Saturday, February 24, 2018

Muxuu Salka ku Hayaa Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Itoobiya?

Hordhac

Waxaa sanadihii dambe (laga soo bilaabo 2015kii ilaa hada) isasoo tarayay qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dowlada Itoobiya. Waxaana dowladaas ku soo batay mudaaharaadyada looga soo horjeedo xukuumadeeda.

Waxaa mudaaharaadyadaas wada qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah labada qowmiyadood ee ugu wayn qowmiyadaha ku hoos nool xukunka dowlada Itoobiya. Waxayna labadaan qowmiyadood ku eedaynayaan dowlada Itoobiya inay xuquuqdii ku tumatay oo xaq-duudsiin badan ay ku samaysay. Natiijooyinkii mudaaharaadyadaan ka dhashayna waxaa ka mid ah dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah oo ciidamada Itoobiya ay laayeen, qaar kale oo badan oo xasiyada la dhigay, burburka hanti badan, iyo sidoo kale iscasilaada raysalwasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Si markaa uu qofka soomaaliga ah u fahmo asbaabta keentay qalalaasahaas siyaasadeed iyo wajiyada uu yeelan karo, ayaa waxaa haboon inaan si guud u fiirino haykalka iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed ee dowlada itoobiya iyo cida dhab ahaan gacanta ku haysa talada dowladaas.

Dowlada Itoobiya Iyo Ummadaha ay Xukunto

Dowlada Itoobiya waxaa xukunkeeda siyaasadeed hoos yimaada dad ku dhow ama gaaraya boqol milyan oo qof, oo ka soo kala jeeda ilaa 80 qowmiyadood oo mid walba dhaqan iyo luuqad gooni ah ay leedahay. Diin ahaan waxay dadka ay dowladaas xukunto kala haystaan diinta Islaamka iyo tan Kiristaanka* oo tiro ahaan dadka kala aaminsan ay isu dhow yihiin. Ayada oo marna la sheego in muslimiintu badan yihiin, marna ay tirakoobyada dowlada Itoobiya ay sheegaan in kiristaanku badan yihiin. Asal ahaanse umadaha ku hoos nool dowlada Itoobiya aqlabiyadoodu waa muslim. Tusaale ahaan qowmiyada Oromada oo ah qowmiyada koowaad xaga tirada ee umadaha ay xukunto dowlada Itoobiya,waxay dadkeedu u badan yihiin muslimiin. Waxaa intaas weheliya in gobolka soomaaliyeed ee ay xukunto Intoobiya ay dadka ku nool muslimiin yihiin. Sidoo kale, qowmiyada Cafar ama Danaakil oo ayaduna ka mid ah qomiydaha ay xukunto dowlada Itoobiya ayaa ah qowmiyad muslim ah. Intaas waxaa dheer in qowmiydaha Amxaarada iyo Tigreegaba ay leeyihiin muslimiin badan.
Sidaas daraadeed baa tirada muslimiinta ku hoos nool xukunka dowlada Itoobiya lagu qiyaasaa 60% inay ka yihiin umadaha ay dowladaas xukunto¹.

Soomaliduna tiro ahaan waa qowmiyada sadexaad ee ugu tirada badan qowmiyadaha Itoobiya, oo waxaa xaga tirada ka horeeya Oramada iyo
Itoobiya
Qaybaha dhulka ay dowlada Itoobiya Maamusho
Amxaarada. Sidoo kale waxay ka mid tahay labada qowmiyadood ee iska leh dhulalka ugu baaxada wayn ee maamul ahaan ay dowlada Itoobiya ka taliso. Dhulalkaas oo ay u qaybisay 9 qaybood oo mid walba oo ka mid ah ay degto qowmiyad ka mid ah qowmiyadaha ay dowladaasi xukunto. Waxayna dowlada Itoobiya u bixisay qayb walba oo dhulalkaas ka mid ah magaca "Kilil", ayada oo isla markaasna u yeeshay maamul hoosaad iska maqaar-saar ah, oo gacan bir ah ay ku hayso xukuumada dhexe ee maamusha nadaamka Federaalka ee dowladaas. Sagaalka gobol ee maamul ahaan ay dowladaas u qaybisay dhulka ay xukunto waa sidan:

- Gobolka Tigray.
- Gobolka Cafar.
- Gobolka Oromiya.
- Gobolka Amhara.
- Gobolka Soomaaliya².
- Gobolka Benshangul/Gumuz.
- Gobolka Umadaha iyo Dadyowga Koofureed (Southern Nations And Peoples)**.
- Gobolka Gambela.
- Gobolka Harari.³

