Thursday, April 13, 2017

Hagardaamada "Beesha Caalamka"

Waxa loo yaqaan "beesha caalamka" inay dabandaabyaynayaan soomaalida waxaa cadayn u ah sida aysan waligood u soo hadal qaadin maxkamadaynta dagaaloogeyaashii burburiyay Soomaaliya. Halka ay "bayshaas caalamka" door wayn ka qaadatay in dagaaloogeyaashii dalalka Afrika badankoodii maxakamad lala tiigsado, xabsina lagu tuuro. Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa.
1- Dagaaloogihii caanka ahaa ee dalka (Sierra Leone) Foday Sankoh. Gacantaa lagu soo dhigay, wuxuuna dhintay 2003 asagoo sugaya in la maxkamadeeyo

2- Dagaaloogihii caanka ahaa ee dalka (Liberia) Charles Taylor. Gacantaa lagu
Charles Taylor oo jeebadaysan
soo dhigay waxaana lagu xukumay 50 sano oo xarig ah sanadkii 2013.
3- Dagaaloogeyaashii huriyay dagaalkii sokeeye ee Rwanda, 61 qof oo ka mid ah waa la madaxkameeyay waana la xukumay.
4- Dagaalkii sokeeye ee Kenya ka dhacay doorashooyinkii dhamaadkii 2007dii waxaa eedoodii loo jeediyay dad ay ka mid yihiin madaxwaynaha hada xukuma dalkaas Uhuru Kenyatta iyo madaxwayne ku xigeenkiisa William Ruto. Waxaana looga yeeray maxkamada caalamiga ah ee ICC-da si ay midaas digniin ugu noqoto.
5- Riek Machar oo ah madaxwayne ku xigeenkii hore ee dowlada koofurta suudaan oo damcay inuu dalkaas ka jabhadeeyo waxaa lagu xannibay dalka koofur afrika. Halkaas oo lagu hayo xabsi-guri ayadoo loo diiday inuu wax dhaqdhaqaaq ah sameeyo.


Yaa xasuusan kara hal dagaalooge oo ka mid ah kuwii dumiyay qarankii soomaaliyeed, oo beesha caalamku ay dalbatay in la maxakamadeeyo ama ay maxkamadaysay? Ma jiraan! Sababtuna waa in ayadoo beesha caalamka laftirkeedu ay ka shaqaynayso inayan soomaalidu waligood yeelan dowlad qiimo leh oo danahooda ilaalin karta. Booskii ay dagaaloogeyaashii hore ka baxeena waxaa galay kaabo-qabiilo horjoogayaal looga dhigay wax lagu sheegay "dowlad gobleedyo" oo LAND iyo wax la mid ah ku dhamaada oo laga maamulo addis ababa iyo nairobi.

Waxa lagu sheego beesha caalamka waxay muskhkiladii Soomaaliya ka dhigeen mashruuc lagu naas nuujiyo dalal afrikaan ah oo madaxbanaanida Soomaaliya cadow u ah sida Kenya iyo Itoobiya. Mushkilada Soomaaliya ka taaganna waa mid si qasad ah loo doonayo inay daba dheeraato oo aan xalna loo helin. Sababtoo ah hadii ay jirto niyad dhab ah iyo daacadnimo lala garab istaagayo Soomaaliya waxaa lala xisaabtami lahaa dagaaloogeyaashii sababta u ahaa burburka Soomaaliya. Sidoo kalena waxaa Soomaaliya gacan laga siin lahaa inay ciidankeedii dib u dhisato si maamulka dowlada uu uga shaqeeyo dalka oo dhan.

No comments:

Post a Comment