Friday, May 4, 2018

Maraykanka Iyo Farogalinta uu ku Hayo Amaanka Soomaaliya

Laga soo bilaabo qaraxyadii 11/9 waxaa isa soo tarayay farogelinta ay dowlada Maraykunku ku hayso arrimaha amaanka ee Soomaaliya, ayada oo qiil ka dhiganaysa la dagaallanka argagixisada. Laga soo bilaabo sannadkii 2006 waxaa si muuqata u soo baxayay fangaraynta mashaariic dhanka amaanka iyo ciidmada ah oo ay dowladaan ka fulinayso gudaha Soomaaliya. Mashaarciidaas qaybahdooda hore waxay u badnaayeen fangarayn iyo talo-siin ay dowlada Maraykanku wado balse aysan ciidamadeedu si toos ah qayb uga ahayn. Waxaana jiray warar in mudo ahba sheegayay in dowlada Maraykanku ay saldhiyo qarsoon ku leedahay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah. Saldhigyadaas oo uu ugu wayn yahay, uguna caansan yahay saldhiga ay ku leedahay Ballidoogle.

Bishaan sadexdeedii (03/05/2018) ayaa websiteka Vice News ee Maraykanka laga leeyahay wuxuu daabacay warbixin dheer oo ka hadlaysa sida ay u sii ballaaranayso farogelinta dhanka amaanka ah ee Maraykanku uu ka wado gudaha Soomaaliya, iyo ilaa heerka ay dowladaan la wareegtay ciidankii nabadsugida iyo miliatarigii Soomaaliya ayada oo ku soo gabanaysa "taageerada" ay Soomaaliya siiso ee dhanka tabaraka ciidanka iyo fangarayntiisaba. Waxaase warbxintaas ku cad in fangarayntaas ay ka dhigtay ciidankii nabadsugida ee Soomaaliya maleeshiyo ay dowlada Maraykanku iska leedahay oo ayada si toos ah uga amar qaata. Waxay warbixintu sheegaysaa in ciidamada amaanka ee NISA qayb ka mid ah oo la yiraahdo Gaashaan ay gabi ahaanba gacanta ugu jiraan saraakiisha Maraykanka ah oo aysan askarta guutadaas ka tirsan xataa ka soo bixi karin saldhigyada Maraykanka wax aan ka ahayn maalmaha fasaxa sida Jimcaha. Sidoo kale waxay warbixintu xustay in cida dajinaysa ajandaha iyo istiraatiijiyada ay ku howlgalaan ciidamada Soomaaliya ay yihiin taliyeyaasha Marayaknka ah ee ku sugan Soomaaliya gudaheeda. Waxayna warbixintu sheegaysaa in gacan ku haynta ay Maraykanku gacanta ku hayaan ciidmada nabadsugidda Soomaaliya ay gaartay heer ay Maraykanku shaqada ka cayriyaan madaxda Soomaaliyeed ee ka horyimaada amarrada ka soo baxa saraakiisha Maraykanka ah ee ka howlgala Soomaaliya.
Intaas waxaa dheer in saldhiga Ballidoogle ee ay Maraykanku dagan yihiin ay ku socoto ballaarin iyo waasicin ayada oo midaas looga danleeyahay inuu guri u noqdo ciidamo tiro badan oo Maraykan ah. Sida warbixintu sheegtay, waxaa hada Soomaaliya ku sugan ciidamo Maraykan oo tiradoodu gaarayso ilaa 500 oo askari. Si joogitaankaas Maraykanka iyo isballaarintiisaas uu Soomaaliya ka wado aan su'aal looga keenin faa'iidada ay amaanka Soomaaliya u leeyihiin (maadaama argagixasadii magaceeda lagu soo gabanayay ay wali dalkii joogto oo aan laga adkaan) waxay saraakiishii Maraynku afeef ka sii dhiganayaan in isbadalka iyo horumarka dhanka amaanka ee Soomaaliya uusan ahayn wax si fudud loo cabiri karo. Taas macneheedu waa: ha na waydiinina sababta aan Soomaaliya u joogno oo aan ciidamadeediina ugu adeegsananyo sida maleeshiyo aanu annagu iska leenahay.
Waxyaabaha cadaynaya ilaa heerka ay Maraykunku xaqirayaan soomaalidana waxaa ka mid ah in saldhiga wayn ay ee Ballidoogle ay ku leeyihiin ay asakrtooda u bxiyeen magaca ah "B-dog" oo macneheedu yahay "B-ey" ama kalab. Waxaana la oran karaa waa erey-bixin soo koobaysa aragtida ay Maraykanku ka haystaan ciidamada Soomaaliya iyo qaabka ay doonayaan inay u adeegsadaan.