Haykalka Siyaasadeed ee Dowlada Itoobiya

Hanaanka xukunka ee dowlada Itoobiya waa hanaan magac ahaan Federaal ah oo dastuur ahaan xaq u siinaya gobol walba inuu maamulkiisa hoose u madax
Mengistu
Mengistu Haile Mariam
banaanaado. Balse waaqic ahaan awooda dhabta ah ee heer gobol ilaa heer fedreaal waxay ku jirtaa gacanta hal xisbi.
Xukunka dowlada Itoobiya waxaa haya xisbi asalkiisii hore jabhad hubaysan ahaa oo la yiraahdo Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front (Jabhada Kacaanka Dimuqraadiga ah Ee Dadka Itoobiya) oo loo soo gaabiyo EPRDF. Xisbigaan wuxuu xukunka qabtay markii sanadkii 1991kii uu dhacay taliskii la oran jiray Derg ee uu hogaamin jiray Mengistu Haile Mariam. Wuxuu xisbiga EPRDF ku dhisan  yahay midowga afar xisbi oo la kala yiraahdo:


- Tigrayan People's Libration Front (TPLF).
- Amhara National Democratic Movement (ANDM).
- Oromo People's Democratic Organization (OPDO).
- Southern Ethiopian People's Democratic Movement (SEPDM).

Intaas kadib, haykalka dhismaha xisbiga EPRDF wuxuu u qaybsan yahay sadex qaybood oo kala ah:
1- EPRDF Congress oo ah gole ka kooban 1000 xubnood oo mid walba oo afarta xisbi ee EPRDF ku midoobay ka mid ah uu ku leeyahay 250 xubnood [4*250=1000].
2- EPRDF Council oo ah gole 180 xubnood ka kooban, oo mid walba oo afarta xisbi ee EPRDF ku midoobay ka mid ah uu ku leeyahay 45 xubnood [45*4=180].
3- EPRDF Executive Committee oo ah guddiga fulinta oo ka kooban 36 xubnood oo mid walba oo afarta xisbi ee EPRDF ku midoobay ka mid ah uu ku leeyahay 9 xubnood [9*4=36].

Xagee Wax ka Khaldan Yihiin?!

Markaan fiirino magacyada meesha maraya ee kulligood dhaldhalaalka dimuqraadiyada wata, iyo sidoo kale qaabka isku dheellitiran ay wax u qaybsadeen afarta xisbi ee ku midoobay xisbiga EPRDF, waxaa la iswaydiin karaa: maxaa keenay cabashada labada qowmiyadood ee Oromada iyo Amxaarada oo labduba qayb ka ah xisbiga ay gacantiisa ku jirto awooddii siyaasadeed oo dhan?!

Su'aashaas jawaabteeda waxay ku xiran tahay inaan fahanno dhaqanka siyaasadeed ee soo jireenka ah ee ay lahayd boqortooyadii Abyssinia ama Al-xabasha. Dowlada xabashida taariikh ahaan waxay ku dhisnaan jirtay isbahasyi iyo wada shaqayn ka dhexaysa labada gobol ee Tigray iyo Amhara. Wada shaqayntaasna waxaa udub dhexaad u ahaan jiay caqiidada Kiristaanka, oo labadaan qowmiyadoodba waxay mar walba ka wada shaqayn jireen dhul-ballaarsi ka dhan ah umadaha dariska la ah ee muslimka ah sida Cafarta, Soomaalida, iyo qowmiyado kale oo tiro badan oo "Imbiraadooriyadii" xabashida khasab lagu soo hoos galiyay. Dhaqan ahaanna mujtamaca xabashida wuxuu ahaa mujtamac dabaqado kala leh oo kala qaybsan oo kala sarreeya. Dabaqada wax xukuntana waxay ahayd dabaqada hubaysan ee dagaalanta, oo raga wakhtiga dagaalka hogaamiya ciidamada, ayaa wakhtiga nabadana wax maamuli jiray⁴ oo lashaqayn jiray dabaqada wax xukunta ee boqorrada oo dhulal ay maamulanna siin jitray. Itoobiya dhaqanka siyaasadeed ee ka shaqeeya marka waa midkaan. 

