Saturday, September 30, 2017

Jamaal Cismaan Oo Isu Rogay Daahir Calasow

Ayada oo la wada ogyahay in xukuumada fedaraalka ee dalka ay la kufaa-kacayso culaysyo badan oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo qaar kale oo dhaqaale oo aysan suuragal ahayn in hal mar xal loo wada helo; ayaa hadana waxaa jirta inay xukuumadu intii karaankeeda ah hadba tilaabo yar horay u qaadayso. In ay wax walba dhismaan oo dalkii uu lugihiisa isku taaganana ma ahan mid ku imaanaysa labo maalmood guduhood. Sababtoo ah burburka dalka ku dhacay ayaa ah mid dhan walba u fiday oo aad u qoto dheer. Sidaas daraadeed ayaa madaxwayne walba oo dalka soo maraysay laga soo bilaabo xukuumadihii ku-meel-gaarka ahaa ilaa xukuumada maanta taagan ay mid walba tilaabo yar oo kooban inta ay horay u qaado kadibna booska u banaynaysay xukuumada ayada ka dambaysa si ay halkaas uga sii amboqaado dadaalkii socday.

Inta marka uu xaalkii dowlada sidaas yahay, wixii wanaag ah oo xukuumadu ay ku tilaabsato waa wax bogaadin iyo in lagu dhiirigaliyo ay ku mudan tahay. Sidoo kale wixii khalad ah oo ka dhacana waxay mudan tahay in lagula xisaabto oo wax laga waydiiyo ayadoo labada xaaladoodba la qiimaynayo heerka iyo awooda xukuumdu ay leedahay iyo xaalada uu dalku marayaba. Waxaase jirta in baraha internetka ee bulshada ay ka soo baxeen shakhsiyaad ku caan baxay wax ka sheegida iyo dhaleecaynta hogaanka xukuumadaha federaalka ee soo maray dalka. Waxaa dadkaas ugu caansan baa la oran karaa ninka la yiraahdo
Jamaal Cismaan iyo Daahir Calasow
Daahir Calasow oo bilahaan 
dambe ay dalka Holland uga socotay maxkamadayn la xiriirta been-abuur, aflagaado iyo rakaataynta qaar ka mid ah madxda xukuumada federaalka. Waxaa lagu eedeeyay inuu warar been abuur ah faafinayay asagoo midaas uga dan leh inuu qaab handadaad ah (Extortion)  lacag uga helo madaxda uu beentaas ka faafinayay. Daahir Calasow markii uu eedayntaas loo soo jeediyay inkirayna waxay maxkadamadu uga jawaabtay inay cadayn u hayso waxyaabaha lagu soo eedeeyay oo islmarkaasna uu ku eedaysan yahay rakaataynta madaxda ka soo dacwootay. Intaas waxaa dheer in warbaahinta dalka Holland ay banaanka soo dhigtay inuu Daahir Calasow jaajuus u yahay hay'adaha sirdoonka ee reer galbeedka oo ku lug lahaa xariga dad muslimiin ah oo uu ka gudbiyay macluumaad been ah oo dadkaas ku eedaynaya inay aragagixiso yihiin. Ayada oo dib laga ogaaday inuu Daahir Calasow dadkaa ku been abuurtay kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacag rakaato ah oo uu ka dalbaday.

Waxaase ayaantaan dambe wadadii Daahir Calsow haya nin la yiraahdo Jamaal Cismaan oo markiisii hore baraha bulshada ku soo galay inuu yahay suxufi soomaaliyeed oo danaha soomaalida iyo mashaakilkooda sidii loo xallin lahaa xooga saaraya. Balse ninkaan wuxuu waayadaan dambe isu rogay qof aad ugu firfircoon wax ka sheegidda iyo dhaleecaynta xukuumada fedraalka asagoo sabab iyo sabab la'aanba si isdabajoog ah u soo dhigaya bogiisa Facebook iyo twitter-kaba eedaymo mararka qaarkood wax lagu qoslo ah. Matalan wuxuu maalin dhowayd soo dhigay hadal uu macnihiisu yahay:  Farmaajo wuxuu u baahday cid u turjunta hadalka boqorka Sucuudiga, sidaas daraadeed midaas waxay cadayn u tahay inuu yahay qof aan akhrinin Quraanka kariimka ah! Sidoo kale markii qaar ka mid ah hogaamiyeyeesha maamul-gobleedyada ay la safteen Sucuudiga iyo Imaaraadka ayagoo dastuurka ka tilaabsanaya oo khilaafaya mowqifkii dhexdhexaadka ahaa ee xukuumada federaalka oo ah cida xaqa u leh go'aan ka qaadashada arrimaha dibada; Jamaal Cismaan halkii uu eedayn lahaa hogaanka maamul-goboleedyada ee ku xadgudbay dastuurkii dalka ayadoo hogaamiyeyaashaas qaarkood ay qiil ka dhigteen inay "qaraabanayaan", wuxuu Jamaal eeda arrintaan dusha ka saaray
xukuumada Farmaajo iyo Khayre!
Dadaalada ay wado xukuumada fedaraalka sida wax-ka-qabashada amaanka caasumada iyo qaraxyada iyo dilalka yaraaday, dib usoo wareejinta maamulka hawada dalka iyo duulimaadyada habeenkii ah ee markii ugu horaysay mudo 27 sano laga joogo ka bilowday eeraboorka Aadan Cade ee Muqdisho, la dagaalanka musuqmaasuqa, diiwaangalinta ajaanibta dalka ku nool oo aan horay cidna u diiwaangalin jirin iwm, dhamaan arrimahaas oo dhan waa ka inhdo la' yahay Jamaal Cismaan wuxuuna maskaxdiisa ku set-gareeyay inay Farmaajo eed u raadiso oo kaliya. Intaas waxaa dheer asagoo baroobogaandadiisa u wada qaab aad ugu eg qaabkii Daahir Calasow oo ah in cidii uu eedaynayo uu har iyo habeenba  la dabagalo dhaleecayn aan kala go'ayn ayadoo taas ay tahay istiraatiijiyad ay dadka baroobogaandada adeegsada ku soo koobaan oraahda ah: ku celceli beenta ilaa la rumeeyo (Repeat a lie often enough and it becomes the truth).

No comments:

Post a Comment