Gabayga hoos ka muuqda waxaa tiriyay abwaan Mahad Maxamed Jimcaale. Wuxuuna tiriyay gabaygaan sanadkii 2015. Markii la fiiriyo nuxurka gabayga iyo macnaha uu xambaarasan yahay, waxaa loo qaybin karaa afar qaybood oo kala ah:
1- qayb horudhac ah oo gabyaagu uu ku furfurtay gabayga.
2- qaybta labaad wuxuu gabyaagu si guud uga hadlayaa xaalada ay ku sugan tahay dunida aan maanta joogno, iyo bururka dhanka akhlaaqda ah ee hareeyay
dunida oo dhan.
3- Qaybta sadexaad wuxuu gabyaagu ku soo qaatay taariikhdii iyo maqaamkii
wanaagsanaa ee umadda soomaaliyeed ay lahaan jirtay, iyo asbaabtii keentay inay soomaalidu maqaamkaas lumiso oo dowladnimadeedii ay burburto, iyo sidoo kale cida masuulka ka ah burburkii dowlada iyo dhibta wali haysata soomaalida. Intaas kadib wuxuu gabyaagu dul istaagay xaalada ay wakhtiga xaadirka ah soomaalidu ku sugan tahay iyo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kala qaybsanaanta soomaalida haysata. Iyo sidoo kale doorka ay dowladaha shisheeye iyo siyaasiga dabadhilifka u ahba ku leeyihiin dhibaatooyinkaas oo dhan.
Abwaan Mahad Maxamad Jimcaale |
4- Qaybta afraadna waa gunaanadkii gabayga, waana saadaal wanaagsan oo gabyaagu uu ka bixiyay mustaqbalka Soomaaliya. Asaga oo tilmaamay in Ilaahay uu dhibkaan ka dulqaadi doono soomaalida oo ay sharafteedii iyo maqaamkii ay lahaan jirtay dib u heli doonto.
Gabaygaan wuxuu cadayn u yahay in murtidii iyo suugaantii soomaalidu ay wali nooshahay. Sidoo kale in damiirkii dadka soomaaliyeed uu asna wali nool yahay.
Waakan gabaygii:
Maandhoow maraan
baan ahaa maqane jooga’he
Mudadaanba
waa anigii mudnaa sida maliilkiiye
Ha yeeshee madluun
iyo waxaa mooge iga yeelay
Hadba madax-ka-wayn
taal oo lala mashquulaaye
Waa marxalad maruuryo
iyo ciil laga macaashaa
Waa muraaqo laabta
iyo qalbigu nala murgaayaane
Af-maroojis iyo waa
qarracan maahsanaashuhuye
Jawigaa marooraye
si kale ugama miigteene
Majliskii aan ka
geeraari jiray kama maqnaadeene
Ma margado hadaan
maago waan marin aqaanaaye
Markii
meheradiisiyo aqliba muuqan kari waayay
Munaasabadna uu
beelay baan moosayoo nacaye
Adinkuna inuu iga
martaad badi i moodeene
Inuu iga
madoobaaday oo la i muraadaystay
Iyo inuu masuug igu
jiroon idinka meermeershay
Mabda’aygu kuu saaran
yahay waad ku murantaane
Balse igama maangoobinoo maluhu waa beene
Allaa igu manaystayoo mulki’yo iiga dhigay maale
Anna waan ku mahadshaa siduu iigu maamulaye
Wax yar baanse mucaaraday anigu mihindiskiisiiye
Awal waxaan ka maattaba hadaan idin maggowsiine
Imikaan maraagiyo ka furay maraqii saarnaaye
Hadii baahi loo soo maroo bari la moogaaday
Miir iyo xareed iyo asagoo malab sidiisii ah
U mashxarada maantayto waa laga marqaan goyne
Mudane iyo marwaba waa waxaad iga mudnaydeene
Waanad iga maqlaysaan hadaan ma’han lay’ orane
Miyir ugu saldhiga waa anigaas soo madaahimaye
Iska maagi maayee ra’yaa lagu macneeyaaye
Nin maroorsha iyo gabayga waa nimuu u muuqdaaye
Munkar iyo wax maalaayacni ah ha ii malaynina
Midkaan anigu leeyahay xaq baan ugu muraadaaye
Madkhal diinta laga qaato iyo waa masalo wayne
Sharci kama marnoo waa kitaab waxaan ka meershaaye
Sidii shiikh minhaajki’yo tuxfaha miraniyoo raaca
Matnigaygi’yo sharaxa waa wada macaankaase
Mar hadaan ku luuqeeyo waa inaad marqaantaane
Maqaamaan ekayn kuma furi’yo meel ka laagaxane
Maanyar iyo dhiraan igu matalin igama miistaane
Malahayga marinkiisa waan mudi aqaanaaye
Maalintii maqderad loo fadhiyo hab iyo miisaan
Oo quburo loo miiray iyo macalimiin joogto
Oo wax maaro loo waayay iyo ay mashaqo taallo
Oo la igu maamuuso waan soo malmaliyaa
Mishinkaan u kiciyaa hadii maaran-waa dhaco
Wixii maqnaa saan muuqan baan soo mir bixiyaaye
Caawana waxbaa igu malkaday kuma madiixeene
Waxaan uga maqnaan waayay baa meesha soo galaye
Sidii maanso wiil iyo ciyaar ha iga moodina
Mowduucyadaydii hadaan miidyaha eego
Maqsadkaan ka haasaabo waad u marag kacaysaane
I maqlooy waxbay’sdaba maroo meerisyaa rogane!
