Monday, November 13, 2017

Xagee Ka Soo Jeedaa Dhaqanka Surwaalka Hoos Loo Ridayo Iyo Nigiska La Muujinayo?

Waxaa wanaagsan inta uusan qofku qaadanin dhaqan cusub, bal inuu ogaado macnaha uu dhaqankaasi xambaarsan yahay iyo halka uu ka soo jeedo. In badan bay dhacdaa inay dadka qaarkiisa iska qaataan dhaqan aysan ogayn waxa uu yahay iyo danta laga leeyahay midna. Waxaana dhaqamada noocaas ah ka mid ah saraawiisha hoos inta loo rido laga xirayo suunkooda meel baryaha la siman ama ka hoosaysa ayadoo nigiskiina banaanka la soo dhigayo oo uu muuqdo (Sagging pants). Xagee buu marka ka soo jeedaa dhaqankaan?

Dhaqankaan waa mid taariikh aad u foolxun leh oo xiriir la leh adoonsigii loo gaysan jiray dadka madow ee inta qaarada Afrika ayagoo silsiladaysan laga kaxeeyo kadibna loo iib-gayn jiray Maraykanka.
Dadkaas qafaalka ah oo xooga lagu kaxaystay waxaa dhici jirtay in la kala iibsado sidii xoolihii oo markaa ay gacanta u galaan dad si arxan daran ugu shaqaysta oo aad u silciya. Waxaana dhici jirtay inay rag ka mid dadkaas la adoonsanayo gadoodaan. Dadkii cadaanka ahaa ee adoonsanayay dadkaas madowga ah waxay raga madow ee gadooda marin jireen ciqaab ay u bixiyeen Buck Breaking. Markii nin madow oo la adoonsado la miranayo ciqaabtaasna waxaa lagu khasbi jiray madowga kale ee aagaas ku nool inay daawadaan oo ku cibro qaataan. Ciqaabta Buck Breaking-ku waxay ahayd in ninka cadaanka ah ee sheeganaya inuu leeyahay ninka madow ee gadooday uu amro in la qaawiyo oo la xirxiro ninka la adoonsanayo ee gadooday. Kadibna ninka cadaanka ah ayaa kufsan jiray oo ficilka qowmu-luud ku samayn jiray ninkaas madow ayadoo ay madowgii kalena daawanayaan. Markii kufsigu uu dhamaado oo sidaas loo bahdilo ninkii madowga ahaa ayaa la amri jiray in maalinkaas wixii ka dambeeya uu surwaalkiisa meel hoose ka xirto oo nigiskiisana uu muujiyo si loo garto in gadaal looga tagay oo ficlkii qowmu-luud lagu sameeyay.

Is-adoonsigii markii uu taariikh ahaan dhamaaday oo laga gudbayna wuxuu dhaqankii saraawiisha hoos laga xiranayo ku sii haray xabsiyada oo wuxuu noqday calaamad ay isku gartaan raga maxaabiista ah ee faaxishada qowmu-luud sameeya.

Sida dhalinyaro badan oo soomaali ah ay dhaqanka surwaalkaas hoos loo dhigayo u qaateen ayagoo aan iswaydiin ayaa sidaas  si la mid ah kuwo kalena u qaateen dhaqanka xirashada saraawiisha cariigiga ah ee
sida tuubadii u dhuuban oo qaarkooda hoose uu aad uga sii dhuuban yahay qaarkooda sare. Markii uu ninka raga ah xirtana ka dhigaya sidii inuu bowdyo waawayn leeyahay. Waana arrinta looga dan leeyahay naqshadaynta ama Design-ka surwaalka noocaan ah. In ninkii raga ahaa laga dhigo mid ay damaaciyi karaan ragii kale oo loo yeelo muuqaal soo jiidasho u leh raga sameeya ficilka qowmu-luud. Waxaana lagu suuq-gaynayaa dhaqamadaan xunxun magaca faashonka oo dhalinyaro badan baa isaga labisanaya qaabkaan ayagoo is leh: waa faashonka hada socda. Waxaase muihiim ah inaan xasuusanno waanadii nabigeenna (SCW) ee ahayd: "ha noqonina kuwo iska raaca un dadka adinkoo oranaya: hadii ay wanaag sameeyaanna wanaag baannu samayn, hadii ay dulmi falaanna annaguna waxbaannu dulmiyi (..) balse hadii dadku wanaag sameeyo, adinkuna wanaag sameeya, hadiise ay dulmi sameeyaan, adinkuna dulmi ha samaynina".

Ugu dambaynna waxaa in la xuso mudan in saraawiishaas hoos loo ridayo iyo kuwa dhuuban ee faleebada la moodaba aysan sinnaba wax qurux iyo qiimo ah u lahayn oo xataa xarrago ahaan uu muuqaalkoodu aad u liito.

No comments:

Post a Comment