Inkasta oo goob ahaan dhalashada caqiidada Kiristaanka lagu xiriiriyo bariga dhexe, gaar ahaanna dhulka Falastiin oo ah halka uu ku dhashay nabi Ciise (nabadgalyo dushiisa ha ahaatee); hadana asaaska ay caqiidada Kiristaanku ku dhisan tahay oo ah Tathliithka (Trinity-ga) wuxuu ka soo jeedaa diinta Hinduuga ee wathaniga* ah.
Fikradda udub dhexaadka u ah caqiidada Kiristaanka waa Tathliithka (التثليث) ama
ٍSaddexaynta ay kiristaanku u yaqaanaan (Trinity) oo ah fikradda oranaysa: Ilaahay marna waa aabbe, marna waa wiil uu aabahaas dhalay, marna waa ruuxa quduuska ah (the Father, the Son, and the Holy Spirit) oo sadexdaas walxood oo kala duwanba waa isla asaga!
The Father (midig), the Son (bidix) and the Holy Spirit (shimbirta dhexda ku jirta) |
Dhulka Falastiin ee uu ku dhashay nabi Ciise diinta laga yaqaano waxay ahayd diintii ay haysateen yuhuuddu. Diintaasna kuma aysan jirin fikraddaan saddexaynta balse yuhuuddu waxay aaminsanaayeen in Ilaahay uu mid kaliya yahay. Dhanka kale, Hinduuska oo dhul ahaan aad uga fog Falastiin waxay haysteen fikrada ah in koonka uu leeyahay ilaahyo tiro badan oo ay ugu sarreeyaan sadex ilaah oo la
kala yiraahdo; Brahma, Vishnu, iyo Shiva. Hinduusku waxay fikradaan sadexda ilaah ku salaysan u yaqaanaan Trimurti oo u dhiganta Trinity-ga caqiidada Kiristaanka. Shaqooyinka ay caqiidada Hinduuga kala siisay sadexdaas ilaahna waxay kala yihiin: 1- abuurka iyo noolaynta (waxayna u tiiriyeen Brahma). 2- ilaalinta iyo dhowrista (waxay u tiiriyeen Vishnu. 3- dilitaanka iyo burburinta (waxay u tiiriyeen Shiva.
Brahma (bidix), Vishnu (dhexda) Shiva (Midig) |
Fikrada ay caqiidada Kirisitaanku ka soo amaahatay diinta Hinduugana kuma koobna Tathliithka kaliya, balse waxaa intaas sii dheer in xataa shakhsiyadda asaasiga ah ee ay kirsitaanku u yaqaannaan Jesus Christ ay ka soo amaahdeen caqiidada Hinduuga. Waana ilaaha ay hinduusku u yaqaanaan Krishna oo ay aaminsan yihiin inuu yahay muuqaal ka mid ah muuqaallada Vishnu. Macnaha in Vishnu
uu siyaabo kala duwan ku yimid dunida, oo ay ka mid ahayd inuu mar dhashay asagoo ah Krishna.
Inay kiristaanku magaca shakhsiyadaan Christ ka soo amaahdeen caqiidada
Hinduugana waxaa cadayn u ah sida qisooyinka dhalashada ee Krishna iyo Christ ay isku midka u yihiin. Taariikh ahaanna caqiidada Hinduuga ayaa qiyaas ahaan 2500 oo sano ka da' wayn caqiidada Kiristaanka. Ma dhici karto marka in qisada dhalashada Krishna iyo Christ ay isku mid noqoto ayadoo aan labada qiso midood laga amaahan mida kale.
Krishna |
Tusaalooyinka muujinaya sida labada qiso isku midka u yihiinna waxaa ka mid ah: in Krishna markuu dhashay laga qarinayay boqor doonaya inuu dilo. Sidaas si la mid ah, waxaa Baybalka ku qoran in markii uu Christ dhashay laga qarinayay boqorkii markaa ka talinayay dhulka uu ku dhashay.
Sidoo kale Krishna markuu dhashay waa laga kaxeeyay meeshii uu ku dhashay oo dhul kale ayaa loo qaaday. Sidaas si la mid ah, Christ asna waa laga fogeeyay meeshii uu ku dhashay oo dhul kale ayaa loola cararay. Waxay isaga egyihiin oo kale in labadoodaba ay xoolaha raaci jireen (Krishna lo'da ayuu raaci jiray, Christ-na ariga). Sidoo kale, Waxaa Baybalka ku qoran in Christ la dilay. Kutubta Hinduuga ayaguna waxay sheegayaan in Krishna la dilay.
Intaas waxaa dheer in xataa hadaladooda qaarkood ay isku mid yihiin oo aad daraamayso in hadalada lagu been abuurtay nabi Ciise ee ilaahnimadiisa la xiriira in si toos ah looga soo amaahday hadallo ay hinduusku u tiiranayaan Krishna. Waxaa hadaladaas ka mid ku qoran kitaabka hinduuska ee loo yaqaan Bhagavad Gita oo sheegaya inuu Krishna ku yiri qof uu caqiidada barayay: Anigaa ah wadada badbaadada. Aniga ii imow [oo i aamin si aad u badbaado] ... .". Dhanka kale, Waxaa Baybalka ku qoran isla hadalkaas laftrkiisa oo loo tiirinayo Christ asagoo leh: Anigaa ah wadada, runta iyo noloshaba ..."