**********
Aduunyadaan mushkiladaysanoo waayahaan murugtay
Aduunyadaan majaha loo rogoo maanku fooraro
Aduunyadaan maduxu go’anyahoo wada maryaadaysa
Aduunyadaan muhdigu yahay suldaan amase mooryaanku
Aduunyadatan tuug muhanniya iyo taliyo maangaabku
Aduunyadaan xalaal-miiradkii lagu macjuufeeyay
Aduunyadaan maquuno iyo nin-door la isku miisaalshay
Aduunyadaan masaakiintii ay madaxa taagayso
Aduunyadaan ninkii magac lahaa muuqan kari waayay
Aduunyadaan dulmigu yahay minoor midig la siinaayo
Aduunyadaan dulliga mahadisoo laga macaashaayo
Aduunyadaan muftaaxii sharkiyo balada khayr mooday
Aduunyadaan maroor iyo xumaan lagu maqsuudaayo
Aduunyadaan marnaba ceebta aan laga mastuurnayn
Aduunyadaan macruuf iyo wanaag la iska meel dhigay
Aduunyadaan maqaawiirtii ay marin-dhacyaynayso
Aduunyadaan manfucu leexiyoo magacii beenoobay
Aduunyadaan masuulkiyo odagu maafiyada raacay
Aduunyadaan maraan waalan iyo wada majnuunka ah
Aduunyadaan muftiga shiikha aan loo masalo laaban
Aduunyadaan sharcigii laga marti’yo maxabadii diinta
Aduunyadaan iimaankii mar hore laga madoobaaday
Aduunyadatan dhiig-malabsiga iyo wada maqtuulka ah
Aduunyadaan macaasi iyo dambow laga mubaax yeeshay
Aduunyadaan khamrigu malab yahoo loo macaansaday
Aduunyadaan munaafaqu xukumo qoon muslin ahaa
Aduunyadaan kufriga magansatoo mooliflaha raacday
Aduunyadaan mudnaan gaal mujrima lagu macsuumaayo
Oo mucatabkiisa iyo shirgiga lagu macaamiilay
Aduunyadaan sunnadii maanacdoo marin-habowga ah
Waa mashaakil iyo yaab halka’y nala maraysaaye
Wax muraalka dhaawacahayoo miiran baa dhacaye
Waxbase hadalka anigoon kor marin ama ka meeraysan
Taariikh la soo maray markaan milicsadoo eego
Inaan caro madoobaado iyo murugo waayaane!
**********
Soomaali’yoo mowqifi’yo maamul iyo xoog leh
Oo muruq Ilaah siiyayoo muunad sare gaadhay
Oo Sharaf ku miisaamanoo hab iyo meekhaan leh
Oo masuul xalaaliyo xukumaa mid u xaqsooraa
Oo calan martabad wayn lahaa Maalig ugu deeqay
Oo nabad macaan iyo xornimo lagu macaashaayo
Oo muxubo khayr iyo jacayl la isku maaweelsho
Oo maalku maadhaas u yahay meel kastana buuxdo
Oo cadowgii maagmaagi jiray mirifta raacsiisay
Oo gumaystihii ceeb mutoo mahadho loo gaystay
Oo nin kibir ismoodmoodi jiray dib u muquunoobay
Oo gaaladii meel walbaba wada muraaqootay
Oo diir madow iyo cadaan nagu midoobeen
Oo madal-ku-ceebow ku dhacay laguna maadaystay
Oo xoog lagu maquunshiyo awood loogu mahan waayay
Oo qoon miririci karaa muuqan kari waayay
Oo qaran matala dunida aan lagu malaynayn
Muhdi baa albaabada u rogay oo muska u furaye!
