Monday, August 15, 2016

KALA-DAMBAYNI WAA HORUMAR

Marka hanaanka dal burburo oo xumaantu har yeelato, marka de,yartu aragto hebel oo hal libaax  huu haa ku helay, marka ay arkaan nin bii hej dhii haysta oo habaaska la cunsiiyey oo laga tegey, waxan shaki ku jirin in ay saamayn xun ku yeelanayso habka ay wax u miisaamaan.
Isbarbaryaaca waxa ku cobca kuna gacan sarreeya keliya kuwa aan u soo joogsan nidaamka, soohdin dhaqanna lahayn, halka Kala dambaynta iyo is xushmaynta ay ku hormaraan kuwa ilaaliya sharciga iyo bulshadooda oo idil.
Hadii qofka aqoonta iyo waayo aragnimada leh la hormariyo, kuwa laga aqoon roontahayna ay is dib dhigaan iyagoo u danaynaya danaha guud iyo in wax saxmaan waxa hubaal ah in horumar iyo baraare la gaarayo.
Marka cid aan ehel u ahayn bulshada hor booddo oo talada meel aanay jirin ka doonto oo iyaga oo xal doon ah bulshada xuquuqdooda ku tumato waxa adag in horumar muuqdo, jiritaan bulshona sii socdo, waxa keliya dheef ku sheeg hela kuwa  horbooda fowdada, mexeyse kuugu taal  waatan xataa qoysaskooda laga ilaaliyoe.
KALA DAMBAYN AYAA INNA DEEQDA!

No comments:

Post a Comment