Wednesday, April 26, 2017

Sida Ay VOA Maskaxda Uga Curyaaminayso Soomaalida Una Xaqirayso Qadiyadahooda

Waxyaabaha ay soomaalidu horay u aragtay oo ay fahantay waxaa ka mid ah sida ay hay'adaha lagu tilmaamo hay'adaha "gargaarka" ugu soo beegaan qaybinta raashinka ay "mucaawinada" ku sheegaan wakhtiyada ay beeralayda soomaaliyeed soo goosanayaan beerahadooda, si loo niyad jabiyo beeralaydaas oo dagaloodii qiimo la'aan looga dhigo. Ayadoo taas ay guud ahaan bulshada ka curyaaminayso inay ku fakarto wax qabsi iyo isku filnaan iyo inay cunto wax ay beeratay.

Waxaana muuqata inaysan curyaamintaasi ahayn mid ku kooban hay'adahaas "gargaarka", balse gaarsiisan xataa warbaahinta ajnabiga ah ee af soomaaliga ku hadasha sida VOA Somali ee soomaalidu ay dhagaysato. Maanta oo ay taariikhdu tahay 26/04/2017 waxay idaacada VOA qaybteeda soomaaliga baahisay oo barteeda Facebook ay soo dhigtay war ku saabsan xadgudubyada ay ciidamada Kenya iyo Itoobiya kula kacaan rayidka soomaaliyeed.

Waxaa in la xuso mudan in warbixintaan VOA-da lagu soo beegay xilli  uu socdo
Hooyo soomaaliyeed oo ay ciidamada Amisom dileen   wiilkeedii
Hooyo soomaaliyeed oo ay ciidamada Amisom dileen 
wiilkeedii
olole wacyi-galin ah oo ay waday warbaahin soomaaliyeed oo ay horumuud ka yihiin suxufiyiin soomaali ah. Gaar ahaanna warbaahinta Dalsoor oo in mudo ahba bulshada soomaaliyeed ka wacyi bgalinaysay tacadiyada isugu jira dilka, kufsiga iyo xadgudubyada kale ee aan la soo koobi karin oo ay ciidamada Amisom kula kacaan shacabka soomaaliyeed. Waxayna warbaahintaas soomaaliyeed codsatay in xadgudubyadaan foosha xun ee guud ahaan Amisom ay kula kacayso soomaalida lagala xisaabtamo. Dadaalka ay warbaahintaas soomaaliyeed samaysay oo arrintaas ku saabsanna waxaa ka mid ah in waraysigeedu uu xooga saarayo gudbinta codka dhibanayaasha soomaaliyeed oo xadgudubyadaas Amisom ku waayay dadkoodii iyo sidoo kale inay codkii waxgaradka iyo odayaasha soomaliyeed gaarsiiyaan dowladaha caalamka si dalka looga saaro ciidamada Amisom (gaar ahaanna kuwa Itoobiya ee xadgudubyada ugu foosha xun ka wada dalka). Sidoo kale suxufiyiintaas kulan arrintaan looga hadlayo ayay ku qabteen magaalada London si bulshada soomaaliyeed iyo caalamkuba ay ugu baraarugaan falalka dugaagnimada ah ee Amisom ay kula kacayso soomaalida.

Ayadoo dadaalkaas uu socdo ayay VOA Somali arrintaan dhexda ka soo gashay ayadoo baahisay war ay cinwaan uga dhigtay: Ciidamada Kenya iyo Itoobiya oo Xadgudubyo Lagu Eedeeyay". Waxayna VOA Somali sheegtay in cida arrintaas warbixinta ka diyaarisay ay tahay qolo ay ku sheegtay "qeybta ilaalinta rayidka ee hay'adaha gargaarka ee ka hawlgala
Warbixinta ay baahisay VOA waxay xadgudubyada
Amisom ku koobtay Kenya iyo Itoobiya
Soomaaliya". 
U fiirso magaca "hay'adaha gargaarka" ee lala daba socdo qadiyad walba oo danaha soomaalida ku saabsan! Miyaysan si cad u muuqan in qofkii soomaaliga ahaa lagu khasbayo inuu wax walba marti uga noqdo "hay'adaha gargaarka" oo xataa xadgudubyada asaga ka muwaadin ahaan lagula kaco asagoo dalkiisa jooga ay tahay inuu hay'adahas kaliya ka sugo inay magaciisa ku hadlaan oo asna uu sidii mayeeraankii iska aamusnaado? Waa maxay sababta aysan hay'adaha isku sheegaya "hay'adaha gargaarka" iyo VOA-duba u ixtiraamayn shakhsiyada qofka soomaaliga ah, caqligiisa, iyo kartida uu u leeyahay inuu danihiisa u adeego oo codka uu asagu leeyahay uu adeegsado?! Waa maxay sababta ay qiimaha uga qaadayaan dadaalkii ay warbaahinta soomaaliyeed waday oo markaa ay ugu soo koobayaan xadgudubyada Amisom kuwa ay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya kaliya gaystaan? Aaway xadgudubyada tirada badan oo ay gaysanayan ciidamada dalalka kale ee Amisom sida Uganda iyo Burundi?