Su'aashu marka waxay tahay: maxaa shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumada federaalka iyo baarlamaankaba la gudboon? Jawaabta ugu hooraysa ee su'aashaan ay leedahayna waa in marka koowaad uu baarlamaanku kala xisaabtamo xukuumada arrintaan oo uu waydiiyo. Sababtoo ah arrintaan waa mid si toos ah xiriir ula leh madaxbannaanida dalka iyo qarannimadiisa. Taas waxaa ku xigta in xukuumada fedaraalka lagala xisaabtamo istiraatiijiyadeeda ku aadan la dagaallanka argagixisada. Sababtoo ah ma jiraan wax damaanad qaadaya inay dhab ka tahay Maraykanka inuu la dagaallamo argagixisada iyo inuu ciribtiro midna. Waxaana tusaale noogu filan in wali aan lahayn dal uu Marayakan argagxiso kula dagaallamay oo uu ka ciribtiray.
Laga soo bilaabo qaraxyadii 11/9 markii uu Maraykanku ku dhawaaqay la dagaalanka argagixsadana way sii badanayeen ururada argagxisada, oo hadba urur argagixiso ah oo magac cusub wata ayaa soo baxayay. Sidaas daraadeed baa loo baahan yahay inaan lagu lug go'in dhalanteedkaan uu Maraykanku wato ee uu u bixiyay: la dagaallanka argagixsada.
Waxaana waajib ah inay soomaalidu ayadu la timaado istiraatiijiyadii lagula dagaallami ahaa argagixsada dalka ka jirta. Sababtoo ah waa mushkilad ugu horraynba soomaalida khusaysa oo ayada dhexdeeda ka taagan. Loogamana gudbi karo mushkiladaas in albaabada loo furo dowlado shisheeye oo dalka dano gaar ah u yimid. Waxaana hubaal ah inaysan argagixisadu ku baxayn dadaal uu Maraykan wato. Sababtoo ah hadii ay argagixisadu ka dhamaato Soomaaliya ma heli karo Maraykanku qiil uu dalka ku sii faragaliyo oo uu saldhigyo milatari uga sii furto. Sidaas daraadeed ayuu Maraykanku yahay cida ugu horreysa ee aan doonayn inay Soomaaliya ka dhamaato argagixisadu.

Dalku wuxuu u baahan yahay in fargogelinta shisheeyaha laga yareeyo oo la koobo islamarkaasna la ogaado waxa ay dalka ka wadaan dowladahaan iyo hay'adahaan magacyada kala duwan ku jooga dalka. Ma ahan in lagu indhosarcaado shilimaad yar oo dowlad ama hay'ad ay bixiso oo kadibna ay dalka uga adeegato sidii ay doonto. Sidaas ma ahan sida ay ku soo kabtaan umadaha doonaya inay ka baxaan burburka. Sababtoo ah sidaan waxay ugu horraynba gacanteena ka saaraysaa madaxbanaanidii aan ku noqon lahayn dad dalkooda maamuli kara. Sidaas daraadeed ayay waajib tahay in xuumada wax laga waydiiyo ciidamadaan aan gacanteedaba ku jirin iyo dowladahaan uu Maraykanku ugu horeeyo oo dalka iska maamulanaya. Cida inay su'aashaas keento loo baahan yahayna waa muwaadinka ah caadiga ah ee noloshiisa ay sida tooska ah u saamaynayaan xaaladaha jahwareerka ah ee dalka ka taagan. Waa in ugu horraynba dadka shacabka ah ay arimaha noocaan ah ayagu wax iska waydiiyaan oo ay ka wada hadlaan si ay u noqoto qadiyad ay xukuumadu ku baraarugsan tahay. Maxaa yeelay cida la doonayo inay xukuumadu u danayso oo masaalixdooda ay ka shaqayso waa dadka shacabka ah ee dalka muwaadiniintiisii ah.

Fiiro Gaar ah: Faroglinta uu Maraykanku ka hayo arrimaha amaanka ee Soomaaliya ma ahan mid ku kooban xukuumada federaalka oo kaliya, balse wuxuu ku fidsan yahay dhamaan maamullada ka jira dalka. Dhamaantood waxaa si toos ah arrimaha amaankooda farogalin ugu haysa dowlada Maraykanka. Shacabka iyo baarlamaanada maamulladaasba waxaa la gudboon inay maamulladooda kala xisaabtamaan farogalintaan. Sababtoo ah cida natiijada farogalintaan ay sida tooska u saamayn doonto oo ku khasaari doonta waa shacabka caadiga ah.
____________________________
Warbixintii Vice News waxaad ka akhrisan kartaa Halkaan.

No comments:

Post a Comment