Saturday, June 16, 2018

Isbadallada Siyaasadeed ee ka Socda Itoobiya

Hordhac

Lagasoo bilaabo markii xilka raysalwsaarenimada dowlada Itoobiya loo dhaariyay Abiy Axmad Ali bishii April labadeedii 2018, waxaa si xawli ah ku socda dadaallo uu raysalwasaarahaan cusub wax uga badalayo hanaanka siyaasadeed ee dowladdaas. Ilaa hada tilaabooyinka siyaasadeeda ee Abiy Axmad uu qaaday ayaa isugu jira kuwo la xiriira siyaasada, dhaqaalaha iyo waliba militariga.

Waxaana in la xuso mudan in isbahaysiga xisbiga EPRDF ee haya talada dowladaas uu yahay cida dooratay oo xukunka u dhiibtay Abiy Axmad.

Doorashada ninkaanna waxaa sabab u ahaa qalalaase siyaasadeed oo mudo dhowr sanadood ah soo jiitamayay oo waliba mudooyinkii dambe sii xoogaysanayay. Ayada oo qalalaasahaas siyaasadeed ay hormuud ka ahaayeen labada qowmiyadood ee Oromada iyo Amxaarada oo ka cabanayay qaabka ay Tigreegu u maamulayaan dowlada Itoobiya. Sidaas daraadeed ayay tilaabada uu qaaday isbahaysiga EPRDF ee uu ku doortay Abiy Axmad ka dhigan tahay tilaabo lagu xasilinayo dowladaas oo qarka u saarnayd inay burburto.

Waa kuma Abiy Axmad?

Abiy Ahmed
Abiy Axmad ama (Abiy Ahmed) wuxuu sanadkii 1976kii ku dhashay magaalo yar oo la yiraahdo Beshasha oo ka tirsan gobolka Jimma Zone oo ku yaal dhulka ay Oromadu degto. Aabihiis Axmad Cali waa nin muslim ah oo ka dhashay qowmiyada Oromada. Halka hooyadiis Tizita Wolde ay tahay kiristaan, kana soo jeeddo qowmiyada Amxaarada. Abiy Axmad shakhsi ahaan diinta uu haysto ayaan ilaa hada si cad oo qeexan loogu faafifin warbaahinta wax ka qortay noloshiisa. Waxayna warbaahintu ku gaabsataa oo kaliya tilmaamida  diimaha ay kala haystaan labadiisa waalid.

Dhanka taariikhdiisa siyaasadeed, waxaa la sheegayaa in asaga oo dhowr iyo toban jir ah sanadkii 1991kii uu ku biiray jabhadihii la dagaallamayay taliskii Mengistu Haile Mariam oo ay hormuud ka ahayd jabhadii TPLF ee Tigreega. Markii ay Tigreegu rideen xukunkii Mengistu, wuxuu Abiy Axmad si rasmi ah ugu biiray ciidamadii dowlada ee ay dhiseen jabhadihii riday taliskii Mengistu. Wuxuuna Abiy  inta badan ka soo shaqeeyay qaybaha sirdoonka iyo isgaarsiinta ciidmada Itoobiya.
Abiy Axmad wuxuu si fiican u bartay luuqada ay ku hadlaan Tigeeda ee Tigrinya asaga oo midaas uga dan leh inuu xiriir dhow la yeesho madaxda  Tigreega, si uu u wanaajiyo fursadihiisa dhanka shaqaada isla markaasna uu Tigreega dhexdooda ugu yeesho shabakad ballaaran oo saaxiibo ah. Waana arrin uu aad uga faa'iiday mustqablakiisa siyaasadeed.
Abiy Axmad wuxuu ciidanka ka tagay sanadkii 2007 asaga oo wakhtigaas wixii ka dambeeyay u soo jeestay siyaasada. Wuxuuna siyaasada ka soo galay dhanka xisibiga OPDO oo ah xisbi matala Oromada islamarkaasna xubin ka ah isbahaysiga xisbiga ka taliya Itoobiya ee EPRDF¹ oo ay ku midoobeen gudihiisa afar xisbi oo kala matalada qowmiyadaha Itoobiya ugu awooda badan dhanka siyaasada. Tilaabadii midaas xigtayna waxay ahayd asagoo xubin ka noqday golaha fulinta ee xisbiga EPRDF oo ah gole ka kooban 36 xubnood, waana golaha ay gacantooda ku jirto awooda siyaasadeed ee xisbigaas.

