Wednesday, June 7, 2017

Su'aalo Ku Saabsan Tiirarka ay Caqiidada Kiristaanku Ku Dhisan Tahay

Diin walba waxay leedahay fikrado udub dhexaad u ah oo ay ku dhisan tahay. Matalan, diinta Islaamka waxaa udub dhexaad u ah Tawxiidka oo ah in Ilaahay (SW) uu yahay mid kaliya oo aysan cidna la wadaagin kownka uu abuuray. Inaysan jirin cid uu ka soo unkamay oo dhashay asaga, iyo cid uu asagu dhalay midna. Sababtoo ah dhalmo iyo taran waxaa u baahan makhluuqaadka uu jiritaankoodu wakhti go'an ku eg yahay oo u baahan inay sii tarmaan si aysan u dabar go'in. Ilaahay (SW) marka wuu ka deeqtoon yahay inuu ubad yeesho umana uu baahna. Sababtoo ah asagu waa khaaliq (Unke) ee makhluuq ama mid la unkay oo inuu tarmo u baahan ma ahan. Jiritaankiisuna wakhti kooban kuma eka oo mid dhamaan doo oo ay geeri ka dambayso ma ahan. Uma uu baahna marka inuu uu ubad yeesho.

Xaqiiqadaas qiritaankeeda kadib, waxay diinteena Islaamka na amraysaa inaan Ilaahay dhulkiisa ugu noolaano si waafaqsan rabitaankiisa oo ah rabitaan wanaag iyo toosnaan ay ku dhamaystiran yihiin. Quraanka kariimka ah asagoo xaqiiqadaas ka hadlaya wuxuu leeyahay:

قل إنما أنا بشر مثلكم يوحى إلى أنما إلهكم إله واحد فاستقيموا إليه واستغفروه |فصلت:6

"Waxaad tiraahaa nabiyow: anigu waxaan ahay un bani'aadam adinkoo kale ah. Waxaa la ii waxyooday in Rabigiin uu yahay mid qura. Sida uu doonayo u toosnaada oo asaga danbi-dhaaf waydiista .."

Waxay aayadaan soo koobaysa Tawxiidka iyo tiirarka Islaamka oo dhan. Waxay hal meel isugu keentay iimaankii iyo camalkii: rumaynta kali ahaashaha Ilaahay. Rumaynta nabiga loo waxyooday oo xaqa loo soo dhiibay. Iyo in si toosan oo rabitaanka Alle waafaqsan loogu dul noolaado dhulkaan uu Ilaahay abuuray oo wanaaga la sameeyo, xumaantana laga tago. Markii khalad iyo gaf lagu dhacana in laga towbadkeeno oo Ilaahay cafis la waydiisto. Intaas kadibna, Ilaahay asagaa qof walba kala xisaabtamaya wixii uu sameeyay (hadii ay wanaag ahaayeen si uu wanaag ugu abaalmariyo, hadii ay xumaan ahaydna si uu abaalkeeda u mariyo). Mana jiro qof loo ciqaabayo danbiga uu galay qof kale.
Intaas aan kor ku xusnay oo dhan marka waa wax caqliga saliimka ah uu fahmi karo.

Markiise aan u nimaanno diinta Kiristaanka oo aan fiirino tiirarka ay ku dhisan tahay; waxaan arkaynaa labadaan tiir:
1- Saddexaynta (Trinity) oo ah inuu Ilaahay leeyahay sadex shakhsiyadood oo kala gooni ah oo labo ka mid ah ay yihiin wiil iyo aabihiis. Kadibna in sadexdaas shakhsi oo kala duwan ay HAL mid yihiin! Taas macneheedu waa in 1+1+1=1😕. Bal adigu caqli ahaan meel mari 1+1+1=1.
Kiristaanku waxay fikradaan aan caqli ahaan toosnayn ku difaacaan in
Ilaahay uu yahay mid aan la fahmi karin (Mysterious). Midaas waxaa looga
Nonesense
jawaabi karaa: hadii aan Ilaahay la fahmi karin, sidee ku dhacday inaad tilmaan ka bixisaan wax aan la fahmi karin oo aad tiraahdaan waa sadex waana hal? Sidee wax aan la fahmi karin looga bixiyaa tilmaan gaaraysa ilaa heer xisaabeed? Sidoo kale, waxaa meesha ku jira in hadii xataa hadalkooda la raaco oo la yiraahdo Ilaahay lama fahmi karo, waxaa mar walba la fahmi karaa in sadex aysan ahayn hal (1+1+1≠1). Ilaahay baan la fahmi karin marnaba qiil uma noqon karto xisaab ilaa heerkaan khaldan! Sababtoo ah marnaba isma keeni karto inaad ilaahay tilmaan xisaab ku dhisan ka bixiso oo hadana markii xisaabtaas inay
khaldan tahay ay soo baxdo aad tiraahdo ilaahay lama fahmi karo.

2- Qodobka labaad waa in ilaahaas sadexda ah oo hadana halka ah (waa sida ay kiristaanku aaminsanyihiine) uu aduunka u soo diray wiilkiisii; asagoo midaas uga dan leh in wiilkiisa la dilo oo uu u dhinto dunuubta ay bani'aadamku galeen! Macnuhu waa sidan: bani'aadamka dunuub ay galeen buu ilaahay isu dilay! Hadana wali waa nool yahay oo dadkii aamini waayay inuu ayaga daraadood u dhintay buu ciqaabi doonaa qiyaamaha.

Halkaan waxaa ku jira dhowr su'aalood:

- Ilaahay muxuu uga baahan yahay wiil? Ma boqortooyo uu ka tagi doono oo cid dhaxasha u baahan baa jirta? Makhluuqaadka inta ay dhashaan kadibna dhinta ayaa u baahan inay tarmaan oo ubad yeeshaan (waana la garan karaa xikmada halkaas ku jirta oo waa inaysan makhluuqaadku dabar go'in); waa maxay marka xikmada keenaysa inuu Alle wiil yeesho?
- Maxaa ku khasbaya Ilaahay inuu isu dilo dunuubta ay dadku galeen? Hadii uu doonayo inuu dadka cafiyo soo ma cafiyi karo ayadoo aan cidna la dilin?
- sidee cadaalad ahaan u dhici kartaa in cid loo dilo danbi ay cid kale gashay? Soo cadaalad darro ma ahan?

Tiirarka ay diintaan ku dhisan tahay marka caqli ahaan iyo akhlaaq ahaan midna uma toosna. Caqli ahaan uma toosna oo waa ayadaas ku andacoonaysa sadex baa hal ah. Akhlaaq ahaanna uma toosna oo waa ayada cadaaladii asaaska u ahayd akhlaaqda oo dhan dabamartay ayada oo leh: ilaahay wuxuu isu dilay  ama wiilkiisii u dilay dunuubtii ay dadku galeen.

No comments:

Post a Comment