Cadowgii buu noo maaliyoo mooday gacalkiise
Maalintaas wadadii nagu jabtaan marannay awgeede
Wali waxay maleegaan si ay noo murgiciyaane
Mushrig iyo mihiin gaasun iyo miino noo xiraye
Wax Maraykan qaabinahayaa nagu masiibaa’ye
Mafsad baa la daaweystayoo noo makaansadaye
Magaan iyo miskiin maan yar iyo mahalliggii tuugga
Murquf iyo qoyaan-raacibay naga dhex miirteene
Ayaguna wax la mowti’yay maamulahayaan
Gaalkii mataanaha jaray daba madiixaane
Oo waliba maamuus haboon lagu macsuumaa
Muraadkiyo dantuu leeyahaa loo maskabiyaa
Mabda’ iyo u-jeedkuu watay midig ku siiyaane
Wixii uu ka maagoo xun bay ugu miciinaane
Marnaba kuma majiiraane wa’u-meheradeeyaan!
Ceebta kama mastuurtaan kamana maymayahayaane!
Magac bay u qaybinahayaan labo mataanaaye
Muruq iyo awoodeennii bay kala mallaaleene
Mowqifkay ilaalinahayaan inaan midownaaye
Inay midigtu bidix caawisay kala madnuuceene
Goballada laga kala maadiyoo la’isku mari waayay
Ninba xero ha meegaarto waa ila maqaadiire!
Wax qabyaalad muujinahayoo midabyo shaydaan ah
Oo la’isku maandhaafayay noo mukuliyeene
Madaxwaynayaal boqola waa muran ha taagnaado!
Mabda’ gaalo wadatiyo waxaas waa muraad kale
Waa majaro-habow iyo dagaal ma hudhadiisiiye
Waa maslaxada Soomaaliyeed yayna meel hoyane!
Waxaa shacabka laysugu far-muqin milay colaadeede
Macneyaal qabiil iyo wax daran yay dhex mariyaane
Xumaatay u kala muujiyaan la isku maagaaye
Qolo-qolo markii la isku diroo maar la wada qiiqay
Yay ururro kala mowqifiyo kooxo wada miiran
Oo wada mucaaradana waa nagu musbaareene
Miinshaar wax goysiyo kuwaa muusas loo tumaye
Margigay ka gowracayahaan muuminkii dhalaye
Maqaam dowladeed lama arkoo ma lihin waagaane!
Midkii maamul loo dhiibo waa naga maroorshaaye
Waa mehered nin kale inuu shidoo noo maraa cadow
Nin markhaati gala lama rabo iyo kii muwaadina’he
Mabda’ gaara ruuxii watiyo kaligii mooyaane
Nin mujtamaca dhowroo ma jiro magac la siiyaaye!
Inaad maanta taas mudan tihiin muranka waa ceebe
Nin Ilaahay muun sare ka dhigay magan ma yeeleene
Midgaannimo ma qaateen asagoo magac lahaa wayne !
Manfac lagu takooriyo gunnimo lama marsiiyeene
Ninna kuma muquunsheen waxaan Eebahay mudine
Dibna uma macaasheen asagoo maal lahaa badane
Gaal kuma masruufteen ilmaha macooyadiiniiye
Mooradiina raaxiyo ciyaar kuma marqaameene!
Macaan-dharagladiinii kufribaad maalisoo cunaye!
Adinkuna makhruunyahow ishaad mirig ka siisaane!
Mulki baad dalkii uga dhigteen waana mariyeene
Macdantii dhulkiyo ciiddii bay horay u miisteene
Macdaartii badaa lala baxoo malahan khayraade
Magaciinii iyo sharaftii baad maal ku gadateene
Muslinimadii baad qaadacdeen muunadda lahayde
Iimaankii baad ma lihin iyo maya tiraahdeene!
Ma xishoodeyaal baa dalkii meeriyoo cunaye!
Waa niman dugaaggii matala muhanniga ahaaye
Mindi lagu qalahayaa sifee lagu masruufaaye!!!
Ninkii magaca Soomaaliyeed madaxa loo saaray
Waa kaa madow iyo cidliyo noqoyay muuhaale
Maqaar-saar bilaashuu noqdoo lugu dul maalaaye
Waxba yuu mudnaan iyo xornimo nagu midaysiine
Waxba yuu macaash iyo na tarin maamul iyo khayre
Waxba yuu mushaar iyo xaquuq miiska noo dhigine
Mucjisuuba noo gaystayoo loo mahtalakowye
Imaaraatkii iyo meel walbuu moosay oo xiraye [1]
Waa kaa marsadii xeebuhuu miino noo dhigaye
Wakaa xoolihii waa macduur ma lahan iibkiiye
Wakaa gees-maroorkii gabdhuhu miijinahayaane
Waa kaa la macaluulayoo maato-doox dhacaye
Sayidkii masaladiisii baan maanta soo gocone
Musuqmaasuq Soomaali wa meheradoodiiye
Manfac xeerintiis iyo cunnaa maanka uga taale
Baarlamaan Maraykaan watow ima mataashaane!