Markii uu qalalaasaha siyaasadeed ka bilowday Itoobiya sanadkii 2015kii oo xisbiga talada hayana uu arrintaas uga jawaabay caburin xoog leh oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah oo isugu jira Oromo iyo Amxaaro, wuxuu Abiy Axmad ka mid ahaa siyaasiyiinta Oromada iyo Amxaarada ee ku jira xisbiga EPRDF ee dabacsanaanta u muujiyay dadka ka soo horjeeda xisbiga talada haya iyo qaabka uu u maamulayo Itoobiya. Mowqifkaasna wuxuu Oromada iyo Amxaarada dhexdooda uga helay sumcad wanaagsan oo ugu dambayn uu ku helay taageerada aqlabiyada xubnaha xisbiga ka soo jeeda Oromada iyo Amxaarada ee ku jira isbahaysiga xisbiga  EPRDF. Ayada oo xubnahaas ay asaga u doorteen xilka raysalwasaarenimada Itoobiya.
Waxaase ayadana meesha ku jirta in doorashadii uu xisbiga EPDRF xilka ugu dhiibay Abiy Axmad ay ku timid gorgortan siyaasadeed oo dhex maray garabka TPLF ee Tigreega oo dhinac ah, iyo labada xisbi ee OPDO iyo ANDM ee ay kala leeyihiin Oromada iyo Amxaarada. Waxaysan sidoo kale doorshadaan ka marnayn talooyinka dowlada Maraykanka gaar ahaanna safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Addis Abba Michael Arthur Raynor oo aad uga soo horjeeday caburinta mudaaharaadyadii ka socday Itoobiya.

Abiy Axmad Xagee u Jihayn Doonaa Itoobiya?

Si aan fikrad uga qaadano nooca uu yahay mustqablka uu Abiy Axmad u horseedi karo dowladda Itoobiya, waxaan wax ku miisaami karnaa sadex arrimood oo kala ah:

1- Ayada oo wax lagu qiimaynayo taariikhda siyaasadeed ee Abiy Axmad, oo niyada lagu hayo in ninkaan uu siyaasad ahaan ku soo dhex ababay maamulkii Tigreega kuna hanoqaaday ayaga hoostooda oo cida xukunka u dhiibtayna uu xisbiga EPDRF yahay, waxaa si fudud loo sawiran karaa inuu Abiy Axmad yahay gacanta uu taliska Tigreegu madaxa ugu salaaxayo qowmiyadaha caraysan ee Oromada iyo Amxaarada ee ka cabanayay cadaalad la'aanta maamulka Tigreega. Sidaas daraadeed inuu ninkaan yahay xal ay Tigreeguna hanaanka maamulka ee ay dhisteen ku sii xajisan karaan, dhank kalena cidii maamulkooda wax ka tabanaysa ay isaga sii jeedin karaan oo sidaas ay uga gudbi karaan xaaladii cakirnayd ee ka taagnayd Itoobiya, doorashadii Abiy Axmad ka hor.

2- Dhinac kale hadii laga fiiriyo qadiyadaan, oo wax lagu qiimeeyo duruufaha siyaasadeed ee horseeday doorashadii Abiy Axmad iyo inuu qabto xilka raysalwasaarenimada Itoobiya, iyo sidoo kale dhalasho ahaan qowmiyadaha ay ka soo jeedaan labadiisa waalid, waxaa ayadana fudud in la sawirto inuu ninkaan yahay gacantii ay Oromada iyo Amxaarada oo wada jira kula wareegi lahaayeen xukunka Itoobiya oo ay ku soo afjari lahaayeen hanaankii siyaasadeed ee udub-dhexaadka ay u ahaayeen Tigreegu tan iyo markii ay jabahadii TPLF iyo xulafadeedu xukunka ka rideen Mengistu Haile Mariam oo taladana uu qabtay Meles Zenawi. Taas oo hadii ay dhacdo la macne ah in Oromada iyo Amxaarada oo wada jira ay isku gooni yeeli doonaan manaaficda siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee la socda awooda siyaasadeed ee gacantooda soo gashay.

