee le'eg ayay ku leeyihiin xeerarkaas abuurista iyo dhiirigalinta fal-danbiyeedyadaas la doonayo inay xalka u noqdaan? Taas macneheedu waa in fal-danbiyeedkii inkastoo muuqaal ahaan uu ku kooban yahay qofka gaystay oo kaliya, in hadana wadar ahaan mujtamacii uu qayb ka noqon karo abuurista fal-danbiyeedka maadaama ay xeererkiisii  qaarkood fududaynayaan arrintaas.

Arrimahaas kore iyo kuwo kale oo badan oo la mid ahba markii mid walba oo ka mid ah la hor istaago muuqaalkeeda kore balse aan hoos loogu daadagin asbaabaha badan ee ku hareeraysan oo saamaynaya, taas macneheedu waa in ka bulsho ahaan ay jirto cillad naga haysta dhanka fikir-wadareedka, oo hab-fikirkeennu uu khaldan yahay.

No comments:

Post a Comment