Sunday, December 9, 2012

Turkistaanta Bari & Shacabkeeda Uyguurka

Calanka Turkistaan
Calanka Turkistaanta Bari
Turkistaanta Bari (تركستان الشرقية) waa dowlad muslim ah oo ay dagan yihiin shacab asal ahaan ku abtirsada qowmiyadda turkiga ah. Shacabka daga Turkistaanta bari waxaa magiciisa la yiraahdaa Uyguur. Shacabkaan luuqadiisa waa af turki ku qoran xuruuf carabi ah.
Turkistaan
Khariidadda Turkistaanta Bari

Turkistaanta bari dhul ahaan waxaa masaaxadeeda lagu qiyaasaa inay gaarayso 1660000 km2. Waxay juqraafi ahaan ku taal bariga aasiya. Waqooyiga iyo waqooyi-bari waxaa ka xiga Ruuskha iyo Mangooliya. Bariga iyo koofur-bari waxaa ka xiga Shiinaha. Galbeedka, waqooyi-galbeed iyo koofur-galbeed waxaa ka xiga kaasakhistaan, Qarqiisistaan, Afqaanistaan iyo Baakistaan. Koofur waxaa ka xiga Baakistaan, Bangalaadeesh, Neebaal, iyo Tibeet oo Shiinaha uu haysto. Magaalo madaxda Turkistaanta bari waxaa la yiraahdaa Urumshi oo loo qoro (Urumqi). Waxaa maanta dhulkaas ku nool dad ay tiradoodu gaarayso ilaa 19 milyan iyo 50 kun oo qof.


Shacabka Turkistaan wuxuu muslim soo ahaa boqollaal sano. Waxaana la aaminsan yahay in diinta Islaamka ay gaartay dhulkaas wakhtigii ay jirtay khilaafadii Umawiyiinta oo ah wakhti aad u fog.
Turkistaanta bari inkastoo ay taariikh ahaan iyo juqraafi ahaanba tahay ummad madax banaan oo ah qowmiyad jirta oo la aqoonsan yahay, hadana waxaa nasiib darro ah inuu dhulkaas maanta gacanta ugu jiro dowladda Shiinaha oo xoog iyo gumaysi dhulkaas ku haysata. Taariikh ahaanna in badan ayuu shiinuhu isku dayay inuu qabsado dhulkaas, marar uu ku guulaystayna way jirtay. Marar uu ku fashilmayna way jirtay, oo shacabka Turkistaanta bari wuxuu intaas kusoo jiray halgan uu isaga yuraynayay damaca boqorradii waagii hore xukimi jiray Shiinaha. Balse ugu dambayn dhulka Turkistaan wuxuu u gacan galay Shiinaha sannadkii 1949kii. Wakhtigaas oo ah markii uu Shiinaha ka dhacay kacaankii shuuciga ahaa oo Mao Zedong uu hogaaminayay.

Shiinaha markii ay qabsadeen dhulka Turkistaanta bari waxay ka dhigeen gobol ka mid ah dhulka Shiinaha. Waxayna u bixiyeen [Shinjian] (Xinjang). Waxay bilaabeen inay cadaadiyaan oo muquuniyaan shacabka muslimka ah oo dhulkaas dagan. Xisbiga shuuciga ah ee Shiinaha ka talinayana wuxuu adeegsadaa siyaasado looga dan leeyahay in shacabka Turkistaan laga dhigo qayb dhulkaas isaga cararta iyo qayb la dhalan rogo oo laga saaro diinta Islaamka. Taliska Shiinaha wuxuu dhulkaas kusoo fatahay malaayiin dad ah  oo kasoo jeeda qowmiyadda (Haan-ka) ee aqlabiyadda ka ah dhulka Shiinaha. Dadka dhulkaas lagu soo fatahayo waxaa looga dan leeyahay in lagu yareeyo tirada muslimiinta halkaas ku nool, si'ay u noqdaan aqaliyad laga tiro badan yahay. Qowmiyadda Uyguurka ee dhulkaas aqalbaiyadda ka ahaydna waxay maraysaa 45% , meesha Haan-ka gumasytaha ah ee Turkistaan lagu soo fatahay ay hada marayaan 40%, 15 ka soo harayna waa qowmiyado kale oo muslim u badan.


Uyguur
Shacabka Turkistaanta Bari
Shacabka Uyguurka ee iska leh dhulka Turkistaan marar badan buu isku dayay inuu kacdoon sameeyo, codkiisana uu maqashiiyo dunida si looga dul qaado cadowga naxariista daran ee dhulkiisa xoogga ku haysta. Laakiin waxaa nasiib darro ah in mar walba oo shacabkaas uu sameeyo kacdoon ka dhan ah gumaysiga Shiinaha uu caalamka dhagaha ka furaysto qadiyadda shacabkaas muslimka ah. Taliska shuuciga ah ee dalka Shiinahana waxaa dhaqan u ah inuu xasuuqo shacabka Turkistaanta mar walba oo shacabkaas uu ka gadoodo gumaysiga Shiinaha.
Beenta uu shiinaha dunida u sheego waxaa ka mid ah inuu Turkistaan u sameeyay xukun-hoosaad ay gacanta ku hayaan dad ciideeda u dhashay. Laakiin xaqiiqo ahaan cidda meesha ka talisa waa wakiilka uu xisbiga shuuciga ah kasoo diro Bikiin. Maamulaha dadka gobolka ku magacaabanna waa iska maqaar-saar aan lahayn awood iyo talo midna.

Wakhtiga xaadirka ah waxaa matala qowmiyadda Ugyuurka ee Turkistaanta bari ururka magaciisa la yiraahdo International Uyghur Congress (Golaha Caalamiga ah ee Uyguurka). Waxaana ururkaas hada gacanta ku haya oo hagaaminaya haweeney magaceeda la yiraahdo Rabiica Qadiir oo ah qof aad ugu ololaysa xuquuqda iyo madax-bannaanida shacabka Turkistaanta bari.

1 comment:

  1. qoraaga Magaqaalka aad baan ula dhacay qaabka uu qoray sida kooban ee haddana xaqiiqada ah ee uu usoo bandhigay , waa wax jira dadka Gobolkaas degan in muquunin iyo dhalan-rogid dhanka diinta iyo dhulka ahba lagu hayo , hadda waxay marayaan inaysan dhalinyaradoodu tukan karin ama khamaar gabdhuhu qaadan karin . ilaah faraj ha u furo .

    ReplyDelete