Waxyaabaha ay ku dadaalaan website-yada faafiya diinta kiristaanka, gaar ahaanna kuwooda ku qoran af-soomaaliga ee ku wajahan soomaalida, waxaa ka mid ah inay soo bandhigaan qisooyinka dad ay leeyihiin waa kirstaameen. Qisooyinkaas waxay ku saabsan yihiin taariikh nololeedka dadkaas la leeyahay waa kiristaameen. Magaca loo yaqaan qisooyinkaasna waa markhaati-fur ama (Testimony), waxaana looga dan leeyahay in dad cusub lagu soo galiyo caqiidada kiristaanka.
Waxaa jira dhowr arrimood oo inta badan aan laga waayin hadaladda ay soo qoraan dadkaas sheeganaya inay diinta Islaamka ka baxeen oo kiristaamoobeen. Hadalkoodana waxaad moodaa inuu inta badan yahay mid lasoo dhisay oo si taxadar leh loo soo bandhigayo, si loogu soo dabo dadka dan yarta ah oo baahan, iyo kuwa ay aqoontoodu yar tahay.
Arrimaha soo noqnoqda oo qofka markhaatifurka samaynaya uusan hadalkiisa inta badan ka marnayn waxaa ka mid ah:
- In qofka markhaatifurka samaynaya uu ahaan jiray yaraantiisii qof is waydiiya su'aalo badan oo nolosha iyo caqiidada ku saabsan. Sidoo kale inuu qofkaan ahaan jiray qof aad wax u akhriya oo jecel inuu xaqiiqada raadiyo. Hordhaca noocaan ah waxaa looga dan leeyahay in qofka soomaaliga ah lagu yiraahdo "inaad diintaada ka shakido oo aad su'aalo iska waydiiso waxay calaamad u tahay inaad qof mufakir ah oo maskax ahaan caqli badan tahay"
- In qofka markhaatifurka samaynaya uu marxalad noloshiisa ka mid ah lasoo kulmay dad kiristaan ah oo samafalayaal ah. Dadkaas oo aad u caawiyay asagoo xanuunsan, ama sidoo kale gacan ka siiyay dhanka waxbarashada iyo tababaridda. Aad bay usoo noqnoqotaa arrintaan la xiriirta naxariista iyo samafiladda hay'adaha kiristaanka ah. Waana arrin looga dan leeyahay in qofka soomaaliga ah looga dhaadhaciyo inay diinta kiristaanka kaligeed tahay midda ay dadkeedu samefalayaasha yihiin oo naxariistaan. Sidoo kale qofka markhaatifurkaan samaynaya wuxuu si dadban u sheegayaa in diinta kiristaanku ay asaga siisay daryeel uu ka waayay diinta Islaamka.
- In qofka samaynaya markhaafurka uu dul maro nolosha qoyskiisa iyo tan guud ee mujtamaca muslimka ahba, asagoo si gaar ah u bidhaaminaya inay jiraan xadgudubyo lagula kaco haweenka muslimiinta ah. Waxaa dhacda inuu qofkaas yiraahdo aabbahay baa hooyaday si xun ula dhaqmi jiray ama qayrumasuul ahaa. Ama nin dariskayga ah oo wadaad ah ayaa xaaskiisa iyo caruurtiisa si xun ula dhaqmi jiray. Arrintaanna waxaa looga dan leeyahay in lagu sii xoojiyo dacaayadda joogtada ah ee warbaahinta reer galbeedku ay ka faafiso diinta Islaamka ayadoo sheegaysa inuusan Islaamku xaq-dhowrin haweenka.
- In qofka markhaatifurka samaynaya uu sheegto inuu waagiisii hore aad uga didsanaan jiray diinta kiristaanka, laakiin markii uu furay baybalka oo uu akhriyay inuu halkaas ku arkay hadallo aad u qiimo badan oo sabab u ahaa inuu nolosha si wanaagsan u fahmo. Ayadoo midaas looga dan leeyahay in qofka soomaaliga ah laga dhaadhiciyo inuu bal akhiryo baybalka oo uu sameeyo baaritaan cusub oo dhanka caqiidada ah. Midaas oo la doonayo inay walaac iyo shaki ku abuurto qofka muslimka ah.
Inkasta oo qisooyinka markhaatifurka ah loo soo bandhigo qaabab kala duwan, isla markaasna loo yeelo midbabbo kala gadisan, hadana guud ahaan waxaa muuqata in dhowrkaas qodob oo kore aysan intooda badan ka marnayn. Soo noqnoqodka dhowrkaas arrimoodna wuxuu cadaynayaa in qisooyinka markhaatifurka ay yihiin nooc sheeko-baraley ah.
No comments:
Post a Comment