Wednesday, December 5, 2012

Faatikaanka Iyo Furayaashiisa

Faatinkaanka (The Vatican) waa saldhigga kaniisadda kaatooligga ah (Catholic Church). Waa meesha uu fadhiyo madaxa kaniisaddaas oo leh tilmaanta ah (Pope) ama baadriga sare ee kaniisaddaas.
fatikaan
Astaanta Faatikaanka
Wakhtiga xaadirka ah, faatinkaanka waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay dowlad madax bannaan oo ku dhex taal magaalada Rooma ee caasimada dalka Talyaaniga. Wuxuu leeyahay calan (Flag) iyo astaan qaran (Coat Of Arms). Waxaana dowladda faatikaanka madaxwayne u ah wakhtiga xaadirka ah Pope Benedict  XVI.

Qoraalkaan waxaan uga hadlaynaa waxa ay u taagan yihiin furayaasha ka muuqda calanka iyo astaanta ama (coat of arms-ka) ee dowaladda faatikaanka. Calanka iyo astaantaas labadoodaba waxaa ku sawiran labo fure oo is dhaaf ah. Labada fure midkood wuxuu leeyahay midab dahabi ah, midka kalena midabkiisu wuxuu u dhow yahay qalin (silver).
Labadaas fure waxay matalayaan awoodda ay kaniisadda kaatooligga ah isu siisay inay dambi dhaaf  siiso dadka kiristaanka ah
oo dambaaba. Kaniisadda kaatooligga ah waxay aaminsan tahay inay dhulka dushiisa wakiil uga tahay Jesus Christ ama Ciise-masiix. Sidaas darteedna inay sii kala wadi karto masuuliyaadkiisa uu dhulka dushiisa ka qaban lahaa sida cafiska dambiyada, badaadinta dadka baadida ah, caafimaad-siinta dadka xanuunsan, ballan-qaadka galitaanka jannada, iyo dhamaan waxyaabaha ay kiritaanku aamisan yihiin in Ciise-masiix uu awoodda u leeyahay.

Sababta ku xambaaraysa kaniisadda kaatooligga ah inay sidaas u fakarto, oo iska dhaadhiciso inay leedahay awood ay wax ku jannayso waxna ku cadaabto; sababta arrinkaas ku xambaaraysa waa hadal baybalka ku qoran oo sheegaya inuu Ciise-masiix furayaasha jannada u dhiibay mid ardaydiisa ka mid ahaa oo la oran jiray Peter. Waxaa baybalka ku qoran inuu Ciise-masiix ku yiri Peter:
" Waxaan ku siinayaa furayaasha boqortooyada jannada. Wixii aad adigu dhulka dushiisa ku xirto ayaa jannada xageedana ku xirnaan doona. Wixii aad dhulka dushiisa ku furto, ayaana jannada xageedana ka furnaan doona" (Matayos. Cutubka 16aad. Qaybtiisa 19aad).

Faatinkaankuna wuxuu aamisan yahay inuu asagu yahay kaniisadii uu aasaasay Saint Peter. Sidaas darteedna inuu asagu dhaxlay awoodii uu Ciise-masiix siiyay Saint Peter. Wax lala yaabo ma'ahan marka inaan taariikhda ka akhrino sida ay kaniisadda kaatooligga ah uga ganacsan jirtay arrimaha la xiriira dambi dhaafka. Waxaa dhici jirtay inay kaniisaddaan daabacdo waraaqo uu ku saxiixan yahay baadarigeeda sare ee Pope-ka. Dadka waxaa laga dhaadhicin jiray inay waraaqahaas yihiin damaanad qaad looga badbaadayo cadaabta, oo qofkii gata uu xor ka yahay ciqaab aduun iyo mid aakhiraba. Mararka qaar waxay gaartay inay kaniisadda kaatooligga ah iibiso waraaqo qofkii gata loo dambi dhaafayo qaraabadiisii dhimatay.

Waxaa in la xuso mudan, in kaniisaddaas nafteeda awoodda u siisay inay wax cafido waxna ciqaabto, inay tahay kaniisad caan ku ah in baadariyaasheeda iyo wadaadeeda ay kufsadaan wiilasha yar yar. Mana jirto diin diimaha ka mid ah oo wadaadadeeda ay caan ku yihiin kufsiga wiilasha sida ay kaniisadda kaatooligga ugu caan baxday arrintaas. Qofkii arrintaas cadaynteeda u baahanna waxaa ku filan inuu wax yar internet-ka iyo jaraa'dika ka dhex raadiyo dhacdooyinka la xiriira fara-xumaynta ay caruurta u gaystaan baadariyada kaniisadda kaatooligga.
Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in baaritaanno la xiriira fal-dambiyeed ay maafiyada iyo ururada kale ee qarsoon gaysteen ay cadaato in madaxda faatinkaankana ay lug ku leeyihiin fal dambiyeedyadaas, sida kasoo baxday baartitaanno kala duwan oo midka loo yaqaan (Ambrosiano Scandal) uu ka mid yahay.

Anaga ka muslimiin ahaan, markii horeba sinnaba noogama aysan gadmi lahayn in cid aan Ilaahay ahayn  ay dambi dhaaf bixin karto. Hadana sidaas oo jirta, cidii si xaq darro ah u sheegata inay dambi dhaaf bixin karto, waxaa caqli ahaan u haboon inay ayada marka hore dambiyadeeda iska soo mayrto.

No comments:

Post a Comment