Tiro wax lagu qaybsaday iyo saami-qaybsi midna kama shaqayn karaan meel dhaqanka siyaasedeed ee soo jireenka ah uu xuquuqda oo dhan siinayo ninka hubaysan ee awooda ciidanka ay gacantiisa ku jirto, dadka intiisa kalena ay yihiin madiidin uu ninkaas hubaysan iska leeyahay. Sidaas daraadeed ayaa awooda dhabta ee dowlada Itoobiya waxay ku jirtaa gacanta qowmiyada Tigreega oo ah qowmiyada isu aragta inay tahay cida dhabar adayga ugu badan ku bixisay riditaanka taliskii Mengistu, oo dhiiga ugu badanna u hurtay. Markii ay xukunka qabteena waxay awoodoodii isugu geeyeen sidii ay ciidanka u hanan lahaayeen. Waxaana hada gacantooda ku jira dhamaan qaybaha kala duwan ee maamulka ciidanka iyo nabad sugida oo 64ta jeneraal ee ugu sarreeya ciidanka Itoobiya waxay tigreegu ku leeyihiin 49 jeneraal⁵, taas oo ah ilaa 77% in talada ciidanka ay gacantooda ku jirto. Sidoo kale shanta jeneraal ee ugu garaadaha sarreeya ciidanka Itoobiya⁶ oo gaaray heerka Full General ama Four Star General (Jeneraal afar xidigle ah), sadex ka mid ah waa Tigree. Waxay awooda intaas le'eg ku dhex leeyihiin ciidankii Itoobiya ayaga oo hadana qowmiyad ahaan 6% ka ah guud ahaan shacabka Itoobiya! Manaaficdii iyo dhadhaqaaq walba oo faa'iido siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba keeni lahaana waxay ku xiran yihiin ciidanka. Waa halkaan marka meesha salka u ah cabashooyinka qowmiyadaha mudaaharadaya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Itoobiya.

Maxaa la Filan Karaa?

Marka la fiiriyo taariikhda dhow ee dowladda Itoobiya, waxaa soo baxaysa in ay tahay silsilad isku xiriirsan oo qalalaase siyaasadeed ah oo inta badan ku dhamaada dhicitaanka taliska uu qalalaasahaas ku wajahan yahay. Gaar ahaana waxaa in la xuso mudan, in markii ay isku aadaan qalalaase siyaasadeed iyo abaaro dowladaas qabsada ay adag tahay in taliska markaas jira uu ka badbaado in la rido. Tusaale ahaan, taliskii boqor Haile selassie waxaa isugu soo beegmay ciidamo gadoodsan iyo abaarihii 1972 ilaa 1974kii. Wuxuuna dhacay 1974kii. Sidoo kale taliskii Mengistu Haile Mariam waxaa isugu soo beegmay qowmiyado gadoodsan iyo abaarihii 1983 ilaa 1985kii. Wuxuuna dhacay 1991.  Taliska Tigreegana waxaa hada isugu soo beegmay kacdoonka Oromada iyo Amxaarada iyo sidoo kale abaarihii 2016 oo raadkoodii uu wali taagan yahay. Kacdoonka hada socdana wuxuu soo jiitamayay laga soo bilaabo doorashooyinkii 2005 iyo mudaaharaadyadii ka dhashay oo horseeday dhalashada dhaqdhaqaaqa ururka Ginbot 7. Intaas waxaa dheer in taliska Tigreega uusan si dhab ah wax uga badali karin hanaanka maamulkiisa, xataa hadii uu raysalwasaare cusub yimaado, ama doorashooyin la qabto. Sababtoo ah in gadoodka shacabka ay xukuumadu uga jawaabto si dabacasan waxaa un ku sii badanaya cabashooyinka mucaaradka gadoodsan iyo tabashooyinkoodaba, oo dowlada Itoobiya laftirkeeda ayaa dulmi iyo xaqdarro ah ku dhisan. In xaqdaradaas la baabi'iyana waa in dowladaas laftirkeeda ay burburto. Sidoo kale inay xukuumadu isasoo mataxdo oo aysan innaba ka jawaabin cabashooyinka mucaaradkana waxay soo dadajinaysa burburka iyo kala daadashada Itoobiya, maadama dadka ay laynayso ay yihiin aqlabiyada dadkii ay xukumaysay. Sidaas daraadeed waxa ugu badan oo taliska Tigreegu uu awoodi karo waa un inuu tilaabooyin fudud oo isbadal u eg qaado, balse uusan wax wayn ka badalin hanaanka hada jira.


Gunaanad: Maxaa Soomaalida la Gudboon?

