Friday, February 24, 2017

Goormay Taariikhda Qoran Ee Dunida Soo Gashay Kalmadda "Soomaali"?

Qowmiyadda soomaaliyeed waxay ka mid tahay qowmiyadaha ugu nasiibka badan dunida markii la fiiriyo dhanka baaxadda uu leeyahay dhulka ay ku baahsan tahay. Iyo sidoo kale, isl-lahaanshaha dhanka dhalashada iyo caqiidadaba ah ee ka dhexeeya qabaa'ilka ay ka kooban tahay qowmiyadaas.

Dhulka masaaxadaas leh oo ay soomaalidu ku dul nooshahay, si fudud kuma aysan hanan oo dhowristiisa halgan dheer oo boqolaal sano soo socday bay u soo martay soomaalidii hore. Halgankaas oo sida laga arki karo tixraaca taariikhda, mar walba ku salaysnaa is difaacid iyo iska caabinta cadow ujeedadiisu ay tahay inuu xoog ku qaato dhulkaas ay soomaalidu leedahay.

Taariikhdaas qoran inta la ogyahayna, dhulka ay maanta soomaalidu ku nooshahay, waa isla dhulka ay boqolaal sano oo hore ku dul noolayd oo ku dul fidaysay markii ay badatay. Fiditaankaas oo ahaa mid dabeeci ah, maadaama mar walboo tirada dadka ay badato ay dhulkana ku sii baahayaan. Waxaana baahitaankaas fududaynayay ayadoo tirada dadka aduunka ay wax badan ka yarayd boqolaal sano ka hor inta ay maanta tahay. Sidaas daraadeed ayuusan fiditaankii soomaalidu ahayn dhul ballaarsi; balse uu ahaa fiditaan ay ku dul fidisay dhul ay markii horeba ku noolayd oo ay hadba dagaysay qaybo cusub oo dhulkaas ka mid ah oo aan ayada horteed la dagin. Waxaase nasiib darro ah in taariikhyahandii u adeegayay gumaysiga Yurub markii ay damceen inay qoraan taariikhda dhulka iyo dadka soomaaliyeed, inay si ula kac ah ugu qasdeen inay marin-habaabiyaan akhristayaashooda ayagoo qoraalladooda ku suntaya cinwaano khaldan sida (Dhul-ballaarsigii Soomaalida ama duullaankii soomaalida ay isku fidinaysay).
Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa diraasad uu 1960kii qoray mid ka mid ah taariikhyahanadaas oo magaciisa la yiraahdo I. M. Lewis. Wuxuu diraasadiisa cinwaan uga dhigay (The Somali Conquest of The Horn of Africa). Kalmadda Conquest oo macneheedu yahay (duullaan) waxay xambaarsan tahay marin-habaabin looga dan leeyahay in lagu xalaalaysto xuquuqda iyo dhulka soomaalida. Sababtoo ah markii jiritaanka soomaalida lagu saleeyo "duulaan" inuu ku dhisan yahay, waa in taas macneheedu uu yahay in soomaalidu ay ku dul nooshahay dhul aysan lahayn; arrinkaas oo ah been qaawan oo aan innaba sal iyo raad midna lahayn. Ninka diraasadaas qoray marnaba si cad oo qeexan uma uusan sheegin halka ay soomaalidu ka soo duushay. Kaliya hadalkiisii wuxuu ka dhamaan waayay inuu yiraahdo "waxay u badan tahay inuu oday hebel oo reer hebel ay ku abtirsadaan halkaas ka yimid". Xujo iyo Cadayn taariikh jirta lagu dhisi karo ma ahan marka "waxay u badan tahay" iyo "waxaa dhici karta".
Sida uu Mr Lewis diraasadiisa bilowgeeda ku sheegayna, wuxuu cadeeyay inuu sheekooyinka afka laysaga wariyo ee soomaalida ka dhigtay nooc tix-raac ah oo uu taariikhdooda ku dabo galo. Taas oo wax wayn u dhimaysa cilmi ahaan qiimaha ay diraasadiisu xambaarsan tahay.

