Soomaalidu markey tageen dalal shisheeye oo ku caruur
dhaleen, dhibaatadii ugu weyneyd oo soo wajahda waxa ay ahayd ismaan-dhaaf
ama is fahan-la,aanta waalidka iyo caruurta, sababta ugu weyni wexey
ahayd waalidka oo aragti iyo aqoon kooban ka haysta hab-dhaqanka dunida
maanta iyo ilmaha oo aragti duwan oo kore leh, waayo inta badan waalid
soomaali ah waad garanaysaan markuu qurbaha joogo waa sida isagoo dalka jooga,
meerta nololeedkiisu waa uun tii hore, afafka dalalkaa wuu yareeyaa ama ma
barto, mana daneeyo arimaha ka socda dalka uu joogo, meesha ilmuhu dugsi
aadayo, oo maalin walba wax cusub soo kororsado, waalidku waa halkiisii, sow
markaa ma kala tegin labadoodu?!
Sidaas caruurta qurbaha & waalidkood kala yahay ayaa
masuuliyiinta soomaalida maanta iyo bulshadoodu kala yihiin, meesha
caruurtu wax barashado dugsi iyo mid bog intarnayd ama baraha bulshoba ku
hawllanyihiin, guri walbana idaacadaha iyo Tv-yada dunida lagala socdo,
masuuliyiinteenna(siyaasiga & oday dhaqameedka) badankood wexey ku
hawllan yihiin madadaalada nafta sida shax ciyaareed, & fadhdhi
makhaayadeed(fadhi- ku dirir), ama maan-dooriye sida qaad,qabyaalad & kuwo
kale-qabyaaladu waa maan-dooriye waayo wexey koobeysaa qiimaynta qofka iyo
xaaladda.
Marka sidee hogaamiyuhu aqoon la,aan u ogaan isbedellada,
horumarka bulsho?
sidee u ogaanayaan rabitaanka bulsho?
sidee u ilaalinayaan xuquuq bulsho?
TARAGTIYO HOGAAMINEED
1- nafta maamul intaadan dadka maamulin.
2-marwalba waa laga tegi xilka."hadii cidi xil weligeed
haynayso kuma soo gaareen adiga"
waxa la doonayaa bulsho baraarujisa hogaankeeda iyo
hogaamiye bila bulshadiisa!
Waxan arkayaa dedaallo goor hore fashilmay oo weli dhaqan
gala, iyo hilinkii khaldanaa ee lagu tabar iyo tacabkabba beelay,
maamullada soomaalida qaar baa tan iyo asaaskoodii dhibaatooyin bulsho ama
siyaasadeed haystaan, dhabbihii odaygii hore ayey weli hayaan, ku fashilanyaa
ama ku guulayseyyaaba.
Meeday qiimayntii isbeddellada, iyo horumarrada bulshada
illeen waatan aqoon la yeeshay oo bulshadu xuquuqdeeda baratay, wexey
tahay in hadii arin lagu dhaqaaqayo dhinacyo badan laga eego, oo sidey
ukala mudanyihiin loo qaato, sida haddii qorshe B iyo T la sameeyo,
oo haddii isku day ama qorshe B socon waayo ama wax kharribo dib loo
eego qorshahaas, ama qorshe T la qaato. Tusaale ahaan sidee u maaraynaa
xasillooni darada bulshada iyo isku dhaca bulsho, waa la ogyahay dagaal
dagaal ku xalli ayaa qorshaha keliya oo weligii ah, lagumana
baraarugo!.
Mudane la qabso waayaha cusub, la soco horu socodka
bulshadaada, yaan lagaa tegin, baraarug goor hore inta aan daad kuu
soo gelin, bal aan dhawrno maalmaha iyo wexey na dhahayaan!
No comments:
Post a Comment