Saturday, April 14, 2018

Khiyaanooyinka ay Isticmaasho Shirkada DP World ee Dalka Imaaraadka Carabta

Xigasho: Cabdullaahi Nuur Kolombo (Bogiisa Facebook)
Qoraalka asal ahaan waxaa qoray oo laga soo xigtay: Abdirashid Hussein Yusuf
_____________________


Waxa baryahan ina haysatay arinta DP world iyo Somaliland, taasoo ah, heshiiska la sheegay inuu yahay sadex geesoodka ee dhex maray Somaliland, Ethiopia iyo DP world oo ah shirkad ka shaqaysa arimaha dekedaha,lagana leeyahay wadanka isutaga imaaraadka carabta.
Waxaan dabagal kooban ku sameeyey shirkada DP world, bal nooca ay tahay shirkad ahaan, ma shirkad gaar loo leeyahay oo saami ku dhisanbaa ?
Ma shirkad qof leeyahay baa ?
Ma shirkad dowladi leedahay oo hay’ad dowladeed ah baa ?.
DP World
Si kooban hadaan uga jawaabo markaan dabagal iyo xog badan raadiyey oo ku saabsan shirkada Dp Word, siyaasada ay ku shaqayso, maaliyada ay ku shaqayso, istaraatijiyada ay raacayso ee dajisan, iyo istaraatijiyadaasi halka ay ka duulayso, wada hadalada sida ay u bilowdo ( negotiation styles) oo ah qaab dowladeed, waxaasoo dhan markaad eegto waxa kuusoo baxaysa :
Shirkada Dp World waa shirkada dowladeed, kuna shaqaysa siyaasada dowlada imaaraadka, maalgalinteeduna ama dhaqaalaha ay ku shaqaysa waa dhaqaalaha dowlada, waana hay’ad dowladeed, wadahadalada maalgalineedee aduunka ay la yeelato, waxay u bilowdaa qaab dowladeed iyadoo la kaashanaysa wasaarada arimaha dibada iyo safaaradaha dalkeeda, waa imaaraadka.
Istaraatijiyada ay ku shaqaysaa maaha mid ganacsi shirkadeed oo kale , waxay ku shaqaysaa istaraatiyad dowli ah oo ku dhisan,ilaalinta dekedaha wadanka isutaga imaaraadka carabta iyo curyaaminta dhamaan meel kasta oo khatar uga imaan karto dekedaha wadanka imaaraadka, waa istaraatijiyad dowladeed oo dhamaystiran, oo ku dhisan in la ragaadiyo wax alaale waxii loo arko inay khatar ku yihiin mustabalka ama dubai kula tartami kara isku xidhka Africa,asia,yurub, America iyo bariga dhexe.
Maamulkeeda ama CEO ga shirkada iyo board keedaba hanaanka loo maamulo,waa hanaan dowladeed, waxana xubno waawayn ka ah dowlada wadanka isutaga imaaraadka carabta.
Waa shirkadaha ugu waawayn caalamka ee ka shaqeeya arimaha dekedaha , waxaanay si wacan ula shaqeeyaan dhamaan wadamada wax iska celinkara ee awooda leh heshiiyo wac wacan ayay la gashaa, kuwa gobolka ku yaala gaar ahaan Africa ama wadamada aan awooda badan lahayna way boobtaa, waxaanay la gashaa heshiisyo ku dhisan dulmi, oo ah inay koox yar oo xaqu qalin raadisa,ay u miisto xaqul qalinka,ka dibna ay dadkaas hantidooda dhaxal wareejiso.
Waxa kale oo ay samaysatay shirkado yar yar oo iyada hoos yimaada sida P/O company oo ah shirkad yar oo ah ta la wareegtay dekeda boosaaso, magac ahaan way ka duwantahay,laakiin waxay hoos timaadaa Dpworld ninka Sultan Ahmed bin Sulayem la yidhaa ayuunbaa gudoomiye u ah, una saxeexa heshiisyada, waxaanay barbar wadaa shirkado kale oo yar yar oo loogu talo galay inay macdanta gurtaan, dhagxaanta iwm, kuna soo gala wadanka magaca DP World, waxana shirkadahaas yar yar ka howlgalaan somalia, yemen, Eritrea, burkinafaso iyo qaar kale.
Marka la eego qaabka ay heshiiska ula gashay Somaliland, hanaanka ay markiiba ula wareergtay dekeda Berbera, waxa kuusoo baxaysa, in shirkada DP world aanay rabin maalgaline, ay wadodhaxal wareejin iyo inay fadhiisiso dekeda Berbera .

