Saturday, December 8, 2012

Feetamiinada iyo waxtarkooda (2) : Feetamiin A .


Cunnoyinka laga helo Vit.A
Cunnooyinka Vit.A laga helo .
Feetamiin A (Vitamin A) waa nooc kamid ah Feetamiinada ku milma duxda (fat-soluble ) ahmiyad weyna leh . badanaa waxaa laga helaa geedaha iyo xoolaha labadaba . dhowr qaab oo fir-fircoon buu jirka ugu jiraa , waxaa ugu muhiimsan kan loo yaqaan (Retinol) , waxaa lagu cabbiraa Cabbirka Caalamiga ah (International Unit , IU) , 1 IU oo feetamiin A ah wuxuu udhigmaa 0.3 μg oo Retinol ah .

Waxtarka Feetamiin A :


1. Araga (Vision) : Indhuhu waxay ka koobanyihiin dahaaro (Membranes) kala dambeeya oo midba shaqo uu qabto , waxaa kamid ah dahaar soo aruuriya ileyska (light) oo loo yaqaan (Cornea) .

dahaarada kan ugu dambeeya ee loo yaqaan (Retina) wuxuu kasamaysan yahay unugyo (Cells) , unugyadaas waxaa ku jira maado layiraahdo (rhodo
psin) , maadadaas waxay kasamaysantahay Protein indhaha ku jira (Opsin) iyo Feetamiin A isku tagey .  awoodna u leh inuu nuugo ileyska ilaa uu gaarsiiyo neerfayasha araga ( Optic Nerve ) ilaa uu kagaarayo maskaxda (Brain) qeybta araga qaabilsan . 



Hadday dhacdo xaalad feetamiin A la'aaneed waxaa dhacaya in maadadii gudbinaysay ileyska ay tabar darri ku dhacdo sidaasna qofka aragiisu hoos ugu dhoco . 

2. Korniinka Dahaarka jirka ( Epithelial growth ) : unug kasta oo jirka ah waxaa ku daboolan dahaar ka kooban maadooyin kala duwan , Feetamiin A maadooyinkaas qeyb kamid ah buu ka samaysmaa . wuxuu sidaas uga qeyb qaataa korniinka epithilal cells ka . 
3. Carbinta korniinka lafaha ( Skeletal growth ) , ilkaha ama cirridka ( gingiva ) . siiba carruurta oo haddii Feetamiin la'aani ku dhacdo in gaabis galo korniinkooda la'arko .
4. ilaalinta xubnaha taranka iyo shaqadoodaba , haddii markaas feetamiin la'aani ay jirto wuxuu keeni karaa in shahwada samaysan keedu gaabis galo , ama haweenayda ku keeno inaysan uur qaadi karin hadday qaadayna ilmaha uurka ku jira doorsoomid (Malformation) ku dhici karo amaba uu dhiman karo . 

5. Difaacidda jirka (Immune) cilmi baaris lasameeyey baa waxay caddeynaysaa in Feetamiin A difaaca jirka qeyb muhiim ah ka qaato . waxaa la'aaminsanyahay in uu qeyb kaqaato difaacidda Cancer ka , inkastoo aan wali la'ogayn qaabka uu u difaaco Cancer ka .

Waxyeelada imaan karta xaaladda Feetamiin la'aaneed ( Vitamin A deficiency ) 
1. Indha-habeenimo (night blindness ), arag daciif ,indha gubasho (Inflammation) : dhammaantood waa calaamado muujinaya in feetamiin la'aani jiri karto amaba ay jirto . 
2. Jir qallal (dry) ama dahaarka hawa mareenka , kaadi mareenka IWM. oo difaacoodu yaraado markaas Bacteria  ku dhalato. taasoo kadhalan karta xaalad feetamiin A la'aaneed .
3. korniinka lafaha , ilkaha iyo cirridka oo hoos udhaca , badanaa carruurta ayaa lagu arkaa . 
4. Haweenayda oo uur qaadi weyda . 

Cunnooyinka laga helo : 
Kaarootada (Carrot) : waa isha ugu hodansan ee laga helo  . 
Beerka (Liver) , baradhada (sweet potato) , Ukunta ( egg) , caanaha (Milk) ... iyo noocyo badan oo kale . 

Feetamiin A maadaama uu kamid yahay feetamiinada dufanka ku qasmaa (fat-soluble) , sidaas awgeed hadduu jirka ku bato wuxuu isku baddeli karaa sun (toxic) . 
Calaamadaha lagu arki karo waxaa kamid ah : la'labo (nausea) , matag ( Vomiting) , cunid la'aan (reduced appetite) , aragoo wareera (blurry vision ) iyo calaamado kale . 

N.B . wal-wal badan lagama qabo in qofka Feetamiin A la'aani ku dhacdo hadduu suugada kahelo kaarooto siiba markaan aad loo karin . ama caano yar oo siyaabo kala duwan jirkiisa ku gala IWM . 
carruurta yar yar cunnooyinka nafaqooyinka kala duwan laga helo ama caano jooga ah inuu helo . 
xaalado gooni ah baa jiri kara oo qofku inuu qaddar badan oo cunnooyinkaas ah qaato . 

No comments:

Post a Comment