3- Labadaas wado waxaa sadex ku ah oo ayadana wax lagu qiimayn karaa shakhsiyada Abiy Axmad iyo sida uu ninkaan ugu guulaystay inuu bay'ad siyaasadeed oo qowmiyadiisa looga awood badan yahay ka dhex samaysto fursado siyaasadeed oo u suurogaliyay inuu talada dowladaan qabto. Arrinkaasna wuxuu calaamad u noqon karaa shakhsiyad isku kalsoon oo sidoo kale aragti siyaasadeed oo fog leh, islmarkaasna awood u leh inuu maskax ahaan iswaafajiyo danaha iska hor imaanaya ee xisbiyada ku midoobay isbahaysiga EPRDF oo asaga xilka u dhiibay. Sidaas daraadeed inuusan qowmiyadaha uu loollanka siyaasadeed ka dhexeeyo midkoodna si gooni ah ugu eexan doonin, balse uu hannaan  siyaasadeed oo cusub dowladaas u jeexi doono asaga oo kaashanaya dabaqada dhexe ee mutacalimiinta ah (gaar ahaanna dabqadaas qaybteeda Liberal-ka ah ee aan ku qanacsanayn hanaanka siyaasadeed ee gobolaysiga iyo qowmiyadaha ku salaysan ee hada ka jira Itoobiya).
Ixtimaalka ah inuu Abiy Axmad raaco wadadaan sadexaad ayaa ah mid aad u yar. Sababtoo ah dhaqanka siyaasadeed ee Itoobiya iyo taariikhdeedaba kuma jiraan wax tixraac u noqon kara maamul siyaasadeed oo ku dhisan cadaalad iyo is-xaqdhowritaan. Maamul walba oo Itoobiya soo marayna wuxuu ku dhisnaa danaysashada dabqada markaas awooda siyaasadeed ay gacanteeda ku jirto.

Sadexdaas qodob labada hore midkood hadii uu raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya ku dhaqaaqo, taas waxay la macne tahay in mashaakilkii siyaasadeed ee Itoobiya ay halkoodii ka sii socon doonaan, ayaga oo waliba sidoodii hore ka culus oo ka dhib badan. Gaar ahaanna hadii uu qodobka labaad  run noqdo, waxay taas la macne tahay in Tigreegu ay cadaadis siyaasadeed la kulmi doonaan, oo markii ay dareemaan in awoodoodii  ay sii wiiqmayso oo laga itaal roonaaday, inay gobolkooda (Tigray) uga dhawaaqaan dowlad madax banaan, ayaga oo cuskanaya qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya, oo sidaas ay ku kala daadato dowlada Itoobiya.

Sadexdaas jiho mida uu Abiy Axmad ku hogaamin doono Itoobiya waxaa si dhab ah u sheegi doona wakhtiga. Balse ilaa hada tilaabooyinka uu qaaday markii wax lagu qiimeeyo waxaa ka muuqata inuu fulinayo mashruuc siyaasadeed oo ay si wada jir ah u wataan Oromada iyo Amxaarada. Taas oo la macne ah inuu qodobka labaad dhankiisa ku jihaysan yahay.
Waxaa tilaabooyinkaas uu qaaday tusaale u ah:
- cafiska uu u fidiyay iyo sii daynta uu xabsiyada ka sii daayay mucaaradkii siyaasadeed ee taliska Tigreegu uu xabsiyada dhigay.
- Ku dhawaaqista in shirkadaha waawayn ee ay dowlada Itoobiya leedahay sida kuwa isgaarsiinta iyo warshadaha la iibiyo oo lagu wareejiyo shirkado gaar. Tilaabadaan oo hordhac u ah in saraakiishii militariga ee Tigreega oo agaasimeyaasha ka ahaa shirkdaha waawayn laga qaado xilalka ay hayaan oo lagu badalo agaasimeyaal cusub oo Oromo iyo Amxaaro ah. 
-xil-ka-qaadistii uu ku sameeyay taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Itoobiya Samora Yunus, iyo sidoo kale taliyii sirdoonka Itoobiya Getachew Assefa. Labadaan nin oo mudo dheer xilalkaan soo hayay islmarkaasna lafdhabar u ahaa awooda ay Tigreegu ku leeyihiin ciidamada Itoobiya dhexdooda. Xil ka qaadista nimankaanna waxay bilow u noqon kartaa in dhabarka laga jibiyo awoodii siyaasadeed ee Tigreega.

Aragtidaan ah inuu Abiy Axmad siyaasadaha maamulkiisa u jaangoynayo qaab waafqasan danaha isbahaysiga Oromada iyo Amxaaradana waxaa sii xoojinaya sida uu xisbiga siyaasadeed ee Tigreega (TPLF) isla markiiba walwalka uga muujiyay tilaabooyinka uu ilaa hada qaaday Abiy Axmad ee la xiriira xil kaqaadista madaxda ciidamada, iyo sidoo kale siyaasada dhaqaale ee ku slaysan iibinta shirkadaha waawayn ee ay iska leedahay dowlada Itoobiya. Ayada oo xisbiga arrimahaas uga hadlay war-murtiyeed uu dhowaan soo saaray².