Waase la fahmi karaa sababta ku xambaartay Mr Lewis inuu cinwaankaas ku sunto diraasadiisa. Maxaa yeelay asaga laftirkiisaa wuxuu ahaa muwaadin ingiriis ah oo u adeegaya gumaysigii ingiriiska. Sidaas daraadeed buu soomaalidii ka dhigay dad dhulka ay dagan yihiin ku yimid duullaan iyo boob. Diraasadiisaas oo uu uga hadlayo dagaaladii dhex mari jiray saldanooyinkii soomaalida ee waqooyi-galbeed Soomaaliya ka jiray iyo baqortooyadii xabashida ee saldhigeedu uu ahaa Axum (Aksuum) oo mar walba dhankeeda uu ka imaan jiray dhul-ballaarsiga iyo duullaanka; markuu ka hadlayo Lewis dagaalladaas, si cad bay u muuqataa inuu u hiillinayo gumaysigii xabashida ee ku soo duuli jiray saldanooyinkii Ifaat iyo Adal ama Awdal¹ oo marna caasimadoodu ay ahayd Harar, marna Saylac.
Shayga ugu muhiimsan oo diraasada Mr Lewis ay soo gudbisay, oo la oran karo tixraac taariikhi ah ayuu leeyahay waa arrinta ku saabsan wakhtiga ay taariikhda qoran soo gashay kalmadda "Soomaali". Sida diraasadaas ay sheegayso, ereyga "Soomaali" wuxuu taariikhda qoran ka soo galay gabay ama hees amaan ah oo loo tiriyay mid ka mid boqorradii xabashida oo la oran jiray Negus Yashaq oo xukunka hayay intii u dhexesay 1415 ilaa 1429 ee miilaadka. Boqorkaan wuxuu dagaal adag la galay saladanadii soomaalida ee Ifaat oo wakhtigaas ka hor dagaallo hore uga guulaysatay boqortooyadii xabashida ee Axum. Dagaalladii dhex mari jiray saldanooyinkii soomaalida iyo boqortooyadii xabshidana waxay ahaayeen dagaallo guushoodu ay kollaytan tahay oo mar ay soomaalidu guulaysato, marna ay xabashidu guulaysato. Mar uu boqorkaan guulaystay ayaa marka xabashidiisii uu u xukumayay u tiriyeen gabay ay ku amaanayaan oo ay leeyihiin waxaad tahay ninkii soomaalida ka guulaystay². Gaar ahaan waxa la qiyaasaa in dagaalka uu xabashigaas ku guulaystay uu ku beegan yahay sanadkii 1415kii (waa qarnigii 15aad ee miilaadka). Ayadoo dagaalkaas uu horseeday burburka saldanadii Ifaat oo ayada booskeedii wakhtigaas kadib ay gashay saldanad kale oo ay soomaalidu lahayd oo la yiraahdo Cadal/Adal ama Awdal. Waana saldanada ku guulaysatay inay jabkii ugu waynaa oo taariikhda xabashida soo mara u gaysato boqortooyadii xabashida qarnigii 16aad ee milaadka. Hogaamiyaha guulahaas waawayn gaarayna waa Imaam Axmad Ibn. Ibraahim (Axmad Gurey). Hogaamiyahaas oo gudaha u galay boqortooyada Abyssinia ilaa uu qabsaday caasumadoodii Axum oo uu dilay boqorkoodii Wanag Segad oo sidoo kale loo yaqaan (Lebna Dengel) sanadkii 1540kii.
Guulihii ay soomaalidu gaartay qarnigii 16aad waxay horseedeen in mar kale magacoodu uu taariikhda qoran galo markii uu Axmad Bin Cabdulqaadir Aljayzaani qoray buugiisa caanka ah ee (فتوح الحبشة) oo gudihiisa uu ku soo bandhigay halgankii uu hogaaminayay Imaam Axmad Gurey ee ay soomaalidu qaybta ugu wayn ku lahayd.

Waxaase in la xuso mudan in soomaalida jiritaankeedu uu wax badan ka fac wayn yahay qarnigii 15aad oo ah marka magaca "soomaali" uu taariikhda qoran galay. Dhul-mareenadii muslimiinta sida Ibn-Batuuta iyo Yaaquut Al-xamawi ee bariga Afrika maray ama ka taariikheeyayna si cad oo qeexan ayay hadaladooda uga muuqataa in soomaalida maanta ku nool dhulka Soomaaliya iyo guud ahaan gayiga ay soomaalidu dagtaba, ay ka soo jeedo soomaalidii daganayd dhulkaas wakhtiyadii ay dhul-mareenadaas booqdeen bariga Afrika ama ay wax ka qoreen. Magaca ay dhul-mareenadaas u yaqaaneen soomaalidana wuxuu ahaa "Barbar" ama dadka
Barbarka ah (البربر). Sidoo kale waxay dhul-mareenadaas tilmaan ka bixiyeen sida uu dhulka soomaalida u baaxad wayn yahay.
Sababta ay magacaas Barbarka u adeegsadeen waa ayagoo aan aad usii dhex galin, si fiicanna ugu fiirsan oo aan u diraasayn soomaalida. Way ku dhex safreen soomalida, laakiin ma aysan dhex dagin oo aad ulama aysan dhaqmin. Sidaas daraadeed bay magacaan Barbar adeegsadeen ayagoo doonaya inay muujiyaan inay soomaalidu jinsi ahaan ay kasoo jeedo jinsiga xaamiyiinta oo ay ka duwan tahay xabashida iyo baantuuga labadaba. Yaaquut Al-xamawi oo noolaa intii u dhexeysay 1178 ilaa 1229 ee miilaadka, mar uu Muqdisho tilmaan ka bixinayay wuxuu yiri:

