Ayadoo waayahaan dambe ay sii badanayaan mashaakilka iyo tashwiishka ku furan dalalka muslimka ah, ayaa hadana midaas waxaa garab socda isku day looga dan leeyahay in looga faa'iidaysto xaalada kala daadsanaanta ah ee dalalkii muslimiinta ay ku sugan yihiin. Ka faa'iidaysigaasna mar wuxuu leeyahay waji dhaqaale oo ah in si xaqdarro ah loo boobo khayraadkii ku jiray dhulka muslimiinta. Waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa midaas boobka loo gaystay walina lagu hayo khayraadkii ku jiray bada Soomaaliya, ama boobitaanka ku socda batroolkii ku jiray dhulka Ciraaq.
Sidoo kale ka faa'iidaysigaas wuxuu leeyahay waji diimeed oo ah in diin ahaan iyo dhaqan ahaanba la sii burburiyo dalalka muslimka ah maadaama ay maanta arrintaas u nugul yihiin oo xaalad isku-dhex-yaac ah ay ku sugan yihiin. Sidaas daraadeed baa waxaad arkaysaa inuu bilowday nooc cusub oo Orientalism ah, kaasoo hadafkiisu uu yahay inuu khalkhal galiyo caqiidada muslimiint oo uu shaki ka galiyo diintooda si ay u fududaato in qaar badan oo ayaga ka mid ah ay ka baxaan diinta.
Orientalism-ka hada socda wuxuu uga duwan yahay kii hore hal qodob oo
muhiim ah; qodobkaas oo ah in Orientalismkaan cusub dadka wada ay sheeganayaan inay muslmiin yihiin ... oo hadana islamarkaasna ay aaminsan yihiin in Baybalka uu yahay kitaab xaq ah oo innaba aan wax taxriif ah lagu samayn. Wuxuu ku leeyahay muslim baan ahay, waanan rumaysanahay inuu nabi Muxammad (SCW) yahay rasuul uu Ilaahay soo diray. Balse sidoo kale waxaan aaminsanahay inuu Ciise masiix yahay wiilkii Ilaahay, sidoo kale in la daldalay oo uu ku dul dhintay mucatabka. Iyo sidoo kale in qofku uu muslim ahaan karo asagoo islamrkaasna kiristaan ama yahuudi ah. Yaabka intaas sii dheer wuxuu yahay, inuu qofka sidaan u hadlaya soo daliishanayo aayado Quraanka ka mid ah. Aayadaha ay soo daliishanayaan waxaa ka mid ah:إن الذين آمنوا والذين هادوا والنصارى والصابئين من آمن بالله واليوم الآخر وعمل صالحا فلهم أجرهم عند ربهم ولا خوف عليهم ولا هم يحزنون. البقرة:62
Wuxuu ku leeyahay marka: soo ma aragtid in dhamaan dadka ay aayadaas sheegtay oo kala ah kuwa rumeeyay Ilaahay (SW) iyo nabi Muxammad (SCW) iyo yuhuudda iyo kiristaanka iyo saabi'ada¹, in dhamaantood uu Ilaahay wanaag u ballan qaaday?
Qofka sidaan u hadlaya arrinta uu iska indhatirayo waxay tahay in dadka ay aayadadaas iyo aayadaha la macnaha ah ka ka hadlayaan ay yihiin dadkii dhab ahaan u aaminay nabi Muuse (CS) ama nabi Ciise (Cs) oo aan kutubtii nabiyadoodana waxba ka badalin. Dadkaas oo noolaa intaan la soo dirin nabi Muxammad (SCW). Sidaasoo ay tahay dadkaas wuxuu Ilaahay amray in hadii ay haleelaan wakhtiga nabi Muxammad (SCW) la soo dirayo inay rumeeyaan oo ay asaga raacaan, maadmaa shariicadiisu ay dhamaystir u tahay dhamaan shariicooyinkii asaga tiisa ka horeeyay. Amarkaasna way qaateen dadkaas ay aayadu ka hadlayso, waana midaas sababta uu Ilaahay u amaanay maadaama ay si wanaagsan amarkii Ilaahay ugu hogaansameen. Dadkii noocaas ahaa iyo kuwa hada nool uu Orientalismka cusub doonayo inuu isku khaldo isku dad ma ahan. Yuhuuda iyo kiristaanka hadeer jira midkoodna ma aaminsana nabinimada nabi Muxammad (SCW) oo ah wixii lagula dardaarmay umadihii hore oo ay aqbaleen.
