Thursday, March 16, 2017

Waa Maxay Danaha Ay Dowladda Imaaraadku Ka Leedahay Dakadaha Soomaaliya?

Mudooyinkaan dambe waxaa isa soo tarayay wararka ku saabsan dowladda Midowga Imaaradka Carabta oo marna la leeyahay Dakadda Berbera ayay kiraysatay, marna dakadda Boosaaso ayay kiraysanaysaa. Iyo Sidoo kale saldhig militari bay doonaysa inay Soomaaliya ka furato¹.
Waa maxay marka danaha ay leedahay dowladaan? Gaar ahaanna, maxaa uga xiran takadaha Soomaaliya?

Si aan arrinkaas u fahanno waxaa fiican inaan dib u fiirino khariidada ama maabka Soomaaliya. Xeebaha waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, waxay isku xiraan badwaynta Hindiya, gacanka cadan iyo Baxrul-carab, iyo Badda Cas. Gaar ahaanna waxaa xeebahaas qiimo gooni ah usii kordhinaya ayagoo u dhow Baabul-mandab oo ah wadada ay maraan maraakiibta ganacsiga ee aduunka daafihiisa isaga goosha. Ayagoo badeecooyinkooda ku roga dakadaha Imaaraadka sida takada Khaliifa ama (ميناء خليفة) ee ku taalla Abu Dhabi.

Markii la is garab dhigo dakadaha Soomaaliya ee Baabul-mandab u dhow
iyo dakadaha Imaaraadka ee u dhow biyo-mareenka Hormuz ee u dhexeeya Iiraan iyo Imaaraadka, waxaa soo baxaysa in dakadaha Soomaaliya ay ka istiraatiijisan yahiin kuwa Imaaraadka! Sababta oo ah halka ay maraakiibta Aasiya ka imaanaya gudaha u gali lahaayeen biyo-mareenka Hormuz, waxay awoodaan inay Soomaaliya toos u soo aadaan ayagoo goynaya masaafo wax badan ka gaaban tii ay goyn lahaayeen hadii ay dakadaha Imaaraadka aadaan.
Map
Dhankia kale, maraakiibtii ka imaan lahayd dhanka Badda Cas waxay awoodi lahaayeen inay xamuulkoodooda ku rogaan dakadaha Soomaaliya, oo ay halkaas ka laabtaan ayagoo aanan uba gudbin dhanka Imaaraadka. Alaabihii ay maraakiibtaas wadeenna waxaa la wareegi lahaa maraakiibtii ka timid dhanka Aasiya. Dowladda Imaaraadka marka waxay ku xisaabtamaysaa in hadii Soomaalidu baraarugto oo ay u soo jeestaan inay dakadahooda Boosaaso iyo Barbara ku yaalla ka faa'iidaystaan oo casriyeeyaan, in markaa suuqii dakadaha Imaaraadku uu qiimo beelayo. Sidaas daraadeed baa qorshohoodu wuxuu yahay inay gacanta ku dhigaan dakadahaha Soomaaliya ee xeebaha istiraatiijiga ah saaran, si ay markaa kadib u curyaamiyaan dakadahaas oo u burburiyaan fursad walba oo dakadaha Soomaaliya lagu horumarin lahaa!²