مدينة في أول بلاد الزنج في جنوب اليمن في برّ البربر في وسط بلادهم، وهؤلاء البربر غير البربر الذين
³. هم بالمغرب هؤلاء سود يشبهون الزنوج جنس متوسط بين الحبش والزنوج
Sida muuqata, wuxuu Yaaquut Al-xamawi u adeegsanayaa kalmadda "zunuuj" labo qaab: mar wuxuu ka wadaa dadka Afrikaanka ah oo dhan. Sidaas daraadeed buu Muqdisho ku tilmaamay inay tahay meesha laga galo dhulka "zunuujta". Iyo sidoo kale markuu leeyahay soomaalidu waa madowdahay oo waxay u egtahay "zunuujta" macnaha dadka Afrikaanka ah.
Macnaha kale oo Yaaquut Al-xamawi uu adeegsanayo kalmadda "zunuuj" waa baantuuga. Waxaana laga garan karaa hadalka uu ku qeexayo inay soomaalu tahay jinsi Barbar ah oo ka duwan Barbarka ku nool dalalka carabta ah ee ku yaal waqooyiga Afrika. Wuxuu leeyahay barbarku [ama soomaalidu] waa jinsi Afrikaanka u eg, oo xabashida iyo baantuuga u dhexeeya.

Waxaase in loo fiirsado mudan sifada uu ka bixiyay Muqdisho juqraafi ahaan. Wuxuu yiri: Waxay ku taal bartamaha dhulka Barbarka (soomaalida). Taas macneheedu waa in Muqdisho uu dhul soomaaliyeed uu waqooyi iyo koofurba ka jiro oo markaa ay ayadu dhexda ku jirto.

Hadalka Yaaquut Al-xamawi waxaa sii xoojinaya hadal kale oo dhul-mareenkii caanka ahaa ee Ibnu Batuuta oo noolaa (1304 ilaa 1368 ama 1369 ee miilaadka) uu tilmaan kaga bixiyay baaxadda dhulka soomaalida markuu ka hadlayay Saylac iyo Muqdisho. Wuxuu leeyahay:

وسافرت من مدينة عدن في البحر أربعة أيام، ووصلت إلى مدينة زيلع، وهي مدينة البرابرة، وهم طائفة من السودان شافعية المذهب، وبلادهم صحراء مسيرة شهرين* أولها زيلع وآخرها مقديشو. ومواشيهم الجمال، ولهم أغنام مشهورة السمن⁴

"Waxaan ka safray magaalada Cadan, anigoo afar maalmood badda ku soo jiray. Waxaanan soo gaaray magaalada Saylac oo ah magaalada Baraabirada (Barbarka) oo ah dad madow, oo haysta mad-habka shaaficiga. Dhulkooda waa saxare loo kala sacdo labo bilood. Wuxuu ka bilowdaa Saylac wuxuuna ku dhamaadaa Muqdisho. Xoolaha dadkaas waa geela. Waxayna dhaqdaan ari subag caan ku ah".

Hadalkii hore ee Yaaquut ee ahaa inay Muqdisho ku taallo bartamaha dhulka soomaalida, iyo hadalkaan dambe oo Ibnu- Batuuta oo wada jira waxay cadayn u yihiin inuu dhulka soomalidu baaxad waynaa xataa wakhtigaas fog oo ku beegan qarnigii 13aad (oo ah qarnigii uu Yaaquut Al-xamawi wax ka qoray soomaalida) iyo kii 14aad oo ah qarnigii uu Ibnu Batuuta maray Soomaaliya, waxna uu ka qoray.

