Saturday, March 4, 2017

Sababaha Keena Burburka Umadaha

Nin sirdoonkii KGB-da ee dawladii Soviet-ka u shaqayn jiray oo la yiraahdo Yuri Bezmenov ayaa sanadihii 1983 iyo 1984kii khudbooyin iyo waraysiyo uu bixiyay (kadib markuu ka soo baxsaday Soviet-ka) wuxuu ku cadeeyay qaababka ay sirdoonka KGB-ga ula dagaalamaan dowladihii ay cadowga u arkayeen, oo dalka Maraykanka uu kow ka ahaa.

Yuri Bezmenov wuxuu sheegay in farsamada dagaalka ee KGB-gii Soviet-ka ay
Yuri Bezmenov
Yuri Bezmenov
ku dhisanayd xeelad laga soo guuriyay abaan-duule shiinays ah oo la oran jiray Sun Tzu oo noolaa 2500 oo sano ka hor. Xeeladaas oo ah in aad cadowgaaga jabiso adigoo dagaal muuqda oo dhiig uu ku daato aan la galin!

Sidee ku jabin kartaa cadow aadan la galin dagaal uu dhiigaagu ku daato? Taas waxay ku imaanaysaa buu yiri Bezmenov inaad cadowgaaga maskax ahaan u burburiso (Ideological Subversion). Wuxuu leeyahay Bezmenov: guusha iyo libinta dhabta ah waa in cadowgaagu uu maskax ahaan burburo oo awoodda fakarkiisana ay hoos u dhacdo ilaa uu kala garan waayo waxa saxan iyo waxa khaldan. Sidoo kale ilaa uu gaaro heer uu fahmi waayo inaad cadowgiisii tahay oo markaa uu adigii kuu arko inaad wanaagsan tahay!

Sidee marka umad maskaxdeedii iyo caqligeedii loo burburin karaa? Waxay midaas ku imaanaysaa in ummadaas akhlaaqda laga dilo oo dhaqankeedii la dooriyo oo ay dhaqanguurto. Markii taas lagu guulaysto oo umadaas ay akhlaaqdeedii lunto, waxay u bislaanaysaa in sidii xoolihii loo horo, oo sidii la doono laga yeelo ayadoo raalli ku ah xadgudub walba oo loo gaysto.

Tillaabooyinka umadaha akhlaaqdooda lagu burburiayana wuxuu ku sheegay Yuri Bezmanov inay ku wajahan yihiin dhowr dhinac oo muhiim u ah nolosha umad walba; waxayna kala yihiin:

1- Diinta.

Qaabka loo burburinayo diintana waa in ixtiraamkii loo hayay uu lumo, oo had iyo goor si khaldan looga hadlo diinta iyo wax walba oo la xiriira. In lagu dhiirado aflagaadaynta diinta iyo xaqiraadeedaba, oo laga tago ku dhaqankeeda. Ayadoo booskii diinta la galinayo fikrado kale oo loo soo yeelay muuqaal cilmiyeed been ah. Falsafadaha loo adeegsado burburinta diintana waxaa ugu caansan falsafada Secularism-ka ama Cilmaaniyadda (Link-gaan ka akhrisho waxa ay cilmaaniyadu tahay).

2- Qoyska.

In lala dagaallamo dhismaha dabeeciga ah ee qoyska iyo xiriirrada kale ee qaraabonimo ee ay bulshadu ku dhisan tahay. Fikradaha lagula dagaallamo jiritaanka qoyskana waxaa ka mid ah Feminism-ka oo ah falsafad dadka wata ay ku soo gabadaan u ololaynta xuquuqda haweenka, ayagoo qasadkooda dhabta ah uu yahay burburinta xiriirka dabeeciga ah ee ragga iyo dumarka. Hadafkooda ugu waynna waa la dagaallanka guurka. Ayadoo halkii ay dhalinyaradu guurka qiimayn lahaayeen, laga dhaadhicinayo inay Boyfriend iyo Girlfriend ku gaabsadaan oo wax masuuliyad ahna aysan qaadin oo aysan noqon qoys dhisan oo ubad si wanaagsan loo tarbiyeeyay ku soo kordhiya buslahada. Taas badalkeeda waxaa lagu boorinayaa inay xishoodkii ka tagaan oo sidii xoolihii
darbiyada isku baacsadaan oo kadibna caruur aan hayb iyo meel loo raaco midna lahayn ay wadooyinkii soo dhigaan, oo sidoo kalena ay cudurrada galmada lagu kala qaado bulshadii ku dhex faafiyaan.

Dhanka kalena in qoysaskii taagnaa lagu burburiyo isku dirka raga iyo dumarka iyo in lagu andacoodo in dumarkii ay xuquuq ka maqan tahay oo loo soo dhicinayo. Sidoo kale la dagaallanka qoyska  waxaa ka mid ah faafinta dhaqamada xun xun ee garab marsan dabeecada saliimka ah sida ficilka Qowmu Luud (Homosexuality) iyo dhaqammo kale oo ka sii xun. Arrimahaas oo dhan oo wada jira waxay burburinayaan xiriirkii dabeeciga ahaa ee ay qoysasku ku dhismi jireen, kuna taagnaayeen.

3- Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

In la kharibo xiriirkii ka dhaxeeyay maamulka iyo cidii la maamulayay, oo musuqmaasuq iyo maamul xumo la faafiyo ilaa ay lunto kalsoonidii labada dhinac dhex taallay. Mar hadii maamulkii uu xumaadana waxaa sidoo kale xumaanaya dhamaan dhinacyadii kale ee nolosha gaar ahaanna dhaqaalihii iyo wax soo saarkii. Kadibna waxaa taas ku xiga qalalaase iyo nabad la'aan iyo isku dhac bulshada dhexdeeda ah.

Ikastoo Soviet-kii uu burburay, oo KGB-giina uusan maanta jirin; hadana qodobadaas uu ka hadlay Bezmenov waa kuwa xaqiiqooyin badan oo maanta dunida ka jira ay ka markhaati kacayaan, oo meelo kala duwan oo dunida ka mid ahna laga fuliyay, ilaa hadana laga fulinayo. KGB-ga kaligiisna ma ahan cida qorsheyaasha sidaas u xun fulinaysay, balse sirdoonka dolwadaha waawayn in badan oo ka mid ah ayaa ilaa maanta fulinaya qorsheyaal noocaas ah oo ka fulinaya dalal kala duwan oo caalamka ah.

Umad walba oo akhlaaqdeedii suubanayd iyo diinteeda ka tagtana, waxaa xaqiiqo ah inay taas ka dhaxlayso dayac iyo burbur aan dhamaad lahayn. Wadada kaliya ee burburkaas iyo dayacaas looga hortagi karo intaysan dhicin, ama markii ay dhacaan kadib looga gudbi karo waa in diinta iyo akhlaaqda wanaagsan la ilaashado oo cid walba oo duulaan ku ahna la isaga digo oo la iska wacyi galiyo.

No comments:

Post a Comment