Dhaqaqaaqa xoraynta haweenka waa dhaqdhaqaaq taariikh ahaan kasoo jeeda qaaradda Yurub, laakiin ku kobcay dalka Maraykanka bilowgii qarnigii 20aad. Fikirka xoraynta haweenka wuxuu qayb ka yahay isbdalladii waawaynaa ee qaaradda Yurub ka dhacay lagasoo billaabo markii uu dhacay kacaankii Faransiiska 1789kii. Kacaankaas oo bilow u ahaa dhalashada dowladda cilmaaniga ah. Ayadoo sida la og yahay cilmaaniyaddu ay tahay mad-hab qaba in diinta gabi ahaanba laga fogeeyo nolosha guud ee mujtamaca (dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo ijtimaaca intaba). Fikradda xoraynta haweenka marka waxay hoos tagaysaa mad-habkaas cilmaaniga ah.
Inkasta oo feminism-ka muuqaal ahaan loo ekaysiiyay arrin ku saabsan u ololaynta xuquuqda haweenka, hadana xaqiiqo ahaan markii loo fiirsado waxyaabaha ay dalbanayaan shakhsiyaadka hormuudka u ah ururada feminism-ka waxaa soo baxaysa inaysan qadiyaddaas ahayn mid xuquuq ku saabsan. Matalan, waxaa ka mid ah waxyaabaha ay doonayaan dadka u ololeeyay arrimaha feminism-ka, in la baabi'iyo dhamaan kala duwanaanta u dhaxaysa ragga iyo dumarka (xataa kala duwanaanta dabeeciga ah oo abuurka la xiriirta)1.
Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay codsanayaan in dhismaha luuqadda wax laga badalo oo dib loo qoro. Sababtoo ah ayaga waxay la tahay in luuqadaha uu banii-aadamku hada ku hadlo ay yihiin luuqado u danaynaya ragga. Tusaale ahaan, waxay feminist-yaashu aaminsan yihiin in kalmadda "history" ama taariikhda ay tahay "his story" oo macneheedu yahay "sheekadiisa". Waxay leeyihiin middaas waxay calaamad u tahay in dhisamaha luuqadda ee xaadirka ah uu ragga u eexanayo. Waxay dalbadeen marka in la badalo dhismaha luuqadda si'uu u noqdo mid u daneynaya haweenka. Waxay soo jeediyeen marka in kalmadda "history" la badalo oo laga dhigo "herstory" oo ah "her story" ama sheekadeeda.
Sidaas si la mid ah, waxaa jirtay fikrad noocaas ah oo dunida muslimka soo gaartay oo ay wadatay haweenay la yiraahdo "Hudaa Shacraawi" oo u dhalatay dalka Masar. Shir 1944kii ay haweenaydaas ka qayb gashay oo ku saabsanaa u ololaynta feminism-ka ayay ka sheegtay inay lagama maarmaan tahay in dhismaha luuqada carabiga wax laga badalo si loo helo sinnaan ragga iyo haweenka u dhaxaysa. Waxay soo jeedisay in luuqadda carabiga laga saaro "نون النسوة" ama (nuunka haweenka) oo qayb ka ah naxwaha luuqadda carabiga.
Cajaa'ibka feminism-kana intaas kuma eka, oo indha-adaygooda wuxuu gaaray ilaa heer ay codsadaan in diimaha laftirtkooda dib u habayn lagu sameeyo si'ay u waafaqaan falsafadda feminism-ka. Waxay soo jeediyeen in markii laga hadlayo Ilaahay looga hadlo qaab dhedig ah, tusaale ahaan in la yiraahdo "ilaahay waxay tiri"! Ayagoo midaas qiil uga dhigaya in diimaha qaabka ay hada u dhisan yihiin uu yahay mid ragga kaliya u danaynaya. Fikradda noocaan ahna ilaa xad way ka dhaqan gashay reer galbeedka. Diinta kiristaanka iyo tan yuhuuddana waxaa lagu khasabay inay dib u habayn ku sameeyaan qaabka ay kaniisadahooda u shaqeeyaan. Ayadoo wakhtiyadaan dambe ay soo bateen baadarayishaasa haweenka ah oo kaniisadahaas ay magacaabayaan. Taasoo aan horay u dhici jirin. Sidoo kale waxaa diimahaas lagu khasbay in tafsiirka buugaagtooda (injiilka iyo towraadka rogan) asna lagu jaan gooyo qaab waafaqsan aragtida feminism-ka.
