Thursday, June 16, 2016

SOOMAALIYA IYO MASUULIYADAHA DAYACAN

Dalka dunidu u taqaan qarankii dhacay ama fashilmay waa soomaaliya, ka sokow kartida iyo halganka qofka soomaaliyeed ugu jiro badbaadada naftiisa iyo guuleheeda, misna waxan labo isaga iman, kooxi ka fariisan, beelina ka arinsan masuuliyado badan oo la rabey in qaran walbi uu helo cid u istaagta. Qaar kamida masuuliyadahaas waa laga hadlaa, ama cid baa sheegata iney u heellantahay guul iyo gaabinba.

Hadaba anigoo ku salaynaya baahiyaha maamul iyo dayaca dalkan ka muuqda waxan wax ka sheeegayaa masuuliyada dayacan oo aan inta badan cidi sheegan iney u taagantahay, waxana ka mida:

1) Hay,ad faafreeb

2) Hay,ad faya dhowr ama taya dhowr(quality control)

3)Hay,ad awqaaf: daryeelka masajidda, iyo dadka ka shaqeeya

4) kayd qoraal (archeves)

5) Hay,ad cilmi baariseed

6) maktabad dadweyne (public library)

7) xeer ilaalin & xaq ilaalin

8) kuwa kale

Baahida loo qabo masuuliyadahaa loo istaago waa mid lala ilmayyo.



No comments:

Post a Comment