Vitamin ku waa nafaqo lagama maarmaan u ah qofkasta lagana helo cunnooyin kala duwan . waxaa loo qeybshaa labo qeybood : qeyb ku qasma dufanka (Fat-soluble) oo kala ah Vitamin A , D , E , K . iyo qeyb ku qasma biyaha (Water-soluble ) oo kala ah Vitamin B , C IWM .
Marka koowaad waxaan ka hadlaynaa Vitamin D .
Vitamin D waxaa loo yaqaanaa Fitamiinka cadceeda (Sunshine Vitamin) , waxaa saas laagu magacaaabay ayadoo isha ugu hodan san ee laga helo VitD ga ay tahay fallaaraha cad-ceeda , waxaana usoo hormarinay ahmiyadda uu leeyahay iyo la'aantiis oo ilmaha da'da yari uusan kori karin .
Fitamiinkan wuxuu u jiraa qaabab kala duwan waxaana ugu muhiimsan fitamiin D2 (Ergocalciferol ) iyo D3 ( Cholecalciferol 1,25-(OH2)D3.)
ILAHA LAGA HELO :
90% qorraxda , 10% cunnooyinka sida : kalluunka , beerka , haruurka , ukunta jaallaha ah IWM .
Haddaba si qofku u helo fitamiin D ku filan waa inuu qorrax helaa .
Cilmi baaris lasameeyey baa waxaa lagu ogaaday in dadka cad-cad ku filantahay 30 daqiiqo labo ilaa saddex jeer asbuucii,
laakiin dadka mad-madow ay u baahan yihiin muddo intaa ka badan shanlaab, maadaama maadada jirkooda ku jirta ee loo yaqaan Melanin ay shucaaca qorraxda celiso .
laakiin dadka mad-madow ay u baahan yihiin muddo intaa ka badan shanlaab, maadaama maadada jirkooda ku jirta ee loo yaqaan Melanin ay shucaaca qorraxda celiso .
Marka VitD waxa uu yahay garanaye tolow muxuu qabtaa oo uu faa'ido leeyahay ? .
1. wuxuu dar dar galiyaa korniinka lafaha iyo carjowda , la'aantiis ilmaha yari inuu korniinkiisu gaabis ba'an galaa laga yaabaa .
2. wax uu kaqeybqaataa nidaaminta iyo maamulidda Calcium ka iyo phosphate ka , sidaas daraadeed wuxuu lug fiican ku leeyahay korniinka lafaha .
3. wax uu muhiim u yahay difaaca jirka sida infections ka oo jirku awood u leeyahay inuu iska caabiyo .
CUDURRADA DHASHA VITAMIN D YARI MARKAY DHACDO :
1. Lafa-qalqalooc (Rickets ) oo badanaa ku dhaca carruurta .
2. Lafa-xombobosho (osteoporosis ) oo ku dhaca dadka waawayn .
3. Murqo xanuun .
4. Daal .
5. Timo-daadasho .
Maadaama korniinka Ilmuhu uu maro heerar kala duwan ilaa uu kaqaan-gaarayo ( 15 -18 jir ) , waxaa ahmiyad dheeraad ah leh in ilmuhu muddada uu saddex sano kayaryahay ee laga yaabo inuusan socon karin ama bannaanka kusoo ciyaari karin in lakulaal siiyo qorraxda ama lasiiyo cunnooyin kaabaya Vitamin D ga .
F.G : Qorraxda marka Vitamin D ga laga helayo waa marka aysan waxba kaa xigin oo fallaaruhu toos kuu soo gaarayaan , haddii qorraxda kulaylkeedu ku soo gaarayo laakiin dhalo ama wax kale kaa xigaan ogoow faa'idadii laga lahaa kama helaysid ee waad ku diirsanaysaa oo kaliya .
No comments:
Post a Comment