Qorshaha femimist-yaashana wuxuu hadeer xoogga saarayaa in laga dhaqan galiyo dhulka muslimiinta waxyaabaha horay looga soo dhaqan galiyay reer galbeedka. Sidaas darteed waxaad arkaysaa inay soo badanayaan xad-gudubyada loo gaysanayo diinta Islaamka iyo sharcigeedaba. Ficilkii ay ku kacday haweenayda la yiraahdo Aamina Waduud oo talefashinada lagasoo daayay ayadoo rag tujinaysa, iyo sidoo kale dhacdooyin ficilkeedaas la mid ah oo meelo kala duwan oo Maraykanka ah ka dhacay waxay dhamaantood qayb ka yihiin cadaadiska lagu hayo muslimiinta. Ayadoo la doonayo in lagu dirqiyo inay diintooda rogaan oo kitaabkoodana ay muxarraf ka dhigaan, si'uu u waafaqo ajandayaasha ururada u ololeeya feminism-ka. Si arrinkaas loo gaarana waxaa lagu kacayaa falal xad-gudub ku ah caqiidada Islaamka. Waxaad arkaysaa marka inay soo badanayso aflagaaddada loo gaysanayo nabi Muxammad (nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaadeene). Waxaad arkaysaa in Quraanka kariimka ah lagula kacayo falal xun xun sida in musxafka la googooyo ama lagu tuuro meel aan daahir ahayn sida ka dhacday wadamo kala duwan (Tuunis, Ciraaq, Afqaanistaan, Soomaliya iyo meelo kale). Waxaas oo dhan waxaa looga dan leeyahay in muslimiinta qalbigooda laga saaro haybadda ay diintooda u hayaan. In wax caadi ah looga dhigo ku tumashada iyo ka tilaabsiga shariicada Islaamka. Midaas markii ay dhacdo ayay si wanaagsan u dhaqan gali karaan mashaariicda feminism-ka iyo dhamaan waxyaabaha la xiriirka la leh sida dhaqamada aan debeeciga ahayn ee ficilkii Qowmu-Luud uu ka mid yahay.
Mashaariicda feminism-ka ay ka wadaan dalalka muslimiintana waxaa ka mid ah la dagaallanka guurka, ayagoo midaas marmarsiiyo uga dhiganaya ilaalinta xuquuqda gabdhaha. Waxay ku andacoonayaan inay gabdhaha ka ilaalinayaan guurka khasabka ah, xaqiiqa ahaanse waxa ay doonayaan waa inuu guurku yaraado si'ay macaasida iyo sinadaba u bataan. Waxba kama qabaan inay arkaan gabar 13 jir ku qaadaysa uur xaaraan ah. Aad ayayse uga xumaanayan hadii ay arkaan gabar dhalinyaro ah oo inta guursatay reer dhaqanaysa.
Sida dhabta ahna, Islaamku wuu ilaaliyay xuquuqda haweenka, wuxuuna ka dul qaaday xad-gudubyo waawayn oo lagula kici jiray. Taariikhduna waxay markhaati ka tahay inuu Islaamku yahay midka badbaadiyay gabdhihii carbeed ee ayagoo nool la duugi jiray. Inuu yahay midka badbaadiyay gabdhihii Masar oo lagu tuuri jiray wabiga niilka ayagoo nool. Dhulka hunuuddana, xaakimkii ugu horeeyay oo mamnuucay in haweenka ay ragoodii dhinteen la gubo ayagoo nool wuxuu ahaa muslim ku tarbiyoobay caqiida Islaamka. Islaamku waa midka dhaxalka siiyay una ogolaaday inay hanti u agaar ah yeeshaan haweenka ayadoo cidna aysan dhaxal iyo hantiba u ogolaan jirin.
____________________________
1- Haweenay la yiraahdo Donna Haraway oo feminist ah ayaa ka mid ah dadka dalbanaya in gabi ahaanba la diido farqiga dabeeciga ah oo u dhaxeeya ragga iyo dumarka. Waxay haweenaydaan soo jeedisay in tiknoolojiyadda loo adeegsado abuuritaanka makhluuq cusub oo lab iyo dhedig midna aan ahayn.
____________________________
1- Haweenay la yiraahdo Donna Haraway oo feminist ah ayaa ka mid ah dadka dalbanaya in gabi ahaanba la diido farqiga dabeeciga ah oo u dhaxeeya ragga iyo dumarka. Waxay haweenaydaan soo jeedisay in tiknoolojiyadda loo adeegsado abuuritaanka makhluuq cusub oo lab iyo dhedig midna aan ahayn.
No comments:
Post a Comment