Marka uu leeyaha Ibnu Batuuta soomaalida dhulkeeda wuxuu ka bilowdaa Saylac wuxuuna ku egyahay Muqdiso, wuxuu midaas ula jeedaa magaalooyinka la yaqaannay wakhtigaas oo ilbaxnimadu ay ka jirtay. Sababtoo ah hadii baaxadda dhulka soomaalida lagu soo koobo inta u dhexeysa Muqdisho iyo Saylac, aad bay uga yaraanaysaa baaxada dhulkaas mid loo kala socon karo labo bilood. Waxaa kale oo sii xoojinaya ra'yigaan, hadal ku qoran buuga (فتوح الحبشة) in ciidan uu hogaaminayo Axmad Gurey uu maray Jilib oo lagu marti qaaday halkaas, asagoo dagaalkii xabashida isu diyaarinaya oo doonaya inuu dhanka bariga ka weeraro gobolka Bale. Wuxuu kale oo buugaasi sheegayaa waliba in ciidankii Axmad Gurey ay sii mareen wabiga markii ay Jilib ka baxeen⁵. Sidaan ognahayna Jilib waxaa agteeda mara webiga Juba. Taas oo cadayn u ah in qarnigii 16aad ee Axmad Gurey uu halkaas maray, inay soomaalidu si fiican u daganayd koofurta Soomaaliya. Wakhtiga uu Ibnu Batuuta maray Soomaaliya waa qarnigii 14aad.
Sida muuqata marka, Saylac iyo Muqdisho markuu ka hadlayo wuxuu ula jeedaa magaalooyinkii soomaalida ee wakhtigaas dunida laga yaqaanay inay ka bilowdaan Saylac oo ku dhamaadaan Muqdisho.

Marka la isku daro marka hadalka Ibnu Batuuta ah ee ah in dhulka soomaalida uu fidsan yahay masaaxad labo bilood loo kala socdo, iyo hadalkii Yaaquut Al-xamawi oo ahaa in Muqdisho ay ku taallo bartamaha dhulka soomaalida, oo kadibna labadaas dhul-mareen hadalkoodii lagu daro macluumaad uu ku soo gubiyay I. M. Lewis diraasadiisii la daabacay 1960kii oo uu ku sheegay inay soomaalidu qarnigii 19aad ka tilabsatay webiga Tana oo ay gaartay ilaa dhulka ay baantuuga Akambada ama Kamba (Mkamba) degaan ee gudaha Kenya. Macluumaadkaas sadexda qaybood ah markaan isu gayno oo kadib aan Google Map ku cabirno soohdimaha dhulka ay soomaalidu degto, anagoo tix-raac ka dhiganayna gaar ahaan hadalkii Ibnu Batuuta ee ahaa in dhulka soomaalida loo kala socdo labo bilood. Iyo sidoo kale hadalka I. M. Lewis ee ku saabsan xadka koofureed ee dhulka soomaalida inuu gaarsiisnaa ilaa dhulka ay degaan baantuuga Kaambada (Akamba) waxaa noo soo baxaysa khariidad aad ugu dhow khariidadda saxda ah ee dhulka Soomaali Wayn.



Cabirkaan waxaa laga bilaabay magaalada Saylac oo ah halka uu Ibnu
Khariidada Soomaaliya
Cabir ku salaysan qiyaastii uu baaxadda
dhulka soomaalida ka bixiyay Ibnu Batuuta
qarnigii 14aad ee miilaadka

Batuuta ka soo galay dhulka soomaalida. Markii lagu soo wareego marka soohdimaha dhulkaas ama Perimeter ahaan loo cabiro, oo Saylac dib loogu noqdo; waxaa soo baxaysa masaafo ah 4883 km. Sababta cabirka looga bilaabay Saylac waa ayadoo ah meesha uu ka soo galay Ibnu Batuuta dhulka soomaalida. Maadaama uu asagu yahay qofka qiyaasta sameeyay ayaa laga bilaabay halka ay u badan tahay inuu asagu ka bilaabay cabirka qiyaastiisa.
Khariidadaas lagu cabiray Google Map markii lagu daro dhulka Jabuuti oo ay soomaalidu degto, waxay masaafada soohdimaha noqonaysaa 5196 km.

Qiyaasta uu u adeegsaday Ibnu Batuuta cabirka baaxada dhulka soomaalida wuxuu ku salaysan yahay inta uu neef geel ah oo raran socod ku goyn karo labo bilood.
Culimada Islaamku waxay maanta cabirka masaafaadka ee noocaas ah ku qiimeeyaan inuu yahay 83 km maalinkii (macnaha inta uu neefkaas geela ah socod ku goyn karo hal maalin iyo habeenkiis). Marka 83*60=4980 km. Qiyaastii Ibnu Batuuta iyo mida Google Map marka waxaa u dhexeeya farqi ah 97 km oo kaliya.