Aduunyada hadaad gaal murtida maxabba raacdeen
Aakhirana maciisaad tihiin moolka naaraha’e
Man-shabbaha xadiiskii ahaa yaa u markhaati’ya!
Madax shacb khiyaantaana waa moosintoo kale
Macne ma le’ aduunyadu hadaad maal ku tabacdaaye
Ruuxii macaansanahayow ma lahan raandhiise
Yaan bari-ku-moodkaas waxba maanka loo ruxin
Mowd baa na sugayee war yaan xaqa la moogaanin!
**********
Afartaas masuul hadalkii iyo maanso xoog badan dheh!
Murtidii Gahayr iyo Salaan macannigoodii dheh
Muuminkii suldaan Timacade’yo madal-ka-geeraar dheh
Maqsadkuu Qamaan ka hadli jiray run iyo maahmaah dheh
Ismaaciil Mire iyo Maxamad Cumar mahadhadoodii dheh
Sayidkii miduu sheegi jiray ama mataalkeed dheh
Maaweeladii Raage iyo hadal macaankiis dheh
Cali-dhuux markuu maago iyo madax-adaygii dheh
Mayalkuu ku wadi jiray Gubiyo lama majiiraan dheh
Cilmi-carab midkuu marin jiri’yo malab sidiidii dheh
Al-mucaaradkii diidmadii macallin Dhoodaan dheh
Cabashadii Maruuryoode iyo muran-dhawaaqii dheh
Maxfalkuu Afyare joogay iyo hab iyo meekhaan dheh
Cabdi-daahiroo lagu martiyay maalin loo diray dheh
Maqaawiir-dhegaysigii Orshe’yo mowqif loo bogay dheh
Wax maldahan mar uu Cali-dhegwayn muujiyoo qiray dheh
Mudanihii Dhegfiin iyo Cismaan mid ay yiraahdeen dheh
Yamyam suu ku maamuli jiri’yo lama-masuugaan dheh
Cabdi-qolofey miinaduu wat’iyo midab-takoorkii dheh
Muftigii abwaan Galayax iyo lagama maarmaan dheh
Sidii Maxamad Guuleed war iyo miro badnaantii dheh
Nin matala abwaanadii hori’yo maahir soo baxay dheh
Sida Shiiq kitaab marinayi’yo macallin diineed dheh
Miiroole roob iyo hillaac madaxyadiisii dheh
Miyirki’yo wax maanki’yo qalbigu mahadin doonaan dheh
**********
Afar kale hadaan maago waan idin maggowsiine
Saadaasha ii muuqataa waa mid qaaliya
Xalay baa munaan ii baxoo maanku ii
dagaye
Ceebihii na soo maray wixii na la ku maasheeyay
Waa ka maarmi doonnaa dulligay nagu
muquunsheene
Marbaa nalaka mayrin oo Allaan magan
galaynaaye
Mar unbuu muftaax gobonimiyo noo miciin
faline
Mar unbaa xornimo muuqan oo miire loo
hiline
Mar unbuu gumaystaha madow nooga rarin
meele
Mar unbuu waxay naga marteen nooga soo
magine
Mar unbuu mid lagu meel mariyo mowqif noo
bixine
Mar unbaa nabsigu meerin oo na la ka
maarayne
Mar unbaa martabadii dhunityo muunaddii imane
Mar unbaa muwaafaqo la helin lagu macaashaaye
Mar unbaa maqaar-saarku tagin magac-ku-yaalka
ah
Mar baa mudanaheedii imaan iyo masuulkiiye
Calan lagu maqsuudiyo mar baa meere soo
noqone
Mar buu miraha soomaaliyeed dib u midaysiine
Muqdisho iyo mar buu koofur iyo Mudug
walaalayne
Magaalada Hargaysiyo mar buu Gedo mataanayne
Muruqiyo mar baa xoogayagu muuqan oo kicine
Mar baa cadowgu iga maadan oon gaalka
mowtiyine
Mar unbaan maxkamad saarin’oon marin
abaalkiise
Mar unbaan xaqaygii maqnaa miisan oon
gudane
Dalka meheradiisii iyo mar baa miidda loo
dhicine
Mar unbaa maslaxad wayn la helin mahad
Ilaahay'e
No comments:
Post a Comment