Thursday, February 9, 2017

Rajo Wanaagsan: Maxaa Nala Gudboon Maanta?

Doorashadii taariikhiga ahayd ee (08/02/2017) waxay run ahaantiı cadaysay labo arrimood:

1- tan koowaad waa inay jirto himilo qarannimo oo soomaalida oo dhan ay ka midaysan tahay. Hilmiadaas oo ah in la helo hogaamiye soomaaliyeed oo umaddiisa u horseeda horumar iyo xasilooni. Hadalkii ahaa marka "soomaali waa kala tagtay" wuxuu noqday been iyo huuhaa aan wax macne ah ku fadhin.

2- tan labaadna waa in si fudud looga gudbi karo shakiga iyo kalsooni la'aanta
Gaalkacayo
Magaalada Gaalkacayo
dhex taalla qaybo ka mid ah beelaha soomaaliyeed; hadii la helo fikrad guud oo ay soomaalidu ku midaysan tahay. Midaas waxaa markhaati ka ah midnimada qurxoon oo ay xalay muujiyeen walaalaha soomaaliyeed ee wada daga magaalada Gaalkacayo. 
Bulshada reer Gaalkacayo si wada jira ah ayay ugu dabaaladageen xalay doorashadii Madaxwayne Muxammad Cabullaahi Farmaajo, ayagoo farxadooda qarannimo ka hormariyay kala qaybsanaantii. Arrinkaasna wuxuu cadayn u yahay in umadaan ay mar hore walaaloobi lahayd hadii uusan jirin cadow ku dhex jira oo isku diraya oo doonaya inuu awoodii ay wax ku wada qabsan lahaayeen beeldareeyo oo wiilashoodii uu qori isugu dhiibo.

Maxaa maanta nala gudboon ka bulsho ahaan?

Ugu horrayn waxaa nala gudboon inaan Ilaahay (SW) u mahad celinno.  Intaas
Calanka Soomaaliya
kadibna inaan baarlamaanka federaalka ku bogaadino tilaabada wanaagsan ee ay qaadeen. Sababtoo ah hogaamiye ay bulshada soomaaliyeed wanaag ku baratay oo ay in badanna ku taamaysay inuu hogaankeeda qabto ayaa xalay ku guulaystay madaxwaynenimadii dalka. Arrinkaas oo ah  fursad mudan in si wanaagsan looga faa'iidaysto oo aan aan marnaba la dayicin.
Sidoo kale, waa inaan maanta ixtiraam u muujino labadii madaxwayne ee hore oo kala ah Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Mudane Sh. Shariif Sh. Axmad oo labaduba uu mid walba dowr ka qaatay xasiloonida suurtagalka ka dhigtay in doorashadii xalay ay si wanaagsan u dhacdo. Wixii ay labadas hogaamiye wanaajiyeen marka ajar Allaha ka siiyo. Wixii ay xumeeyeenna Allaha ka cafiyo.

Taas waxaa xigta oo nala gudboon, inaan si wada jir ah ugu soo jeesanno dhismaha dalkeenna.
Mudane Farmaajo waa un hal shakhsi oo qura. Hadii marka aan la garab istaagin oo aan gacan lagu siin inuu saxo wixii dalkeenna ka khladan, waxba noo qabsoomi mayaan. Waa in qof walba oo naga mid ah uu kaalintiisa ka qaato dib u soo celinata qarannimada dalkeenna. Caalimka ama aqoonyahanka, xildhibaanka baarlamaanka fadhiya, oday dhaqameedka, wasiirka iyo maareeyaha, askariga tuutaha xiran, ardayga iskuulka fadhiya, rag iyo dumar dhamaan sidaan bulsho u nahay waajib baa naga saaran inaan ka qayb qaadanno soo celinta qarannimadeenii. Qof walba oo naga mid ah marka waa inuu kaalintiisa ka qaato dadaalkaas; oo xataa haduu dareemo inaysan jirin tabar ama talo uu soo kordhin karo, waa inuusan gacan siin ama qayb uusan ka noqon xumaan lagu hor istaagayo wanaaga socda maanta.

Sidoo kale, si ay miro-dhal u noqoto guushii xalay u soo hoyatay umada soomaaliyeed, waa in la saxo waxyaabaha ka khaldan maamul goboleedyada. Waa in laga shaqeeyo sidii ay isula jaanqaadi lahaayeen maamulka dhexe ee federaalka iyo maamul-goboleedyadu si dalku uu horay ugu tilaabsado. Tilaabo walba oo maamul-goboleedyadu ay qadayaan waa inay noqoto mid qarannimada guud ee dalka u adeegaysa. Waa in beel walba ay maamul goboleedkeeda ku toosiso tubta qarannimada iyo midnimada.

