Monday, January 1, 2018

Qabiilka Wakhtigiisii Waa La Dhaafay!

Allaha u naxariistee caalimkii muslimka ahaa ee la oran jiray Cabdurraxmaan ibn Muxamad ibn Khalduun markii uu kitaabkiisa caanka ah ee loo soo gaabiyo "المقدمة" uga hadlayay fikrada tolka "العصبية" iyo fikradaha ku lamaan sida hiilka ka dhexeeya dadka isku qabiilka sheegta wuxuu tilmaamay in asal ahaan halka ay fikrada hiilku ku xoog badan tahay uu baadiyaha yahay. Islamarkaasna sababta ka dambaysa isu hiilinta tolka reer baadiyaha ah ay tahay ayaga oo waajahaya duruufo adag oo dhanka nolosha ah kuna khasban inay mar walba helaan waxyaabihii nolosha asaasiga u ahaa. Maadaama marka qofka reer guuraaga ah ee baadiyaha dagan uu yahay qof la harjadaya daruuriyaadkii asaasiga ahaa ee nolosha wuxuu u baahan yahay cid uu kaashado oo gacan ka siisa inuu bay'adaas qallafsan ku badbaado. Sidaas daraadeed ayay marka reer guuraagu u adeegsadeen fikrada hiilka iyo iskaashiga la xiriira, ayaga oo dhinacna maciishada ka raadinaya, dhinacna uga baahan gabaad iyo cid u hiilisa markii ay maciishadaas dadagaal u galaan. Wuxuu ibn Khalduun isla kitaabkiisaas ku xusay in markii ay isbadasho bay'adii uu qabiilka reer guuraaga ahi ku noolaan jiray oo uu u gudbo nolosha magaalada iyo ilbaxnimada ay daciifayso fikradii hiilka oo la isaga tagayo; waana arrinta uu ku tilmaamay "فساد العصبية" ama halaabidda tolnimada. Marka uu ibn Khalduun sidaas wax u qiimaynayo, waxa uu aragtiisa ku salaynayaa fikrada uu ku magacaabay Dabeecadaha Deegaanka "طبائع العمران" ama Qawaaniinta Ijtimaaca. Taas macneheedu waa in habdhaqanka hiilka iyo iskaashiga tolka ee ka dhexeeya reer guuraaga inta ay nolosha baadiyaha ee adag ku jiraan, iyo iskabadalka arrintaas ku dhacaya markii ay reer guuraagu ilbaxaan oo fahmaan nolosha magaalada ay labaduba salka ku hayaan qawaaniin dabeeci ah oo xukuma wada noolaasha iyo isu imaatinka banii-aadanka.

Ayada oo marka tixraac laga dhiganayo aragtidii ibn Khalduun, ayaa maanta jawaab loo raadin karaa sababta ay soomalida dhexdeeda uga hanoqaadi la'dahay dowladnimo dhab ah. Waxaana midaas lagu fasiri karaa in soomaalidu ay doonayso inay iswaafajiso labo fikradood oo aan la iswaafajin karin: fikrada dowladnimada oo ah guudka ama halka ugu sarraysa ilbaxnimada banii-aadamka. Iyo fikrada qabiilka iyo qabyaalada  oo ah fikrad deegaankeeda dabeeciga ah uu baadiyaha yahay oo aan qayb ka ahaan karin ilbaxnimada iyo horumarka.
Doonitaanka ay marka soomaalidu doonayso inay hal meel isugu keento dowladnimo iyo qabyaalad ayaa asal iyo sababba u ah xasaradda iyo mashaakilka ay soomaalidu ka bixi la'dahay. Fikrada qabiilku ma ahan marka mid hanaanka dowlanimada iyo ilbaxnimada sinnaba ula jaanqaadi karta.
Sidaas daraadeed ayay soomaalidu ku khasban tahay inay kala doorato ilbaxanimada iyo horumarka dowladnimada iyo dib dhaca iyo liidashada qabyaalada iyo tol-jeclaysiga. Sababtoo ah in la isku dayo iswaafajinta labadaas arrimood ama in hal meel la isugu keeno waa wax ka hor imaanaya Qawaaniinta Ijtimaaca ama arrinta uu ibn Khadluun ku tilmaamay "طبائع العمران".