Intaas waxaa sii dheer, in warbixinta codka ah ee Haaruun Macruuf uu VOA Somali u diyaariyay¹ ay ku koobtay goobaha ay xadgudubyadu ka dhacayaan xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Kenya iyo Itoobiya! Aaway xadgudubyada kale ee tirada badan oo dalka gudihiisii ka dhacaya? Waxaana intas ka sii daran inay war-bixintu xataa qiil u samaynayso xadgudubyadaas ayadoo leh: "waxaa adag in la kala saaro alshabaab iyo shacabka"!

Warbixinta codka ah waxay ka kooban tahay 9 daqiiqadood iyo 55 ilbiriqsi (second). Dadka soomaalida ah oo ciidamada Kenya ay xadgudubyada kula kacayaan waxay ka waraysatay VOA-da hal qof oo ay siisay mudo aan ka badnayn 27 ilibiriqsi
oo kaliya si uu u soo bandhigo xadgudubyada Kenya! Xataa daqiiqad nuskeed oo waraysi ah ma aysan siin VOA-du qofkaas soomaaliga ah oo ka cabanaya xadgudubyada ciidamada Kenya. Laakiin dhanka kale, VOA Somali waxay afhayeenka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku soo xadgubay siisay ilaa 2 daqiiqadood oo waraysi ah! Markaasuu wixii uu doono oo inkiraad iyo been ah sheegay! Awal miyaa laga sugayay inuu yiraaho: "waa run oo waanu laynaa soomaalida"?!
Qofkii labaad oo asna ay ka waraysatay xadgudubyada ay ciidmada Itoobiya kula kacaan shacabka soomaaliyeed asna waxay siisay  VOA mudo aad u kooban oo yar. Warbixinta inteeda kale waxay ahayd qiil u raadinta xasuuqyada iyo xadgudubyada ay gaysanayaan ciidamada dowladahaas ayadoo midaas qiil looga dhigayo inay ciidamadaas la dagaalamayaan argagixiso iyo alshabaab.

Waxaase in la xuso mudan inaysan wax lala yaabo ahayn in VOA Somali ay qadiyadaha soomaalida sidaas u xaqirto, oo qofka soomaaliga ahna ay maskaxdiisa qaabkaas u curyaamiso. Sababtoo ah VOA ma ahan warbaahin ay soomaalidu iska leedahay, balse waxaa iska leh dowlada Maraykanka waana Voice of America (Codka Maraykanka) oo ma ahan codka soomaalida. Waxaase wax lala yaabo ah inaysan soomaalidu ku baraarugin hagardaamada ay ku wadaan hay'adaha ajnabiga ah iyo warbaahintoodaba oo iska kaasshanaya inay maskax ahaan curyaamiyaan umadda soomaaliyeed. Sidaas daraadeed bay muhiim tahay inay soomaalidu aayeheeda u tashato si ay uga badbaado shirqoollada loo maleegayo jiritaankeeda iyo madaxbanaanideedaba.

Xikmad soomaaliyeed ayaana waxay ahayd: "biyo sacabadaadaa looga dhargaa". Sidaas daraadeed cida kaliya ee qadiyadaha iyo danaha soomaalida u hagarbixi kartaa waa un soomaalida oo kaliya.
_______________________________
1- Waxay VOA Somali warbixintaas u tiirisay hay'ada ay ku tilmaantay inay hay'adaha "gargaarka" u qaabilsan tahay "ilaalinta rayidka". Qofkii u baahan warbixinta inuu maqlo, wuxuu ka heli karaa websiteka ay VOA Somali ku leedahay internetka.

No comments:

Post a Comment