Monday, March 13, 2017

Xiriirka Ka Dhexeeya Soonka, Difaaca Jidhka iyo Kansarka (Cilmi-baaris)



Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamcadda Southern California ee dalka Maraykanka [1] ayaa waxay kusoo bandhigeen diraasaddaan ay sameeyeen xilli sii horreeyey(sanadkii 2014-ka)[2] sida soonka muddo dheer sida saddex maalmood oo kale uga qeyb qaadanayo kor uqaadista difaaca jidhka .

Soonka maalmo dhowr ah (4-5 maalmood )[3] waxay keenaysaa in jirku tamarta ka dhaliyo keydka Glucose ka iyo Xaydha lagu keydiyo xubnaha kala duwan. Isla markaasna, dhelinta tamartu waxay galaafanaysaa unugyada ay kamid yihiin kuwa Cad-cad(WBC) oo qaabilsan difaaca jidhka.

Saynisyahannadu waxay leeyihiin burburka soonka dheeri ku keenayo unugyada cad-cad wuxuu dardar gelinayaa abuuridda falcelin ah dib u dhelinta Unugyada Asliga ah(stem cells) ee ay ka samaysmaan unugyada dhiiga ay kamid ka yihiin kuwa Cad-cad.

Samaysanka unugyo cusub waxay xoojinayaan ka difaacidda jidhka walxaha dibadda kasoo weerara ee ay u horreeyaan noolayaasha ilma aragtayda ah (Microorganisms).

Sidoo kale, sida Cilmi-baarista lagu sheegay, soonku wuxuu sabab u noqonayaa in jidhku ka takhalluso unugyada dhaawacan[4]ama kuwa gaboobay.



KANSAR-KA(cancer) IYO SOONKA


Ugu horreyn,Diraasaddaan iyo kuwa kaleba waxay si isku dhow uga hadleen sida Soonku u yaraynayo waxyeellooyinka ay wataan daawooyinka Kansarka ee loo yaqaan Chemotherapy-ga;






   Daawada Chemotherapy gu waxay leedahay waxyeellooyin feer socda waxtarkeeda daawo , waxaa kamid ah waxyeelooyinkaas, sida: hoos u rididda unugyada dhiiga, timo daadasho , sun daawadu leedahay IWM. 

Waxaa lagu xusay diraasaddaan, in soonku yaraynayo Sun-ta dawadaanu leedahay ayadoo jidhku saarayo muddada tamar dhalinta ee daba socota gaajada dheer kadib.
 
Midda labaad, waxay saynisyahannada kala duwan ee mawduucaan wax ka baaray qabaan, in soonku yaraynayo IGF-1( Insulin like Growth hormone-1[5]) oo ah protein xiriir la leh noocyo badan oo Kansar ka kamid ah, sida Kan Xiidmaha waaweyn(Colo-rectal),Naasaha iyo Prostare Kansarka [6]
; sida caadiga ah protein kaan aad buu usarreeyaa xilliga korniinka, korniinku markuu xilliga dhexe ee nolosha gaarana uu hoos udhac ku bilowdo, waxaana la'arkay inuu dadka waaweyn aad hoos ugu dhoco.

Si taa liddi ku ah,haddii IGF-1 da’da dhexe ee nolosha aad kor ugu koco, wuxuu keeni karaa u tarmidda unugyada tiro iyo qaab aan loo baahnayn, waana midda dhici karta inay Kansar isku baddesho.
 Waxaanse kor ku xusnay, in Soonku yaraynayo IGF-1, kadibna unugyada tarmayey ee Kansarku is dhimayaan.
Prof.Valter Longo oo ah Madaxa kooxda Cilmi-baaristaan sameeyey ayaa wuxuu sheegay, in boqolaal bukaanoo Kansar qaba lasoo xiriireen, kuwaasoo Soomay muddaday Chemotherapy ga qaadanayeen.
 Badi bukaanka ila soo xiriirey waxay sheegeen inay daawadu si wanaagsan ula shaqaynayso Soonka, qaar yar oo kamid ah baa ka sheegtay Madax Wareer iyo kor u kaca Dhacaanada Beerka[7]” ayuu yiri Prof. Longo.




Haddaan Muslimiin nahay Maxaa nala gudboon?

1. Dardaaran kii Nebi Muxammed Sallalaahu caleyhi wasallam u dardaarmay Abuu hureyra waxaa ku jirtay soonka Saddex beri ee bilkasta, sidoo kale Axaadiith kaloo badanna way ka hadashay fadliga saddexda beri iyo dhiirigelinta soonkooda, sida xadiiskaan hoose 
في حديث النسائي عن جرير مرفوعا إلى النبي صلى الله عليه وسلم، ونص الحديث: صيام ثلاثة أيام من كل شهر صيام الدهر، وأيام البيض صبيحة ثلاث عشرة وأربع عشرة وخمس عشرة. قال الحافظ ابن حجر في الفتح: وإسناده صحيح



2. Shaki wuxuusan marna ku jirin diintu waxkastoo ay noo sheegtay in waxtar adduun iyo mid aakhirba noogu jiro haddaan ognahay iyo haddaanaan ogayn ba, cilmi-baaristaanna waxay noo sii xaqiijinaysaa run ahaanshaha iyo xaqnimada diinteena, iyo xaqnimada hadalkastoo uu yiri Nebi Muxammad Sallalaahu caleyhi wasallam; 
     Waxaa soo badanaya cilmi-baarista ku saabsan soonka iyo waxtarkiisa uu jidhka banii'aadamka u leeyahay, tanina waa mid kamid ah un keliya.

3. Sidoo kale waxay na tusaysaa in aqoontu aysan maadi iyo diini u kala bixin, bulshada Islaamka ahna laga rabo in qeyb kamid ahi barato Culuumta Maaddiga loo yaqaan, oo hadda ragga cilmi-baaristaan sameeyey ay dhici karto in markay dib ubaaraan ay xaqqa ogaadaan Allaha soo hanuuniyee, kuwa sidaas si lamid ah diinta ku soo galayna way jiraan, waana majaal weyn oo dadka diinta loogu yeeri karo.

Marka, waxaan u soo jeedinayaa naftayda iyo walaalaha qoraalkaan akhrinayaba, inaan ku dadaalno wixii waxtar noo leh adduunkeena iyo aakhiradeena; aqoonta qeyb kamid ahna aanan gaalada loo deyn ee aan aqoontoo dhan raadino, sidoo kale acmaasha fursadda weyn u ah muslim kasta waxaa kamid ah soonka saddexda beri ee nebigu ku sheegay qofkii sooma inuu sanadkoo dhan soomay oo kale.

    Maxamuud Cabdirasaaq Xaashi,
  Arday ka dhigta takhasuska xanuunada Indhaha, Jaamacadda China Medical University.






[2] Diraasadda weli si kama dambays ah la’is kuguma waafaqin dhaqan gelinteeda.
[3] http://joshmitteldorf.scienceblog.com/2014/06/12/the-three-day-fast-day-four/ ( waa jawaabtuu bixiyey prof.Valter kadib markii laweydiiyey muddada ugu wanaagsan ee lasoomayo, inkastoo diraasadda kooxdiisu qoray uu ku sheegay saddex maalmood)
[4] Unugyada dhaawacan sida kuwa Kanserka la daaweeyey ama daawadu ku socoto.

[5] IGF-1 waa Protein beerku sameeyo, shaqooyinkiisa waxaa kamid ah ka qeyb qaadashada korniinka.
[7] http://www.telegraph.co.uk/science/2016/03/12/fasting-for-three-days-can-regenerate-entire-immune-system-study/ 

No comments:

Post a Comment