Kooxda ku suntan xaqul qalinka ee hormoodka u yihiin xubo ka tirsan dowlada cusub/ ka tirsanaan jiray dowladii siilaanyo, waxa uu hamigoodu yahay kaliya inay helaan xaqul qalin, dhowr cishana galaan huteelada waawayn ee isutaga Imaraadka carabta, diyaaradana raacraacaan, ka dibna si waqtiyeysan ay kolba ummadda isu soo hortaagaan intay isa soo giigiijiyaan kaliya waliba ay ku faraxsanyihiin mooyee, aragti iyo siyaasad, lexejeclo , wadaniyad, faham ay fahamsanyihiin hantidooda midna ma jirto.
Dp World marka lagu eego indhaha qaanuuniga ah waxay noqonaysaa, Tuug shisheeye oo kaashanaaya tuug sokeeye, una soo tafo xaydatay inay dulmido umad yar oo aan awood lahayn, meel ay u dacwoodaan, kuwii ilaalin lahaana u samaysteen kiishash waawayn.
Waxaan eegay khiyaanada ku jirta hanaanka ay u qoreen documents kooda qayb ka mida.
Waxay sheegeen inay galin doonaan dekeda Berbera maalgalin dhan 442 million oo dolarka Mareykanka ah laakiin markii ay qorayeen sida ku cad shabakadooda waxay u qoreen inay maamulayaan ka dibna maalgalinayaan.
Qodobkaas marka lagu eego hanaanka sharci ama heshiis waa kiyaano cad oo ah waanu maamulaynaa, markaanu idiin maamulno, waxii ka soo baxa ayaanu ku maal galinaynaa.

Hadii sidaas loo qeexo macnuhu waxa uu noqonayaa, anagu waxba galin mayno,idinka ayaanu iskugu kiin celcelinaynaa.( we are managing the port and then after we collect the revenue, we will make the investment). Waanu idiin maamulaynaa, macnaheedu yahay ma maamulan karaysaan.
Markaad eegto qaabkaas iyo sida imika wax yihiin oo ah inay la wareegtay dekedii iyadoon waxba galin, iyo qaabka ku cad qoraaladeeda, way is waafaqayaan.
Erayada kala ah (management/Administration) iyo (Investment), marka heshiis lagu xusaayo waxay ku xidhantahay hadba heshiiska nooca uu yahay.
*Hadii heshiisku yahay (maarayn/maamul kaliya ) waa heshiis ku dhisan wareejin,la wareejinaayo maamulka iyo maaraynta hantidaas,dowladuna lacag yar nadiifa uun qaadanayso iyadoo la raacayo,aragtiyaha (privatization of national assets). Waa maamul iyo maarayn, waa sawirka uu leeyahay waxa lagu sheegay heshiiska berebra.
*Hadii la raaco Ereyga (Investment/Maalgalin),waa eray ah in la samaynayo maalgalin, lacag wadanka la galinaayo, oo shirkadaasi ay wadanka lacag gashanayso markaas waa heshiis ku dhisan maalgashi.
*Hadii lays raaciyo maalgashi ka dibna maamulid/maarayn, waa heshiis ah dalkaaga waxbaan gashanayaa, ka dibna si aan waxaygii aan gashayday ula soo noqdo, anaa maamulaaya, ( investment and management ).
Noocan oo kale,shirkadi lama wareegi karto hantida, hadaanay samayn maal galin, wa inay marka hore wax gashataa hantida la maalgalinaayo, markaasay xalaal u noqonaysaa inay maamuli karto, waayo waxbay ku leedahay.
*Marna waxa israaci kara ‘Maamulid ‘ka dib ‘Maalgashi’ oo ah heshiis ku dhisan maamulid ama maarayn, ka dibna hantidaas waxii ka soo baxa in dib loogu maalgaliyo. macnaha waxba gashan mayso cida heshiiska lala galayaa ee waxii uunbay hagaajisanaysaa.

Waxa alaale wixii kale ee laynoo sheegay oo dhan hadal uunbay ahaayeen.
Waxa la samaynayaa 400 mitir oo dekeda ah, shirkad cusub BPA, 5 sano ee hore lama wareejin karo saamiyada, maalgalintii 442 million ahayd ee la xusay oo si dadka loogu suuxiyo oo aan bilaabmin iyo dib u casriyeyntii dekeda, dp world oo iska haysatay mudo imika dekeda,waxaasoo dhami waxay muujinaysaa in asalka heshiisku ku dhisanyahay maarayn ee aanay dp world diyaar u ahayn maalgashi ku samayso dekada ber bera.
______________________________
Qoraal ay Diiradda sanadkii 2017 bishii Maarso ka diyaarisay danaha ay Dowlada Imaaraatku ka leedahay heshiisyadaan dakadaha ku saabsan ee ay soomaalida la galayso waxaad ka akhirisan kartaa Halkaan

No comments:

Post a Comment