Saturday, January 6, 2018

Halista Qashinka Balaastiga ah (Caagaga Iyo Bacaha)

Plastic Pollutants ama (Qashinka ama Sunta Balaastiga ah) waa balaastikada iyo bacaha loo adeegsado in wax lagu shubto (sida caadagaga biyaha mineral-ka) iyo in wax lagu qaato (sida bacaha) oo kadibna la iska tuuro.

Bacahaas iyo caagagaas adeegsigooda iyo tuuristooduba waa fudud yihiin. Waxaanse fududayn oo aad u culus una baaxadwayn dhibka iyo mashaakilka ay u gaysanayaan noolaha iyo bay'addaba. Sababtoo ah caagagaan iyo bacahaan waxay ka samaysan yihiin kiimiko (Chemicals) sun ah oo dhiibtaynaysa noolaha iyo bay'ada. Markii balaastigaas la tuuro ayada oo aan loo meel dayin, waxaa ka dhalanaysa in bay'adii ay noqoto mid sumaysan oo ciiddii, biyihii iyo hawadiiba ay gaarto suntaas; ayada oo islmarkaasna  waxyeellaynaysa noolihii intaasba ku dhex noolaa oo banii-aadamku uu ugu horeeyo. Qashinka balaastiga ah (bac iyo caagba) markii inta la tuuro ay qoraxdu ku dhacdo ama la gubo ama xataa uu iskiis u duugoobo wuxuu bilaabayaa inuu sii daayo kiimakadii ku jirtay; asaga oo sumaynaya ciiddii, dhirtii, biyihii iyo hawadii intaba. Waxaa intaas ka sii daran in kiimakadaas ay tahay mid aad u cimri dheer oo bay'adda ku sii jiraysa boqollaal sano; taas oo la macne ah in dhibka uu qashinkaasi gaysanayo uu yahay mid saamayntiisu ay soconayso boqollaal sanadood! Dhibaatooyinka cilmi ahaan la xaqiijiyay in kiimikada sunta ah ee balaastiga iyo bacaha ku jirta ay u gaysanayso banii-aadamka waxaa ka mid ah: waxyeelaynta qanjirada loo yaqaan Endocrine System oo masuul ka  ah hoormoonada kala duwan ee jirku uu ku shaqeeyo. Doorinta iyo waxyeellaynta ilmaha uurka ku jira "Birth Defects". Yaraynta isbeermada raga. Waxyeellaynta maskaxda iyo xasuusta iyo xanuuno kale oo intaas ka badan¹.

Waxaa in la xuso mudan in qaar badan oo dowladaha caalamka ka mid ah ay ku baraarugeen halista balaastiga iyo bacaha oo markaa ay soo rogeen shuruuc cusub oo mamnuucaysa adeegsigooda ama xadidaysa sidii loo adeegsan lahaa iyo qaabkii la isaga fogayn lahaa markii la adeegsado kadib. Waxaase nasiibdarro ah in aysan soomaalidu ilaa hada ku baraarugin arrintaan oo aad
arkayso caagag iyo baco meel walba daadsan oo dhirtii dusheeda iyo dhulkiiba si isku mid ah ugu baahsan. Waana halis caafimaad iyo xadgudub ka dhan ah noolaha iyo bay'addaba. Waxaana loo baahan yahay inay bulshadu ku baraarugto arrintaan oo laga hortago in qashinkaan meeshii la doono lagu tuuro. Waana in dhinacna laga yareeyo adeegsiga bacaha iyo cagaaga, dhanka kalena shuruuc iyo nadaam loo yeelo qaabkii loo fogayn lahaa markii la isticmaalo oo markaa la ganaaxo cidii ku xadgudubta shuruucdaas.

Qaababka munaasibka ah ee loola tacaali karo qashinka caagaga iyo bacahana waxaa ka mid ah in laga wacyigaliyo bulshada arrintaan ayada oo la adeegsanayo warbaahinta noocyadeeda kala duwan. In sidoo kale shirkadaha ka gacansada biyaha mineral-ka ah iyo ganacsatada soo dhoofsata bacaha laga dalbo inay dib u aruuriyaan caagaga iyo bacaha ay ayagu markii horeba keeneen si ay ayagu dib-u-samayn ama Recycling ugu sameeyaan caagagaas iyo bacahaas ama ay dalka dibadiisa ugu diraan oo ku wareejiyaan shirkadaha awooda inay qashinkaas dib u sameeyaan. Dhanka kalena in bulshada lagu wacyigaliyo in balaastiga ay adeesadaan aysan tuurin, balse ay ku wareejiyaan cidii qaabilsan aruurinta iyo fogaynta qashinkaas sumaysan.
______________________________________
1- Halkaan ka akhri warbixin arrintaas ku saabsan

No comments:

Post a Comment