Waxaa in la xuso mudan, in  markii la qiimeeyo hadalkii I. M. Lewis ee ahaa inay soomaalidu isku fidinaysay dhulal ay daganaayeen qowmiyado kale, gaar ahaan hadalkiisaas qaybta ku saabsan inay soomaalidu qarnigii 19aad isu fidisay dhanka koofureed ilaa ay gaartay soohdimaha baantuuga Akamabada; markii hadalkaas lagu miisaamo hadalada labada dhul-mareen ee muslimka ah (Yaaquut iyo Ibnu Batuuta), waxaa soo baxaysa in Mr Lewis uu taariikhda soomaalida si kala jeedda oo (Reverse) ah u akhrinayay (gadaal-gadaal). Sababtoo ah wakhtiga uu asagu ka hadlayo ma ahayn wakhti ay soomaalidu dhul boobaysay ama ay duullaan ku ahayd. Balse ayadaa dhulkeeda lagu haystay la doonayay  in laga kiciyo. Sidaas daraadeed baa la oran karaa Akaambada ayadaa soo gashay dhulkii ay soomaalidu daganayde, soomaalidu ma aadin dhulka Akaambada.

Deegaanka runta ah oo soomaalida wuxuu gaarsiisnaa ilaa dhulka maanta loo yaqaan Ukambani ee gudaha Kenya. Gobolkaas oo ay qowmiyada Mkambada ama (Akamba) degto. Khariidada koofureed ee saxda ah ee soomalidana waxay ahayd inay ku egtahay gobolka Makueni ee gudaha dalka Kenya. Halka khariidadda saxda ah ee galbeedka Soomaaliyana ay ahayd inay  ku egtahay Harar oo hada ay ka taliso Itoobiya. Lakiin nasiib darro gumaysigii Yurub oo uu ugu halis badnaa kii ingiriiska ayaa qaybahaas muhiimka ah oo dhulkii soomaalida ka mid ah u kala qaybiyay Itoobiya iyo Kenya. Waxaana midaas ka dhalatay in markii ay soomaalidii tiri ha nala siiyo dhulka naga maqan in la colaadiyay oo dagaal iyo burbur laga dhex abuuray dhulkii ayada wali gacanta ugu jiray. Intaas waliba loogama harine, dhulkii gacanteeda ku jiray baa wali la daba socdaa.

__________________

1- Qoyska Walashama ee aasaasay Ifaat oo sidoo kale salaadiinta ka ahaa saldanadii ayada ku xigtay ee Cadal ama Adal waxay ka soo jeedaan oo ku ku abtirsadaan (sida ay sheegayso diraasada I. M. Lewis) nin soomaali ah oo la oran jiray Sh. Aw-Barkhadle oo daganaa agagaarka Hargaysa.
2- Fiiri: The Somali Conquest Of The Horn Of Africa. By I. M. Lewis. Journal of African History. V1, No:2 (1960), p 222
3-معجم البلدان، شهاب الدين أبو عبدالله ياقوت بن عبدالله الرومي الحموي، جـ 5\173، ط 2، دار صادر، 1995م، بيروت
4- رحلة ابن بطوطة (تحفة النظار في غرائب الأمصار وعجائب الأسفار)، محمد بن عبدالله بن محمد اللواتي الطنجي، صـ 252، طبعة دار الفكر
5- Fiiri: فتوح الحبشة (الصراع الصومالي الحبشي في القرن السادس عشر)، شهاب الدين أحمد بن عبدالقادر بن سالم بن عثمان الجيزاني، صـ 93، نشر: رينيه باسييه، تحقيق: فهيم محمد شلتوت، إعادة طباعة الكتاب: عبد ديق شري فارح، مطبعة عباد الرحمن، 2007، القاهرة
*- Waxaa la iswaydiin karaa: sidee ibnu Batuuta ku qiyaasay in dhulka soomaalidu dagto uu leeyahay baaxad loo kala socon karo 2 bilood? Jawaabtu waxay tahay: ibnu Batuuta wuxuu ahaa dhulmareen socod iyo safar ku jiray nus qarni wax ku dhow. Waxaana kahsab ah in mudada intaas ah qof socod iyo safar ku bixiyay uu noqdo qof aad ugu xeel dheer qiyaasida iyo fahanka masaafaadka. Maadama uu ciida soomaalida ka soo galay Saylac oo xeebta Soomaaliya uu wada maray, oo kadibna  uu Mombasa u gudbay; waxaa ku filan inuu dadka Mombasa degan waraysto oo uu wax ka waydiiyo dadyowga ayaga deegeenada u dhow dagan, sida dadka ayaga ka xiga dhanka galbeedka. Halkaas ayuuna ka qiyaasi karay inta uu fidsan yahay dhulka ay dagto soomaalidu.

No comments:

Post a Comment