Sunday, December 2, 2012

Hardanka Cilmaaniyiinta Iyo Shacabka Dalka Masar

Muxamad Mursi
Dr. Muxamad Mursi
Waxaa maalmahaan wararka canaawiintooda hore qabasaday hardanka iyo khilaafka siyaasiga ah ee ka dhex taagan maamulka sida sharciga ah ay shacabka Masar usoo doorteen, iyo shakhsiyaad matalaya axsaab iyo ururro cilmaani ah oo dalkaas ka jira. Dhanka maamulka, waxaa hogaaminaya madaxwayne Muxamad Mursi oo ah siyaasi ku yimid xukunka tigitka xisbiga (Xorriyadda Iyo Cadaaladda) oo ah garabka siyaasiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka dalka Masar. Waxaa Dr. Mursi loo doortay madaxwaynenimada dalkaas bishii June ee sannadkaan 2012.
Doorasahada xorta ah ee madaxwaynahaan uu xukunka ku yimid waxay timid kadib markii shacabka dalkaas ay xukunka ka rideen madaxwaynihii hore ee dalkaas Muxamad Xusni Mubaarak oo ahaa hogaamiye kasoo jeeda milatariga, xukunkana si kadis ah ku qabtay sanadkii 1981kii markii la dilay madaxwaynihii asaga ka horeeyay Muxamad Anwar Assaadaat

Waxyaabaha ay maanta warbaahinta reer galbeedka jeceshay inay ku tilmaanto qulqulatooyinka ee ka socda dalka Masarna, waxaa sababay isku-dayga ay wadaan shakhsiyaad cilmaani ah oo looga adkaaday doorashooyinkii
madaxwayneninamada ee Masar ka dhacay bishii June ee sannadkaan. Waxaa shakhsiyaadkaas ugu caansan Muxamad Al-baraadici, Xamdeen Sabaaxi, Camar Muusaa iyo Axmad Shafiiq oo ah nin hada dalka Imaaraatka baxdsad ku jooga; dacwado musuqmaasuq oo loo haysto owgood. Shakhsiyaadkaas waxaa ka mid ah qaar lasoo shaqeeyay  maamulmulkii kaligi-taliyihii la riday Xusni Mubaarak, sida Camar Muusaa iyo Axmad Shafiiq oo labduba xilal kasoo qabtay taliskii Mubaarak.
Xusni Mubaarak
Xusni Mubaarak asagoo xabsi-daa'im ku
xukuman ayuu ku jira xabsi la yiraahdo (Turra)

Raggaan hardanka siyaasadeed kula jira madaxwaynaha dalka Masar Dr. Muxamad Mursi, waxay ka siman yihiin labo arrimood oo kala ah: ayagoo dhamaantood kasoo hor jeeda in dalkaas loo maamulo qaab waafaqsan shareecada Islaamka. Iyo ayagoo dhamaantood u oomman inay qabtaan xukunka dalkaas, isla markaasna diyaar u ah inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii ay ku gaari lahaayeen aqalka dalkaas looga taliyo ee Qasrul Itixaadiya (قصر الاتحادية).
Arrinta hore ee ah diiditaanka shareecada Islaamka ayaa ah arrin ay ragaas taageero uga haystaan dhinacyo ay kow ka yihiin dowladda Maraykanka, Midowga Yurub iyo Israa'iil oo intaba cabsi ka qaba in dalkaas ay ka dhalato dowlad islaami ah oo awood leh. Waxaa intaas dheer ayagoo taageero ka helaya cilmaaniyiinta iyo kiristaanka laga tiro badan yahay ee dalkaas Masar. Taariikh ahaanna, waxaa cilmaaniyadda ku abuuray Masar gumaysigii Ingiriiska oo ku dadaalayay inuu abuuro dad siyaasad iyi fikir ahaanba u hogaasan gumaysigiisa oo diyaar u ah inay u dhaqaaqaan hadba dhankii uu u jeediyo.

Arrimaha ay wakhtiga xaadirka ah ka gubanayaan shakhsiyaadkaas mucaaradka ku ah Dr. Mursi waxaa ugu wayn digreeto leh awood qaanuun oo aan la hor istaagi karin oo Dr.Mursi uu soo saaray 22kii bishii November ee aan soo dhaafnay. Waxaa Mursi u ogaalanaya inuu soo saaro digreetada noocaan ah ayadoo wakhtiga xaadirka ah uusan dalkaas lahayn baarlamaan shuruucda u dajiya sidaasna ay madaxwaynaha gacantiisa ku jirto awoodda fulinta iyo tan sharci-dajinta, inta lasoo dhisayo barlamaan cusub. Dikreetadaas uu Mursi soo saaray qodobada ay xambarsanayd waxaa ka mid ah:

  • In dib loo maxkamadeeyo dhamaan shakhsiyaadkii loo hasytay inay dilka u gaystaan shacabkii waday kacaankii xukunka ka riday Xusni Mubaarak.
  • Inaan la kala diri karin guddiga u xil saaran dajinta dastuurka cusub ee dalka Masar. Guddigaas oo ay damacsanayd maxkamadda sare ee cilmaaniga ah ee Masar inay kala dirto, ayadoo ka cabsi qabta inuu dajiyo dastuur waafaqsan shareecada Islaamka. Madaxwane Mursi midaas wuu ka difaacay guddiga dajinaya dastuurka, lamana kala diri karo.
  • In go'aannada sifada dastuurka ee madaxwaynuhu uu soo saaro ay yihiin kuwo aan la is hor taagi karin qaanuun ahaa, inta lasoo dhisayo baarlamaan la wareega sharci dajinta.
Labadaas qodob ee dambe waxaa daruuri ka dhigaya ayadoo xubnaha maxkamadda sare ee dalkaas ay ka kooban yihiin shakhsiyaad cilmaani ah oo xilalka ay hayaan uu u magacaabay taliskii hore ee Islaam-diidka ahaa ee Xusni Mubaarak. Xubanaha maxkamadaas marka waxay howshoodii oo dhan kusoo uruurtay inay ugaarsadaan go'aammada kasoo baxa madaxaynaha cusub, oo go'aankii uu qaataba ay la hor istaagaan eedayn ah inuusan waafqasanayn dastuurka. Ayagoo midaas uga dan leh inay carqaladeeyaan marxaladda kala guurka ah oo dalkaas uu kaga gudbiyo dikteytarnimadii xukunkii Mubaarak. Maxkamadda sare waxay kala dirtay baarlamaankii uu shacabka Masar soo doortay ayadoo marmarsiiyo ka dhiganaysa inay cillad ku jirtay qaabka loo soo doortay saddex meelood meel ka mid ah xubnihii baarlamaankaas sida xorta ah loo soo doortay. Ayadoo la og yahay in maxakamdaas aysan ka hadli jirin doorashooyinkii baarlamaanka ee xisbigii Mubaarak uu ku shuban jiray. Xaqiiqo ahaanna sababta baarlamaanka cusub loo kala diray waxay ahayd ayadoo xubnihiisu ay u badnaayeen dad doonaya in wadankaas lagu dhaqo shareecada Islaamka.
Sidoo kale maxkamadda sare ee dalkaas waxay is hor taagatay go'aan uu Dr. Mursi kusoo celin lahaa baarlamaankaas sida xaq darrada ah loo kala diray. Waxaa kale oo ay is hor taagtay go'aankii uu Mursi jagada uga qaaday xeer-ilaalliyihii guud ee hore ee dalkaas oo ahaa shakhsi markii horeba uu xilka u dhiibay madaxwaynihii hore ee xilka laga qaaday. Xeer-ilaaliyahaas oo ka gaabiyay inuu soo gudbiyo cadaymo dhamays tiran oo lagu maxkamadeeyo dambiilayaasha maamulkii Xusni Mubaarak, oo kow uu ka yahay Mubaarak laftirkiisa. Intaas waxaa dheer ayadoo maxkamadda sare ee dalkaas ay damacsanayd inay madaxwaynaha laftirkiisa casisho ayadoo midaas usoo maraysa eedaymo gacan-ku-bacrimis ah oo ay uga dan leedahay inay uga tilaabsatao go'aankii shacabka Masar ay ku doorteen Madaxwane Mursi.

Asagoo arrimahaas qiimaynaya ayuu marka soo saaray go'aannadaan dastuuriga ah ee qaanuun ahaanna aysan hor istaagi karin maxakamadaas sare ee cilmaaniyiinta gabaadka ah. Go'aannadaas markuu qaatayna isla markiiba waxaa midaas fursad laga faa'iidaysan karo mooday raggii uu Mursi uga adkaaday tartankii madaxawaynenimada. Waxayna bilaabeen inay abuuraan rabshado iyo qulqalatooyin ay uga dan leeyihiin in amaanka dalkaas uu faraha ka baxo si xukunkii milatariga uu usoo noqdo, madaxawaynaha uu shacabka doortayna loo rido.
Mudaaharaad
Mudaaharaad lagu taageerayo Mursi
Waxay soo abaabuleen madaaharaadyo ay ka buuxaan kiristaankii Masar iyo cilmaaniyiinteeda ayagoo leh waxa halkaas ka mudaaharaadaya waa shacabkii Masar oo dhan. Laakiin hal mar kaliya oo Ikhwaanul Muslimiinka iyo axsaabka kale ee islaamiga ah ay isugu yeereen shacabka Masar ayaa waxba-kama-jiraan ka dhigtay mudaaharaadkii cilmaaniyiinta ee rabshad-doonka ahaa. Waxaa lagu qiyaasay in dadkii shalay isugu yimid isu-soo-bixii ay ikhwaanku soo abaabuleen in tiradoodu gaaraysay dhowr milyan oo qof. Taasoo cadayn u noqotay in shacabka Masar ay ku kalsoon yihiin madaxawaynahooda ay doorteen.

Waxaana cad in warbaahinta reer galbeedka iyo xukummadahiisuba ay aad ugu xiiso qabaan in xaaladda Masar ka taagan ay sii cakiranto. Ayagoo hadeerba sii bilaabay inay buunbuuniyaan rabshadaas ay cilmaaniyiintu wadaan. Taasoo ay rajo ka qabaan inay xukunka ka riddo madaxwaynaha sharciga ah ee dalkaas.

No comments:

Post a Comment