Wednesday, July 20, 2016

WAKHTIGA IYO WACDARIHIISA !

https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/0/0f/Wakhti (goor) waa  waa cabirka iyo xisaabinta mudada u dhaxeysa laba goor kala duwan midaasi oo ka soo bilaabanta wax la soo dhaafay(hadaaye), imika (hadda), iyo hadhow (goor soo socota oon weli la gaadhin). Sidoo kale wakhtigu waa tirinta isbedelka ilbiriqsiyada, daqiiqdaha, saacadda, habeenka iyo maalinta; maalmaha todobaadka, bilaha, afarta  wakhti(gu, dayr, jiilaal(diraac), & xagaa) sanaddaha(kalal), qarniyada, iyo wixii ka badan intaas.

Wakhtiga waxa ina tusa qoraxda, harka (hoosiiska), xidgaha, dayaxa.


Markaad eegto qeexitaanka hore waa la fahmi karaa, hashe yeeshee ma qeexayo waxa loo tirinayo habeenka iyo maalinta, mana tilmaamayo gooraha ka mudan goora kale, hadaba taas loolama jeedo in la iska tiriyo saacadaha.


Wakhtigu wuxu qayb weyn ka yahay nolosha qofka, dhacdooyinka, waana qodob ka mid ah diimaha, cilmi sayniska, falsafadda, iyo sooyaalkaba.

Wakhtigu wuxu kamid yahay todobada walxe oo wax lagu cabiro ama tiriyo.

Dood soo jireen ah ayaa jirta oo leh wakhtigu ma wax la dareemi karaa mase waa wax la sheego(xukumo).

Wakhtiga waxa xoog ku qabsaday cilmiga ama farsamada casriga ah(technology) oo saameeye aragtida aadanuhu ka haystey, iyo qaabkii ama habkii uu ahaa oo loo tirin jirey, oo la yimid shax gooreed(calendar) iyo goor sheeg(saacad aan aragno)


 wakhtiga & dareenka

waqtigu waa mid:
gaabiya marka wax la sugayo
degdega(dheerayya) markaad raagto(daahdo)
culus markaad murugooto
gaaban markaad faraxdo
aan dhammaan markaad bugto
dheer markaad wahsato(caajisto)
Hadaba walaal wakhtiga waxa go,aamiya dareenkaaga & xaaladahaaga nafsiga ah e ma go,aamiso saacaddu!
"waa goor dambe(1:00pm) iyo waa goor hore(4:00pm)!" maxaa..?

wacdaraha wakhtiga

wakhtigu waa:
wax aad raaci karto mase joojin kartid
wax aad haysato, mase iibsan kartid
wax aadan  lahaan karin , waad se adeegsan kartaa
ma hayn kartid waadse bixin kartaa
waad waayi kartaa masoo ceshan kartid.


Gabagabo: wakhtigu qofba si buu ku dhaafaa, ka faaiidayseyaa, & kedis xun ku dhaafyaaba, ku faraxsanaayaa & ka xumaayaaba. hadaba waxa laysku raacsan yahay inay jireen dad wajhtiga ka faaiidaytey ay muhim tahay in laga faaiidaysto.



No comments:

Post a Comment