الذين يتبعون الرسول النبي الأمي الذي يجدونه مكتوبا عندهم في التوراة والإنجيل يأمرهم بالمعروف وينهاهم عن المنكر ويحل لهم الطيبات ويحرم عليهم الخبائث... الأعراف:157
Ilaahay (SW) wuxuu yiri asagoo dadkaas sifaynaya: "waa kuwa raacaya rasuulka nabiga ah ee Ummiga ah (aan wax qorin, wax qoranna aan akhrin). Rasuulkaas oo tilmaantiisa ay ka dhex helayaan Towraadda (kitaabkii nabi Muuse) iyo Injiilka (kitaabkii nabi Ciise). Rasuulkaas oo ayaga faraya wanaagga, kana reebaya xumaanta. Oo wixii wanaagsanna u xalaalaynaya wixii xunna ka xarrimaaya ..." Al-acraaf:157
Ma yihiin marka yuhuudda iyo kiristaanka maanta kuwo tilmaantaas leh? Jawaabtu waa maya. Kutubta ay maanta haystaan ma yihiin kuwa si cad oo muuqata u sheegaya tilmaamihii nabi Muxamad (SCW)? Jawaabtu waa maya. Sidaas daraadeed baysan dadkaani ahayn marka dadka ay aayadii hore ka hadlaysay. Sidoo kale baysan kutabta ay haystaanna ahayn kutub waafqasan Quraanka kariimka ah.
Laakiin Orientalismka cusub wuxuu ku xisaabtamayaa inaysan in badan oo muslimiinta ka mid ah aysan maanta diintoodii aqoon, oo sidaas darteed loo sheegi karo wixii la doono, ayadoo loo dan leeyahay in diintooda laga saaro.
Manhajka uu qofka Orientalismka cusub u adeegaya ku shaqeeyana waxaa lagu soo koobi karaa:
- Inuu magaca Islaamka ku soo gabado oo asagoo sheeganaya inuu muslim yahay hadana faafiyo afkaar gabi ahaanba aan meelna xiriir kala lahayn diinta Islaamka.
- In markii lagala doodo fikradahaan uu isku dayo inuu muuqaal Islaami ah u yeelo. Matalan hadaad waydiiso: Sidee ku dhacday inaad tiraaho Baybalka waa kitaab towxiid ugu yeeraya dadka, ayadoo xaqiiqo ahaan kitaabkaas uu nabi Ciise gaarsiinayo darajada Ilaahnimada, oo waliba uu leeyahay qofkii aan ilaahnimada Ciise aaminin cadaab kama badbaadayo? Wuxuu kuugu jawaabayaa: Taas dhib ma leh! Muslimiintaba soo maalin walba adinkooda iyo salaadooda kuma dhex jiro magaca nabi Muxammad? Su'aasha noocaan ah markuu ku waydiinayo waxaa ka maqan in nabi Muxammad marka la sheegayo magaciisa ay tahay mar asaga wanaag loogu ducaynayo ama la qirayo inuu ahaa rasuulkii Ilaahay. Balse aan marnaba lagu sheegayn inuu yahay wiilkii Ilaahay, ama Ilaahay oo dhulka noogu yimid si uu daraadeen ugu dhinto oo dhiigiisa u daadiyo asagoo annaga na badbaadinaya!
- In mar walba laga sharqamiyo isla qadiyadihii ay diinta Islaamka ku duri jireen Orientalistyaashii hore oo qodobadaas lagu celceliyo si loo dhamaystiro wixii qabyo ka ah shaqadii ay Orientalist-yaashii hore ka tageen. Waxaa qadiyadahaas ugu caansan: diinta uu nabi Muxamad la yimid waa diin carabta gooni ku ah oo dhaqanka carabta kaliya ku salaysan. Nabi Muxamad waxbuu qori jiray waana akhrin jiray oo kutubtii hore ayuu daalacan jiray oo kitaabkiisana uu ka soo guuriyay. Diinta Islaamka lama socon karto casrigaan aan joogno oo waa diin horumarka cadow u ah. Axkaamta shariicada waxaa laga qaatay diinta yuuhdda oo Islaanimadaba ka mid ma ahan. Axaadiista waxaa la allifay geeridii nabiga ka dib iwm.
Masuuliyada qofka muslimka ah saaran marka waa inuu si wanaagsan uga digtoonaado dadka magaca Islaamka ku qoraya waxaan Islaannimada ka mid ahayn. Sidoo kale inuusan sabab u noqon faafitaanka fikradahaan aan diinta wafaqasanayn, oo matalan haduu arko websiteyo
ama pages facebooga ah oo waxyaabahaan faafinaya, inuusan sii gudbin ama Share-garayn adreesyada barahaas internetka iyo magacyada dadka iska lehba. Kaliya waxaa ku filan inuu ku gaabsado niqaashida iyo cadaynta khaladadaadka ay faafinayaan, asagoo aan ayaga siinin fursad ay ku helaan dad badan oo gala mareegyada iyo adreesyada ay internetka ama baraha bulshada ku leeyihiin.
_____________________________
1- Saabi'ada waa dad taariikh ahaan da' wayn oo culimada Islaamku ay isku khilaafeen xaalkooda. Qaar waxay yiraahdeen waxay dadkaan la siman yihiin yuhuuda iyo nasaarada. Qaarna waxay yiraahdeen waa dad labadaba ka madax banaan. Caqiido ahaan waxaa lagu tilmaamaa in qaarkood ay aaminsan yihiin kalinimada Ilaahay iyo inuu asagu abuuray caalamka. Balse waxay rumaysan yihiin inaysan waajib ahayn in nabiyada la raaco. Qaarkoodna waxay haystaan caqiido ku dhisan xidigaha oo la caabudo.
2- Halkaan ka akhriso waxa uu yahay Orientalism.
No comments:
Post a Comment