Isbadal walba oo siyaasadeed waxaa weheliya marxalad kala-guur ah oo uu samaysmayo waaqic cusub oo kii hore ka duwan. Sidaas daraadeed ayaa waxaa maanta soomaalida ku hoos nool xukuna Itoobiya iyo soomaalida ka madax banaan xukunkeedaba ay la haboon tahay inay ka faa'iidaystaan fursadaan cusub ee ka dhigan mashquulka gudaha ah ee la soo gudboonaaday taliska Tigreega. Waxaa soomaalida ay Itoobiya maamusho la gudboon in kacdoonka hada Itoobiya ka socda ay uga faa'iidaystaan in xuquuqaha ka maqan ay helaan, sida qowmiyad walba oo Itoobiya ku noolba ay xuquuqdeedii baadi-goobka ugu jirto. Waa inay halgankoodii dheeraa xuquuq u qalanta raadiyaan oo aysan ku koobnaan oo kaliy manaafic yar yar oo lagu indhosarcaadiyo oo aan wax macne ah ku fadhin. Markii maanta la fiiriyo dooda siyaasadeed ee Itoobiya gudeheeda ka socota, waxaa muuqata in aanan la dareensanaynba jiritaanka qowmiyad soomaaliyeed oo dhul baaxad wayn leh, islamarkaasna qowmiyada sadexaad ee ugu wayn ah qowmiydaha ay Itoobiya xukunto ah. Hadii marka aysan maanta soomaalida halkaas ku nool u suurogalayn inay ka madaxbanaanaadaan Itoobiya, waa inay isbadalka socda uga faa'iidaystaan sidii ay ku heli lahaayeen xuquuq dhamaystiran oo hodrhac u noqon karta inay maamlin maalmaha ka mid ah xornimo kaamil ah helaan.

Dhanka kale, waxaa soomaalida ku nool Soomaaliya ayagana la gudboon inay ku cibro qaataan xaalada ay maanta Itoobiya ku sugan tahay, iyo sida ay ugu nugushahay burburka iyo kala daadashada. Sidaas daraadeed bay  haboon tahay inay siyaasiyiintooda iyo oday-dhaqameedyadooda aaminay in wax walba ay Itoobiya gacanteeda ku jiraan ay dib u fakaraan oo ka xaroobaan adoonnimada siyaasadeed ee ay ayagu isku xukumeen. Waa inay dareemaan jiritaanka qaran Soomaaliyeed oo ay waajib tahay in si madax banaan loogu adeego. Ayada oo marnaba aysan suuragal ahayn in qarankaas iyo Itoobiyaba hal mar loo wada adeego. Itoobiya waa ka daciifsan tahay sida ay ka aamineen soomaali badan. Kaliya waxaa loo baahan yahay in la fahmo oo la diraaseeyo waxa ay tahay dowladaan, iyo awooda ay ku dhisan tahay nooca ay tahay. Iyo sidoo kale galdalooladeeda iyo meelaha ay ka jilicsan tahay meelaha ay yihiin. Dhanka kalena, inay soomaalidu fahanto oo ay diraasayso awooda gacanteeda ku jirta ka soomaali ahaan, iyo asbaabaha ay ku horumari karto waxa ay yihiin, iyo meelaha uu khalalku uga jiro qaab-dhismeedkeeda ijtimaaciga ah iyo kan siyaasiga ahba.   
______________________________
1- د. محمود يوسف، المسلمون في إثيوبيا بين الحاضر وآفاق المستقبل، مركز الجزيرة للدراسات، 27/04/2015م، http://studies.aljazeera.net/ar/issues/2015/04/201542682816259199.html
2- Waxaa is waydiin mudan sababta ay magaca "Soomaaliya" ugu adeegsatay Itoobiya tilmaanta gobol ay maamusho oo ay sheeganayso inuu dhulkeeda ka mid yahay, ayada oo og in "Soomaaliya" uu yahay magaca dowlad madax banaan oo dunida laga aqoonsan yahay! Matalan waxay adeegsan kartay magaca: Ogadenia oo ah magaca ay inta badan  dadka gobolkaas daga u yaqaanaan dhulkooda.
3- Government Structure, Ethiopian Government Portal, http://www.ethiopia.gov.et/government-structure
4- Fiiri: Robert Gale Woolbert, Feudal Ethiopia and Her Army, Foreign Affairs, https://www.foreignaffairs.com/articles/ethiopia/1935-10-01/feudal-ethiopia-and-her-army
6- Waxay kala yihiin:
- Gen. Samora Mohamed Yunis [waa Tigree] waana taliyaha ugu sarreeya ciidamada Itoobiya.
- Gen. Seare Mekonen Yimir [waa Tigree]
- Gen. Abraha Woldemraiam Genzebu [waa Tigree] waana ninka masuulka ka ah xasuuqyada loo gaystay rayidka soomaalida ee lagu gumaadayay gobolka soomaalida degto intii ay Tigreegu hayeen xukunka Itoobiya.
- Gen. Adem Mohamed Ahmed [waa Wollo] waana taliyaha ciidanka cirka ee Itoobiya.
- Gen. Birhanu Jula Gelalcha [waa Oromo]. 
*. Waxaa kale oo jira qowmiyado wathani ah oo muslim iyo kiristaan midna aan ahayn.
**. Magacaan waxaa la isku yiraahdaa ilaa 45 qowmiyadood oo dagan koofur-galbeed Itoobiya. Waxaa qowmiyadahaan ugu caansan: Sidama, Wolayta, Hadiya, Gurage iyo Silte.
   

No comments:

Post a Comment