Marka aad gasho masaajid ama dugsi waxad la kulmi caruur badan oo qaarba wax ku mashquulsan yihiin, mid quraan akhriyaya, mid biyaha weysada iska masaxaya, mid meesha kitaabku saaranyahay oo sare laacaya, mid saaxiibkiis uga sheekaynaya sida macalinku u uleeyey iyo wax la mid ah, waa calaamad horumar. Waxanse doonayaa inaan ka hadlo caruurta ku ciyaaraysa, kuna dagaalamaysa masjidka gudihiisa, marmar ku jiiraya adiga oo tukanaya, meesha weesadana biyaha oo furan ka tegaya.
Markii aan yaraa waxan xasuustaa dugsiga iyo masjidku iima ahayn keliya meel wax barasho, wexey kale oo ii ahayd goob aan saaxiibaday ku kulanno (..). Waxan aad u dhibsan jirey odayaal masjidka ka saara caruurta qayladooda awgeed. Ama odayaal aaminsanaa in caruurtu najaasada aanay iska dhaqi aqoon, oo ahayd khalad ay iska dhaadhiciyeen, salna aan lahayn.
Caruurta Maanta
Caruurta maanta waa kuwo aad uga duwan kuwii hore, sida ay u fekeraan, waxa ay daneeyaan iyo degaanka ku hareeraysanba.
Caruurta maantu aad ayey uga aragti duwantahay caruurtii hore, oo iminka ah waalidka caruurtan. Tusaale ahaan dhinaca xog helista caruurta maanta wexey helaan xogo heer sare ah oo akhris maqal iyo muuqaalba ah. Hadaba xaalka iyaga iyo waalidku waa waraf iyo shimbiro war isuma hayaan. Sidaa awgeed
waxa waalidka iyo macalinku is moodsiiyaan iney caruurta maamulaan oo gacan bir ah ku hayaan, meesha aan looba baahnayn gacan bir ah ee loo baahanyahay gacan basran oo fahan iyo xeelad leh.
waxa waalidka iyo macalinku is moodsiiyaan iney caruurta maamulaan oo gacan bir ah ku hayaan, meesha aan looba baahnayn gacan bir ah ee loo baahanyahay gacan basran oo fahan iyo xeelad leh.
Dhib
Dhammaan masaajidda aan ku tukado waxan arkaa caruur masjidka ku dhex ciyaaraya ama ku dhex dagaalamaya, waxan maqlaa qayladooda qosolka ama oohinta ah, waxan dareemaa shanqartooda, ama xiinka ay igu dhaafaan, taas wexey igu khasabtay inaan si qoto dheer ugu kuur galo xaaladda caruurta masaajidda.
Marka aan salaadda ka hor imaaddo caruurtu wexey u badanyihiin barxadda masaajidka ama daaradda, marka salaadda la galo iyagu badankood wuxu soo galaa rakcadaha dambe, gaarna xagga weesada ayuu jiraa. Marka laga boxo salaadda isla markaba waxad arkaysaa iyaga oo koox koox u baxaya, hal hal uma baxaan.
Waalid iyo Macalin iyo Maamul Masjid
Waalidka iyo macalinka dugsiguba wexey ku dedaalaan in caruurtu aadaan masaajidda, wey muuqataa. Waxase kaloo muuqda in aan caruurtu wacyi gelin badan ka haysan waxa loo tegayo iyo sida loo qabanayo. Dhinaca kale maamulka masaajiddu wey qoonsadaan cagta iyo ciyaarta caruurta, hase ahaatee waxa muuqda inaaney maamul iyo sidii loola macaamili lahaa u diyaarin.
Talo
Dabeecadda caruurtu waa ciyaar, waana arin nafsi ah. Ismaamulka iyo kaydin la'aanta awoodooda weeye. Hadaba uma baahna in laga gooyo ciyaarta, oo lagu uleeyo ama garaaco. Wexey u baahantahay in la kasbado qalbigooda si ay kuu dhegeystaan, una qaataan waxa aad farto. Sidoo kale in looga digo khataraha laguna maamulo ciyaarta. Tusaale ahaan in goor xadidan loo sameeyo ciyaarta.
Marka aan guriga eegno waa in caruurta qof weyn u soo kexeeyo masjidka si uu u ilaaliyo, ilmuhuna ugu daydo. Dhinaca kale waa in macalinku caruurta baro oo jeclaysiiyo dhaqanka wanaagsan iyo gudashada cibaadada. Sidoo kale maamulka masaajiddana waxa laga rabaa wacyi gelin u gaar ah caruurta, sida habka masaajidda loogu dhex dhaqmo.
Ugu dambayn, arintani waa dareen bulsho, waana meesha ay tarbiyadda caruurtu ka xumaan karto mar hadii inagoo dhan horteenna ay ku dhiirranayaan dhaqankan oo kale. Wexeyna u baahantahay in sadexda dhinac (waalidka, macalinka iyo maamulka masaajidka) iska kaashato xalka, ama cid ka baxsan oo ugu hiilisa xalinta arintan.
No comments:
Post a Comment