Qabiil
Qabiilku wuxuu caqabad ku yahay isdhexgalka bulshada
Waxaana in la xuso mudan in waxa maanta ay soomaalidu u taqaano qabiilka iyo magacyada tirada badan ee ay kala sheeganayso aysan ahayn wax noqon kara asaas qaraabonimo oo qofku uu ehel ahaan ugu xiriiyo dadka ay magacaas wada sheeganayaan. Qaraabada dhabta ah  ee ay diinteenu na fartay inaan isku xiriirino waa tan dhow ee qofka labada dhinac ee aabihiis iyo hooyadiis ka soo gasha (labada waalid ee qofka iyo waalidiintood, ubadkiisa, walaalihiis iyo inta ay dhaleen, adeeradiis iyo eedooyinkiis, abtiyaashiis iyo habaryarihiis) iyo wixii intaas meel ka soo gala sida dadka xididka ah. Intaas wax ka baxsan sida qabiil iyo jifo inuu qofku isku mashquuliyo waxay la macne tahay in asaga iyo bulshada wayn ee uu ka tirsan yahay uu kala dhex dhigo wax kala fogeeya oo kal xiraya. Shakhsiyaadka ay bulshada ilbaxa ahi ka kooban tahayna waxa isu keena waa dan guud iyo masaalix qof walba uga xiran bulshada inteeda kale. Wadada saxda ah ee marka uu qofku u mari karo masaalixdaas bulshada uga xiran waa asaga oo adeegsada kartida uu shakhsi ahaan leeyahay iyo aqoontiisa si uu mudnaan ama "Merit" ugu helo waxa uu doonayo.
Arrinta ah marka inuu qofku qabiil wax ku noono waa dhaqan reer baadiyenimo ka tarjumaya iyo ilbaxnimo la'aan. Waana dhaqan wakhtigiisii la dhaafay oo in lag isaga tago oo laga guuro ay tahay.

Sida uu muujinayo muuqaalka la socdo qoraalkan, shakhsigii soomaaliga ahaa iyo guud ahaan bulshadii soomaaliyeed ee uu ka dhashay waxaa dhexdooda ku
jira qabiilkii oo caqabad ku ah inay isu gudbaan. Sidaas caksigeed, habdhaqanka saxda ah ee ilbaxnimadu ay ku jirto waa inaan loo dhexeyn qofka iyo bulshada guud ee uu ka dhashay si loo helo wax-isdhaafsi miro dhal ah oo dhex mara shakhsiyaadka ay bulshadu ka kooban tahay. Waana arrintaan mida uu qabiilku carqaladaynayo oo uu hor taagan yahay.
Xalka caqabadaas looga gudbi karona waa in qofka soomaaliga ah uu garto in danihiisa iyo masaalixdiisaba ay ku xiran yihiin soomaliwayen oo dhan. Inuusan ku kadsoomin maamul-beeleed ay dhistatay beeshiisu oo asagii ka xayndaabaya kana hor istaagaya inuu fursado badan iyo manaafic  uu heli lahaa hadii uusan isku koobin maamulka qabaliga ah ee ay reerkiisu waabteen.
Qofka soomaaliga ah waa inuu iswaydiiyo:
- qabiilkaygu ma isiin karaa baasaboor la igu qiimeeyo oo aan dunida ku maro oo leh haybad qarannimo oo la igu ixtiraamo? Jawaabtu waa MAYA! Qabiil ma bixiyo baasaboor qarannimo huwan oo ay dunidu ixtiraamayso.
- qabiilkaygu ma damaanad qaadi karaa in uusan ciidan shisheeye oo dal ajnabi  ah ka yimid igu bahdilin dalkayga gudihiisa oo uusan ciidayda ku soo xadgudbin? Jawaabtu waa MAYA! Shisheeye soo duulay dowlad qaran ah oo kaliya ayaa ciideeda iyo shacabkeeda ka difaaci karta.
- Qabiilkaygu ma awoodaa inuu i siiyo dhul boqolkaal kun oo km² ah oo aan gees ilaa gees manaaficda iyo masaalixda aan leeyahay ka heli karo anigoo aan cidna marti uga ahayn? Jawaabtu waa MAYA!

Intaas iyo in ka badanba waa in uu qofka soomaaliga ah iswaydiiyo oo uu garto in dantiisu ay ku jirto inuu soomaali inteeda kale wax la qaybsado oo uu qaran la dhisto asaga oo cidna aysan afkiisa ku hadlayn ama qabiil uusan wax u go'aaminayn. Waa inuu adeegsado codka uu shakhsi ahaan asagu leeyahay oo aysan cidna u soo xulin xildhibaankii asaga matali lahaa. Intaas hore oo dhan hadii la soo gaabiyona; waa inuu qof ilbax ah noqdo.

No comments:

Post a Comment