Friday, March 24, 2017

Yaa Ugu Horeeyay Oo Bilaabay Isqarxinta Iyo Argagixisonimada?

Markii taariikhda ismaadaamiinta iyo argagixisonimada dib loo raaco (gaar
ahaanna argagixisonimada is-qarxinta ku dhisan) waxaa soo baxaysa inaysan muslimiintu innaba wax xiriir ah la lahayn hindisidda iyo bilaabidda dhaqankaan dugaagnimada ah.

Taariikhda qoran inta la hayo, dhacdooyinkii ugu horeeyay ee is-qarxinta waxaa bilaabay duuliyeyaashii diyaaradihii dagaalka ee ciidanka imbiraatooriyadii Jabaan, ee looga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida. Jabaanayksa dagaalkaas ka hor waxay lahaayeen imbiraatooriyad dadkeedu aad isula wayn yihiin oo taliskeeduna uu aad u arxan daran yahay. Qaar ka mid ah  dalalka Aasiya sida Shiinaha iyo Kuuriya, ayayna Jabaanaysku gumaadyo aad u baaxad wayn iyo kufsi xad dhaaf ah ka gaysteen. Dagaalkii labaad ee aduunka markii uu bilowday 1939kii, Jabaan waxay ka mid ahayd dowladihii loo yaqaanay "Axis-ka" oo ahaa Jarmalka, Talyaaniga iyo Jabaan oo la dagaalamayay dowladihii isu bixiyay Xulafada ama "Allies-ka" oo Ingiriiska, Maraykanka iyo Soofyeetka ay hogaaminayeen. Dagaalkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha iyo burburka badnaa dunida, islamarkaasna socday intii u dhexeysay 1939kii ilaa bishii Agoosto 1945kii markii bambaanooyinka niyuukleerka ah lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki  ee Jabaan. Arrintaasna waxay keentay inay Jabaanaysku is dhiibaan, oo sidaas uu dagaalkii labaad ku soo afjarmo.

Kamikaze
Mid ka mid ah duuliyeyaashii Kamikaze-ga
oo howl-gal ismaadaamin ah isu diyaariyay
Sannadkii 1944kii markii ay Jabaan dareentay in awoodeedii ay sii wiiqmayso oo dagaalkii looga guulaysanayo, ayay bilowday adeegsiga taatiko dagaal oo wakhtigaas ka hor aan la aqoon. Taatikadaas waxay ahayd in in qaar ka mid ah duuliyeyaashii diyaaradihii dagaalka ee Jabaan ay u adeegsadaan diyaaradahooda sidii gantaaladii oo ay ku dhuftaan maraakiibtii dagaalka ee xulafada. Waxaana loo yaqaannay duuliyeyaashaas "Kamikaze". Kalmada Kamikaze macneheedu waa "dabayshii uu Ilaahay soo diray".

Dagaalkii labaad ka dib. Cidii ugu horaysay ee adeegsata taatikada argagixisonimada ah ee isqarxinat waxay ahayd koox shiici ah oo la yiraahdo (Xisbiga Dacwada Islaamiga ah حزب الدعوة الإسلامية) oo la dagaallamayay dowladii Ciraaq. Xisbigaan shiiciga ah ayaana ugu horeeyay cid qarax ismaadaamin ah ku weerarta muslimiinta sanadkii 1981kii markii ay qarxiyeen safaaradii ay dowlada Ciraaq ku lahayd caaisumadda Lubnaan ee Bayruut. Waxaana in la xuso mudan inuu xisbigaan yahay kii talada dalka Ciraaq
ay ameerikaanku u dhiibeen markii ay qabsadeen Ciraaq sanadkii 2003. Waxaana hogaamiyeyaashiisa ka mid ah ninka magaciisa la yiraahdo Nuuri Al-maaliki oo  gumaadka iyo barakicinta wayn u gaystay ahlu-sunnada Ciraaq.
Qaraxaas ismaadaaminta ah ee 1981kii waxaa ku xigay qarax  kale oo asna ismiidaamin ah oo sanadkii 1983kii uu Lubnaan ka fuliay  xisbiga loo yaqaan (Xisbullaah حزب الله) oo asna maleeshiyo ay shiicadu leedahay ah. Wakhtiga xaadirka ahna gumaad iyo barokicin ka wada dalka Suuriya.

Intaas ka dib waxaa dhaqankaas isqarxinta ayaguna qaatay oo shiinacada ka bartay maleeshiyadii argagixsada ahayd ee ka dagaallami jirtay dalka Sirilaanka (Sri Lanka) ee la oran jiray Tamil Tigers-ka. Qaraxoodii ugu horeeyayna waxay fuliyeen sanadkii 1987kii.

Waxaa halkaas ka cad marka inaysan isqarxintu iyo argagixisonimada midna ahayn dhaqan Islaami ah oo kitaabka iyo sunnada midna laga qaatay. Taariikhda ayaana midaas ka markhaati kacaysa.
Kitaabka iyo sunnaduna way xarrimeen inuu qofka banii-aadamka ah naftiisa halligo ama uu is dilo. Ilaahay (SW) wuxuu suurada An-Nisaa ku leeyahay (ولا تقتلوا أنفسكم) oo macneheedu yahay: [Naftiina ha dilina].
Suurada Al-baqara wuxuu ku leeyahay: (ولا تلقوا بأيديكم إلى التهلكة) [naftiina ha halaagina!].
Nabiguna (SCW) wuxuu yiri:َ Qofkii naftiisa bir ku dila, birtaasuu naarta dhexdeeda caloosha isaga dhufanayaa asagoo sidaas ku waaraya(ayadaa lagu ciqaabayaa). Qofkii sun caba oo isku dilana, suntaasuu naarta dhexdeeda ku fuuqsanayaa, asagoo sidaas ku waaraya. Kii buur iska soo tuura oo dhintana, buurtaasuu naarta dhexdeeda ka soo dhacayaa, asagoo sidaas ku waaraya waligiis.

Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada nabigiisa suuban sidaasay u xarrimeen inuu qofku naftiisa halaago. Sidaas daraadeed, isqarxainta iyo argagixisonimada midkoodna dhaqan Islaam ma ahan. Boosna kuma ay lahan diinta Islaamka. Cidii falalkaas jihaad ku tilmaantana diinta Islaamka ayay been ka sheegtay, laf cad ayayna toobin ku haysaa!

No comments:

Post a Comment