Tuesday, April 4, 2017

Ereybixinta iyo Adeegsi Duwan

Waxa Afafka aadanuhu ku hadlo laga helaa ereyyo ama weedho siyaabo kala geddisan ama kala duwan loo dhigo iyo kuwo qofba si u fahmo, waa halka ay soomaalidu ka tiraah " Hadal ninna si u yiri ninna si u qaadey", oo ah hadal qof si u dhigo waxa loo fahmi karaa si ka duwan sida uu kan yiri u rabey in loo fahmo.

Afka soomaaliga waxa  ereybixintiisa u qaabilsanaan jirey hay'ad qaran ee cilmibaariseed. Hase yeeshee markii ay burbureen hay,adihii dowladda waxaa ereybixinta afka isa siiyey, tuurtana ku qaatay shaqaalaha warbaahinta af soomaaliga ku hadasha sida warbaahinta Dowladda ingiriisku maalgeliso ee BBC iyo mar dambe tan codka maraykanka ee VOA qaybtooda afka soomaaliga.
Waxan ahaa dhegeystayaal u soo joogey ereybixino cusub iyo kuwo adeegsigii lagu yiqiin si ka duwan loo adeegsaday, hadaba inkastoo dadka qaar lagama maarmaan u arkaan ereybixinta  ereyada afafka qalaad ee cusub, misna waxa muhim ah in cid loo idmaday aqoonteedana leh oo bulshadu ku kalsoontahay lagu ogyahay.

Waxan anigu ereybixinta cusub ku saluugey qeexitaanka sheyga la rabo in loo bixiyo magaca. Waa inuu noqdo mid kulminaya waxa la rabo in loo  aqoonsado, waana ineyan soo gelin wax kale oo ka baxsan waxa loogu yeeri doono.
Waxan kale ee ka dhex waayey adeegsiga afka maanta in erey si guud walxo dhowr ah u tilmaamaya misna hal walax oo kamid ah si gaar ah loogu sheego isla weedha ama jumlada iyadoo aaney jirin muhimad gaar ah ee loo sheegayo.
Ugu dambayn, waxa afka soomaaligu si qiiro leh u dalbanayaa dad ehel u ah aqoontiisa iyo adeegsigiisa iney erey bixiyaan, hadii kale afku wuxu ku hanjabayaa inuu micnaha beeli doono, raca caruurteenna dambena uu waayi doono qota dheeridii macnayaasha ereyadiisa.

No comments:

Post a Comment