Isla markaas waa inaannaan ilaawin in isbadalka uu dalkeenna u baahan yahay uusan ahayn wax ilbiriqsi ku imaanaya, iyo in dhamaan mashaakilkeenna oo dhan aysan hal doorasho xallin karin. Doorashadii xalay waxay qayb muhiim ah ka tahay dadaalka aan umad ahaan ugu jirno inaan dalkeena dib u dhisno. Sabir iyo dulqaad ay shaqo iyo qosrhayn sax ah weheliyaan ayaa nalooga baahan yahay marka si dadaalkeena uu
miro dhal u noqdo.
Dalal cadow ah oo aad noo neceb, wax naxariis ahna aan noo hayn ayaa daris nala ah oo har iyo habeenba ka shaqaynaya sidii aan usii kala fogaan lahayn oo qarannimadeenana ay u lumi lahayd ilaa khariidada caalamka nalaka tiro. Guul iyo farxwad walba oo dalkeenna u soo hoyatana naxdin iyo murugo ayay cadowgaas u tahay. Sidaas darteed baan filan karnaa in doorashadaan cusub oo soomaalida ku abuurtay rajada wanaagsan iyo yididiilaha inuu cadowgaas ka shaqeeyo sidii uu uga dhigi lahaa mid aan qiimo ku fadhin oo aan natiijo wanaagsan lahayn. Waxaan cadowgaas ka filan karnaa inuu mashaakil hor leh ka bilaabo Soomaaliya. Mashaakilkaas oo taabanaya siyaasada, dhaqaalaha iyo amaankaba. Waxaa nala gudboon marka inaan taas xisaabta ku darsano oo aan digtoonaano. Wixii dhibaato iyo shirqool ah oo uu cadowgaas dariska ah soo maleegana inaysan quus iyo niyad jab nagu abuurin.
Cadowgaas waa inaan fashilino dadaalkiisa oo aan midnimada dalkeenna ku mintidno. Waxaannu nahay qowmiyad hal mid ah oo leh dhaqan, diin, luuqad iyo dhul mid ah. Intaas waxaa dheer oo aan umadaha kale uga duwannahay anagoo ah dad is dhalay oo rixim, xidid, iyo dhiig uu mideeyo. Waxaannu nahay wiil iyo abtigiis, iyo wiil iyo awowgiis. Umadaha kale ayagoo hal calan leh baysan intooda badan isku dad iyo isku dhiig midna ahayn.
Waxaannu nahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay oo ah dowlad madax banaan, xaqna u leh in la ixtiraamo. Cadowga nagu hareeraysan wuxuu doonayaa oo in badanna uu ka shaqaynayay inuu naga qaado madaxbanaanidaas oo cagtiisa hoosteeda uu na galiyo. Arrinkaasna marnaba ma ahan wax na qabta iyo waxaan aqbali karno midna. Waa inaan tusno cadowgaas marka inaanu nahay umad wali nool oo leh hammi iyo jiritaan ay ilaashanayso. Cadow aadan adigu isu dhiibinna waligiis kaama adkaan karo. Inta aad xaqaaga ku dhagan tahay, inta aad midnimadadaada aaminsan tahay, inta aad ku faanayso haybtaada qarannimo oo aad ficil ahaanna u adeegayso haybtaas, marnaba cadow kaa guulaysan kara ma jiro.
Xaqiiqada jirta oo dhabta ahna waxay tahay, in dowladahaas cadowga noo ah oo annaga burburkeenna ku mashquushan ay ayagu laftirkoodu burbur iyo kala tag qarka u saaran yihiin. Ayagaa dalalkoodu hayb gacan-ku-rimis ah oo been ah ku dhisan yihiin. Ayagaa ka koobaan qawmiyaad aan diin, dhaqan, iyo hayb midna wadaagin. Cadow asagiiba sidaas u liita,  inuu anaga jiritaankeenii ku cayaaro inaan aqbalno ma ahan. Istiraatiiji ahaanna, annaga ayay noo dhan yihiin sabibihii jiritaanka. Diin ahaan iyo caqli ahaanba marka nama qabato in anagoo noqon karna dadka gacanta sare leh, aan isu dhiibno cadow xorshosho ah oo is mooday wuxuusan ahayn.

Maxaa Madaxwayne Farmajo la gudboon?

Madaxwayne Farmaajo masuuliyad wayn ayuu qaaday. Shacab dhibaatooyin badan soo maray oo xaalad adag ku jira ayaa doortay oo maanta ku han wayn oo wax qabad badanna uga fadhiya. Waxaa madaxwaynaha la gudboon marka inuu guto waajibka ay umadiisu u dooratay. Waxaa madaxaynaha u yaalla oo sugaya howlo badan oo aan la soo koobi karin. Waxaase howlahaas oo dhan udub dhexaad u ah labo qodob oo hadii uu madaxwaynuhu ku guulaysto uu baal dahab ah ka gali doono taariikhda Soomaaliya:

Mudane Muxammad Cabdullaahi Farmaajo
Mudane Muxammad Cabdullaahi Farmaajo
1- qodobka koowaad waa inuu ugu horaynba u istaago sidii uu isugu soo dhowayn lahaa beelaha soomaaliyeed ee kala dudsan, oo shakiga uu dhex yaallo. Beelahaas soomaaliyeed awood iyo karti badan baa ku duugan oo ay leeyihiin, balse nasiib darro awoodaas iyo kartidaas waxaa maanta ka faa'iidaysanaya cadowgii Soomaaliya. Awooda iyo kartida qabaa'ilkaas waxaa in badan lagu khasaarinayay sidii soomaali kale loogu wax yeellayn lahaa ama laysaga dhicin lahaa. Sidaasna waxaa ku lumay oo in badan lagu waayay tabar uu dalkeenu ku dhismi lahaa. Maanta markii qabaa'ilkaas laysu soo dhoweeyo oo la si dhab ah loo heshiisiiyo; kartidii iyo awoodii la beerdarayn jiray ayaa islmarkiiba wado saxan qabsan doonta oo noqon doonta mid u heellan qaranka soomaaliyeed. Madaxwayne Farmaajo waa inuu marka dadaalkiisa koowaad galiyo sidii uu u shirin lahaa wax-garadka iyo same-ka-taliska qabaa'ilkaas oo uu isu hor fariisin lahaa ayagoo aan loo kala tarjumayn. Waa in qabaa'ilkaas laga dhahaadhicyo inuusan midkoodna cadow u ahayn midka kale, balse la isku diray oo ayaga la isku jibinayay in badan. Awalna soomaali isma nicine arrinta meesha taalla waxay ahayd in dhowr qabiil oo soomaaliyeed intay kala shakiyeen ay kadib kala qaybsadeen qabaa'ilkii kale oo dhowrkaas qabiil uu midba dhinac ula leexday qayb qabaa'ilkii kale ka mid ah. Taas marka wakhtigii laga gudbi lahaa ayaa la gaaray. Heshiiska qabaa'ilkaas la dhex dhigona waa in natiijadiisii laga arko xiriirka ka dhexeeya maamul-goboleedyada oo kala fogaanta hadeer dhex taalla ay isu badasho wada shaqayn iyo iskaashi loogu adeegayo qaranka.

2- qodobka labaad waa inuu madaxwaynuhu ka shaqeeyo sidii uu u soo celin lahaa kalsoonida uu shakhsiga soomaaliyeed naftiisa ku qabo. Burburkii waxyaabaha uu horseeday waxaa ka mid ah niyad jab iyo kalsooni la'aan shakhsi walba gooni u heleeshay. Waxaannu noqonay bulsho laga dhaadhiciyay inaysan noolaan karin hadii aan mucaawino la siin ama aan la dhoofin. Waa inuu madaxwaynuhu dadaal u galo sidii caqli-darrada noocaas ah  looga gudbi lahaa, oo shakhsiga soomaaliga ah looga dhaadhcin lahaa inuu wax qabsan karo asagoo aan beeesha calmaka wax la yiraahdo u yeeranin. Qofka soomaaliga ah waa in ciidiisa qiimaheeda la tuso iyo inuusan u baahnayn dibad wareeg iyo hadba in dal ajnabi ah lagu bahdilo. Dal walba oo ay soomaalidu maanta nolol u doonatay waa dal ay dadkiisii dhisteen. Soomaalida yaa dalkeedii u dhisaya hadii aysan ayadu raalli ku noqon inay dhisatao? Madaxwaynuhu marka waa inuu asagu tusaale wanaagsan u noqdo soomaalida inteeda kale oo uu tuso waxa uu qofka soomaaliga ah qaban karo markii uu dalkiisa daacad u noqdo. Inuu tusaale u noqdo hufnaan, maamul wanaag iyo inuu tabarta ku jirta soomaalida si saxan oo wanaagsan u shaqo galiyo. Ganacsatada soomaaliyeed oo dalalka dariska ah ku dhisaya lacagtooda ayagoo aan mahad looga haynna, waa in laga dhaadhiciyo inay dalkooda maal gashadaan, oo hantida ay Nairobi iyo meelo kale galinayaan ay u soo wareejiyaan Soomaaliya.

Ugu dambayntii, waaxaa madaxwanayha la gudboon inuu digtoonaado oo si taxadar iyo foojignaan leh ku fuliyo siyaasadihiisa; maadaama ay arrimihii gudaha ee Soomaaliya faraha kula jiraan ummado badan oo kala duwan oo mid walba ay dan gooni ah ka fushanayso Soomaaliya. Waa inuu madaxwaynuhu ka shaqeeyo sidii loo joojin lahaa faragalintaas xadgudubka ku ah madax-banaanida Soomaaliya. Gaar ahaanna inuu xooga saaro sidii ugu horaynba looga saari lahaa gudaha Soomaaliya ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya.

Tilaabooyinka anfici lahaa siyaasadaha madaxwaynaha waxaa ka mid ah, inuu dalka Turkiga ka dhigto saaxiib wanaagsan oo uu ka faa'iidaysto khibradaha horumarinta ee dalkaas maamulkiisu uu ku horumariyay Turkiga. Maadaama uu Turkigu yahay dowladda kaliya ee waxqabad la taaban karo oo muuqda ka fulisay Soomaliya, waa inuu madaxwaynuhu la galo xiriir istiraatiiji ah oo dhanka horumarita militariga, sirdoonka iyo tacliintaba ah.

No comments:

Post a Comment