Wax wayn ayaa ka khaldan nadaamka federalism-ka ee wakhtiga xaadirka ah ka jira Soomaaliya. Wuxuu u baahan yahay in dib loo saxo oo la toosiyo. Hadii aysan midaas suuragal ahaynna la isaga tago nadaamka federal-ka oo loo guuro nadaamka halka maamul ee midaysan leh. Waa inay qabaa'ilka soomaaliyeed dib uga fiirsadaan xaalka hanaanka federal-ka ee keenay inay adkaato wada
shaqayntii xukuumada dhexe iyo maamulada goboloda ee isaga dhaqmaya sidii dowlado madax banaan. Aduunka meelna kama jirto federaal isugu qasan oo u jahwareersan sida federaalka ka jira Soomaaliya. Sidaas daraadeed qabiil walba waa inuu maamulka asaga matalaya ka dhaadhciyo inuu toosiyo oo uu saxo xiriirka uu la leeyahay xukuumada dhexe ee dalka oo dhan matalaysa.
Qabaa'ilka soomaaliyeed inay saxaan xiriirka ay maamuladoodu la leeyihiin xukuumada federaalka waa mid qabaa'ilkaas dan u ah. Sababtoo ah hadii uu sii
socdo isjiidjiidka soo noqnoqonaya ee u dhexeeya maamul-goboleedyada iyo xukuumadaha federaalka waxaa halis ah in jiritaanka dowlada Soomaaliya laftirkeeda uu soo afrjarmo oo golaha amaanka ee qaramada midoobay uu ku dhawaaqo inaysan sii jirin karin dowlad soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay, maadaama aysan dowladaasi ahayn mid dhulka ay sheeganayso ka talin karta. Waana qodobkii loo cuskaday baabi'intii dowladii la oran jiray Yugoslavia ee taariikhda ka baxday.
Ilaahay ma qadaree hadii ay midaasi dhacdo oo aqoonsigii dowladnimo lagala noqdo Soomaaliya, ma jiro cod dambe oo ay soomaalidu leedahay oo bulshada caalamku ay dhagaysanayso. Aduunkuna ma yaqaan mana aqoonsana wax la yiraahdo maamul-goboleed. Sababtoo ah maamul-goboleedku ma lahan sifo qarannimo oo uu xuquuq uga kasaban baro qaanuunka dowliga ah (International Law). Dowladha qaranka ah oo kaliya ayaana qaanuunkaas ku leh xuquuq iyo waajibaad. Sidaas daraadeed bay fududaan doontaa in Itoobiya iyo Kenya ay kala qaybsadaan Soomaaliya ayagoo aysan cidna hor istaagin oo dunidoo dhan ay iska daawanayso. Wakhtigaasna ma ahan wakhti ay cidna dhagaysan doonto wax la yiraahdo: "hadaan reer hebel nahay waxaan beesha caalamka u sheegaynaa .. ". Sababtoo ah beesha caalamka canatarabaqashka ah nocaas ah wax sifo ah oo qaanuun ahaan uu agteeda ka leeyahay ma jirto. Cidii maanta ku kadsoomaysa hadal qabiil ka soo baxay oo beesha caalamku ay dhagaysatayna ha ogaato in sababta sidaas loo yeelayo ay tahay in la haadaan laga tuuro qabaa'ilka soomaaliyeed oo loo fududeeyo inau ku qamaaraan jiritaanka qarankooda, oo barrikamaalin ay meel cidlo ah ku soo dhacaan. Beesha caalamku waxay wax ku qaybsataa hadal ka soo baxay dowlad la aqoonsan yahay oo calan leh, islamarkaasna Qaramada Midoobay kursi ku leh. Sifadaasna waxaa maanta leh dowlada Soomaaliyeed ee caalamku uu aqoonsan yahay. Yaan la ogolaan marka in hogaamiye-beeleed dano gaar ah leh oo beeshiisii marin habaabinaya uu sabab u noqdo in la rido oo uu dhaco calanka kaliya ee la aqoonsan yahay oo soomaalidu ay leedahay. Inta calankaa uu taagan yahay oo la aqoonsan yahay waxbaa wali u dhowrsoon soomaalida oo xuquuq ay ku doodi karaan ayay ku leeyihiin qaanuunka caalamiga ah.
Qabiil walba ha iska qabto marka hogiyaamiyaha danaha gaarka wata ee ayaga magacoodii ku qaraabanaya oo caqabadana ku ah jirtaanka qaranka soomaaliyeed.
No comments:
Post a Comment