Dowlada Imaaraadka iyo Boqortooyada Sucuudiguba waxay ka mid yihiin dalalka cunaha ku dhagan dalka Soomaaliya, kana hor taagan fursad walba oo umadda soomaaliyeed ay nabad iyo dowladnimo ku gaari lahayd. Sababaha ay labadaas wadan u hortaagan yihiin soo noqoshada Soomaaliya waa ayagoo marna ka cabsi qaba dakadaha Soomaaliya, oo hadana sidoo kale
ka cabsi qaba in ay soomaalidu qodato batroolka iyo gaaska dabeeciga ah ee badda iyo ciidda Soomaaliya ku jira. Labadaas wadan waxay ku andacoodaan inay Soomaaliya caawiyaan, balse xaqiiqada dhabta ah oo jirta waxay tahay inay qayb wayn ka qaadanayaan dabandaabyaynta ku socota Soomaaliya. Run ahaantii Soomaaliya kaalmadooda uma ay baahna oo khayraadka dhulkeedka ku jira, iyo juqraafi ahaan goobta istiraatiijiga ah oo ay ku taallo ayaa soomaalida ku filan, hadii nabad iyo xasiloonaan ay helaan. Sidaas daraadeed waxa kaliya oo ay Soomaaliya uga baahan tahay labadaan wadan iyo dalalka la mid ah waa inay faraha kala baxaan arrimaheeda. Malaayiinta xoolaha ah oo ay soomaalidu u dhoofiso dalalkaasna cida faa'iidada ugu badan ku qabta waa carabtee ma ahan soomaalida. Sababtoo ah hadii si wanaagsan loo fakaro, ganacsatada soomaalidu waxay awoodaan inay Soomaaliya ka furaan warshadaha xoolaha qala, oo markaa neefkii xoolaha ahaa la dhoofiyo asagoo noocyo badan loo qaybiyay. Hilibkii oo gooni ah, haragii, lafihii oo ayaga laftirkooda la shiido oo dalalka sida Japan laga jecel yahay oo la iibsanayo, dhogortii oo dhar laga samayn karo, iyo xataa geesihii iyo qoobabkii neefka oo siyaabo kala duwan ay u adeegsadaan dalalka warshadaha leh. Warshadaha xoolahaas qalaya oo farsamaynaya dad badan ayaa ka shaqaysan lahaa oo waxay ka qayb qaadan lahaayeen xallinta mushkilada shaqo la'aanta.
Xoolaha marka ayagoo nool ay soomaalidu u dhiifinayso carabta, waa xoolo aan looga faa'iidaysan sidii loo baahnaa.

Intaas waxaa sii dheer in taliska dalka Imaaraadku uu yahay mid ay ku adeegtaan sirdoonka dowladaha waawayn ee calamka sida CIA-da maraykanka iwm*. Sidaas daraadeed bay aad halis u tahay in taliskaas heshiisyo lala galo. Sidaas daraadeed baad arkaysaa inuu taliska dalkaas halis ku noqday xataa jiritaankii dowladaha carabta ah ee dariska la ah. Waxaana isa soo taraya fadeexooyinka iyo kashifaada la xiriirta musuqmaasuqa iyo isku dirka ay dowlada Imaaraatka ka dhex wado dunida muslimka. Tusaale ahaan, waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladaas ay ku lug lahayd inqilaabkii dhicisoobay ee 2016 ka dhacay dalka Turkiga. Sidoo kale dowlada Saldanada Cumaan waxay qabatay jawaasiis badan oo Imaaraatku ay soo dirtay oo Cumaan amaankeeda wax u dhimayay. Sidaas si la mid ah, inqilaabkii Masar ka dhacay, amaandarrada iyo qalalaasaha Liibiya iyo dagaalka sokeeye ee Yaman intaba Imaaraadka ayaa sabab u ahayd. Sidaas daraareed bay haboontahay in qabaa'ilka soomaaliyeed ee soo dhowaysanaya Imaaraadka ay is waydiiyaan: dowlada Imaaraadka ee sidaas u burburinaysa dowladihii carabta ee ay dadka isugu xigeen iyo dalalkii kale oo muslimka ahaa, miyaa dan iyo masalaxad inoo haysa annaga?! Jawaabtu waa maya! 
________________________________________
1- Waxaa wax lagu qoslo ah in dowladaan Imaaraadka ee doonaysa inay saldhigyada militari ka furato Soomaaliya in dhulkeedii qayb ka mid ah ay xoog ku haysato dowladda Iiraan. Hadii Imaaraadku "ciidan" leedahay, soo ma haboonayn inay jasiiradaheedada ay Iiraan haysato u dirsato ciidankaas? Waa maxay sababta ay dowlad dhulkeediiba xoog lagu haysto  ay saldhigyo ciidan uga furanayso dibadda?!
2- Hadii soomaalidu inta ay is-qabqabsiga iyo xinka dhexdeeda ah iska dayso u jeesan lahayd horumarinta ilaha dhaqaale ee gacanteeda ku jira (sida dakadaha, beeraha, kalluunka,  iyo shidaalka ku jira barriga iyo bada Soomaaliya, dowladaha hodanka ah bay ka mid noqon lahaayeen. Maxaa ku khasbaya in dakadahoodii uu ajnabi maamulo? Sidee u horumaraysaa ummad hantideedii ajnabi u gacan galinaysa?!!!
Link-gaan ka akhriso warbixin dhamaystiran oo laga diyaariyay arrintaas

No comments:

Post a Comment