Gunaanad

Ugu dambayn nuxurka aan qoraalkaan kala bixi karno ayaa wuxuu yahay: in xaaladda siyaasadeed ee dalka Itoobiya aysan wali salka dhigin oo wali uu taagan yahay raadka qalalaasihii siyaasadeed ee dalkaas uu ku jiray mudooyinkaan dambe. Itoobiya waxay hada ku jirtaa marxalad kala guur ah oo ayada jiritaankeedii ay ku mashquushan tahay. Waana marxalad inay si nabad ah uga gudubto ay adag tahay. Sababtoo ah Itoobiya dhaqan siyaasadeed oo is-afgarad ku salaysan laguma dhisin, balse waxaa lagu dhisay ismuquunin iyo gumaad. Waana dhaqan siyaasadeed oo marxalad walba oo kala guur ah oo taariikhda Itoobiya ka mid ah la socday. Ma jiraan marka wax maraxaladaan ay hada marayso gooni ku ah oo ka difaacaya inay ayaduna marto wadadii dhiiga lahayd ee ay marxaladihii kala guurka ee ayada horeeyay mareen. Waxaaba la oran karaa: marxaladaan waxaa gooni ku ah in cidda xukunka lagala wareegayo ay tahay jabhad taariikh dagaal oo kharaar u soo martay xukunka, oo dhadhamisay macaankiisa, asaga ka horna soo aragtay cadaadis siyaasadeed oo ay ka gadooday. Jabhad noocaas ah in gabi ahaanba awoodeedii siyaasadeed laga xayuubiyo ayada oo dhiig badan uusan daadanin, wax si fudud ku dhici kara ma ahan.

Sidaas daraadeed waxaa la oran karaa: Itoobiya inay ayadu isku mashquusho waa fursad ay ku yaraanayso farogalinteeda siyaasadeed ee gurracan oo Soomaaliya ay in badan ka waday. Madaxda Soomaaliya ayayna saaran tahay masuuliyada la xiriirta sidii loo fahmi lahaa arrintaan oo looga faa'iidaysan lahaa. Sababtoo ah hadii uu jiro darsi taariikheed soo noqnoqonayay 27kii sano ee la soo dhaafay oo ay waajib tahay inay soomaalidu fahanto waa in Itoobiya burburka siyaasadeed ee Soomaaliya ay u gaysatay aysan jirin dowlad kale oo Soomaaliya burburkaas mid la mid ah u gaysatay.

Taas ayada oo niyada lagu hayo ayay waajib tahay in si qotodheer loo akhriyo waaqica Itoobiya iyo marlaxada ay maraysaba. Waana waajib si wadajir ah u saaran ummadda Soomaalidyeed (gaar ahaanna aqoonyahannada iyo sidoo kale hogaanka siyaasadeed ee dalka).

Sidaas si la mid ah ayaa loo baahan yahay in Soomaalida ku nool gobolka ay Itoobiya u bixisay Kililka shanaad ay fahmaan oo gartaan marxalada kala guurka ah ee Itoobiya ay marayso, kana tabaabushaytaan inay noqdaan qomwiyada kaliya ee aan Itoobiya ku lahayn cod la maqlo iyo muuqaal la ixtiraamo midna. Oromadii iyo Amxaaradiiba hayaan iyo geedi dheer ka dib waxay isu arkaan inay maanta ceelkii taagan yihiin oo heeryadiina iska rideen. Soomaalida Itoobiya ayay marka su'aashaan jawaab uga baahan tahay: adinkuna goorma?!
______________________________________
1- Xisbiga EPRDF wuxuu ka kooban yahay isabahaysiga afar xisbi oo la kala yiraahdo:
- Tigrayan People's Libration Front (TPLF).
- Amhara National Democratic Movement (ANDM).
- Oromo People's Democratic Organization (OPDO).
- Southern Ethiopian People's Democratic Movement (SEPDM).
2- Warmurtiyeedkii uu xisbiga soo saaray waxaad ka heli kartaa Halkaan.
3- Maqaal xiriir la leh qoraalkaan waxaad ka akhrisan kartaa Halkaan



No comments:

Post a Comment