Waxaa kale oo labada diimood ee Hinduuga iyo Kiristaanka wadaagaan calaamado iyo dhaqamo diimeed laga dheehan karo sida ay isugu xiran yihiin oo midood looga minguuriyay mida kale. Tusaale ahaan arrinta ay Kiristaanku u yaqaanaan Sign of The Cross oo ah in markii 'salaada' la galayo labo farood la laabo, sadex faroodna la taago kadibna madaxa, bogga iyo labada garbood la isaga taabto sadexdaas farood. Calaamada sadexda farood ee goonida loo soocayo ayaa ah mid laga soo minguuriyay diinta Hinduuga. Waxayna Hinduusku u yaqaanaan Vishnu Mudra, oo waxay qayb ka tahay ficilka Yoga-da oo Hinduuska ugu jira booska salaada.
Sidoo kale fikrada ah in wadaadka Kiristaank ah (Priest) uusan guursan oo uu galo waxa Kiristaanku ay u yaqaanaan Celibacy ayaa ah mid laga soo minguuriyay fikrada ay Hunduusku u yaqaanaan Brahmacharya oo ah in ninka wadaadka ah (Sadhu) uusan guursan oo adeega diinta uu u go'o. Waxaa sidoo kale ay labadaan diimood wadaagaan dhaqanka ah in macbadka ama goobta cibaadada la geeyo cunto loogu dhowaanayo ilaaha lagu caabudayo goobtaas. Waxay Hinduusku u yaqaanaan cuntadaas Krishna Prasadam (ama Prasadam) , Kiristaankuna waxay u yaqaanaan cuntadaan Eucharist (ama Sacramental Bread/Altar Bread). Sawirrada iyo asnaamta dhex yaal macaabdida labadaan diimood ayaa sidoo kale ah dhaqan diimeed ay wadaagaan.
Waa iska cadahay marka sida caqiidada Kirsitaanka iyo fikirkeeda asaasiga ah ee sadexda ilaah ku dhisan ee Trinity-ga looga soo amaahday fikrada Trimurti-ga ee Hinduuga. Sidoo kale waxaa ayaduna cad in dhaqamada diiniga ah iyo astaamaha cibaadada in badan oo ka mid ah ay wadaagaan. Waxaase la is waydiin karaa: sidee ayadoo Falastiin iyo Hindiya sidaas u kala fog yihiin u suurto gashay in fikrada Trimurti-ga ee Hindiya la geeyo Falastiin? Waxaa fikaradaas ka qaaday dhulka Hindiya ciidamadii uu watay hogaamiyihii Giriigga ahaa ee reer Macedonia ee la oran jiray Alexander the Great oo mudo ku dhow afar qarni ka hor dhalashadii nabi Ciise qabsaday dhul balaaran oo Aasiya ku yaal oo Falastiin iyo Hindiyaba ay ka mid ahaayeen. Hogaamiyahaas markii uu dhintayna waxaa imbiraatooriyadiisii qaybsaday abaanduuleyaashii ciidamadiisa oo gacanta ku sii hayay dhulalkii soo hoos galay maamulkiisa. Sidaasayna ku suurtagashay in fikrad wathani ah oo caqiidada Hinduuga ka timid la geeyo dhulka Falastiin.
Sababta fududaysay inay ciidamadii Alexander qaadaan fikradda sadexda ilaah ee Hinduuga oo ay keenaan dhulka Falastiin, balse aysan qaadin diintii towxiidka ee Falastiin ka jirtay oo aysan gayn Hindiya waa ayadoo bulshada Giriirgga ah oo ay ciidamadaas ka soo jeedeen ay ahayd bulsho ilaahyo tiro badan caabuda. Mid walba oo ka mid ah ilaahyadooda tirada badanna wuxuu qaabilsanaa howl gaar ah, sida ilaaha badaha, ilaahadda jacaylka iwm. Sidaas daraadeed waxaa fudadayd inay caqiido ahan soo dhoweeyaan oo qaadaan fikrada sadexda ilaah ee hinduuska oo ilaah walba shaqo gooni ah u magacaabaysa.
Markii la soo diray nabi Ciise oo yuhuudii uu ugu yeeray kitaabkiisii Injiilka, dadkiisii qaarna waa rumeeyeen qaarna waa beeniyeen. Nabi Ciise markii uu dhamaystay wakhtigii uu dhulkaan joogi lahaa oo samada dhankeeda loo qaaday kadibna, waxaa kitaabkisii Injiilka badalay nin ay kiristaanku u yaqaannaan Rasuul Bawloos (Paul the Apostle). Bawloos wuxuu ka mid ahaa yuhuudii aadka u nebcayd nabi Ciise (nabadgalyo dushiisa ha ahaatee). Sidaas daraadeed buu ninkaan ku been abuurtay nabi Ciise asagoo sheeganaya inuu arkay nabi Ciise markii samada dhankeeda loo qaaday kadib. Iyo in nabi Ciise uu asaga ugu yeeray inuu aamino ilaahnmadiisa iyo inuu yahay wiilkii Ilaahay, dadka kalena inuu ugu yeero fikradaas ku salaysan sadexda ilaah.
Dadkii raacay nabi Ciise waa diideen fikradii uu ninkaan la yimid. Mudo dhowr qarni ah kadib ayayse fikardii Bawloos heshay cid u hiilisa, markii sanadkii 325kii miilaadka uu boqorkii Roomaaniyiinta ee Constantine la oran jiray uu la saftay dadkii aaminsanaa ilaahimada nabi Ciise, oo markaa kadibna uu amray in la qaato Afarta injiil oo la gubo dhamaan kutubta kale ee diinta Kiristaanka ee aan waafaqsanayn afartaas buug.
______________________________________
* Diimaha wathaniga ah waa diimaha ay dadka haysta caabudaan asnaamta.

No comments:
Post a Comment