Monday, November 20, 2017

Dadyohow Dalka Idinkaa Leh!!

Xigasho: Sh. Muxammad Idriis (Bogiisa Facebook)

Adduunyada Ilaahay ayaa ibnu aadamka dejiyey, inuu ku noolaado, cammiro, maamulo. (اني جاعل في الارض خليفة). 

Wunxuuna ka yeelay, shucuub iyo qabiilooyin, iyo afaf iyo midabyo kala duwan, (وجعلناكم شعوبا وقبائل) qoloba arladaas Ilaahay meel ka deggantahay.
Ummadna ilaahay ma qadiyo oo waa caadil, wax la’aanna ma dhigo, laakiin wey
isu maleeyaan inaaney tabar lahayn. qaar buu dahab siiyey, qaar buu saliid siiyey, qaar buu xoola nool siiyey, qaar buu beero siiyey, qaar buu buuro dhuxul iyo cusbo iyo macdan laga guurto siiyey, qaar buu bad dheer siiyey, qaar buu deegaan adduunka istraatiiji u ah siiyey, qaar buu dhul qurux badan siiyey, qaar buu dhawr isugu daray, qolona wax la’aan maaha, laakiin waa isdey u adeegsadaan, ama xoogooda u ogaadaan, ama uga faa’iidaystaan!
Qoladii ka faa’iidaysan weyda ama garan weyda, waa arrin caadi ah in kuwa kale hunguriyeyaan, oo si toosa iyo si dadban ugala wareegaan. (يوشك ان تداعى عليكم الامم) waa xadiis oranaya waxaan dhici doonta (sida xeerada in lay sugu kiin habar wacdo si laydiin hoosho).
Qofka yiraahda ama rumaysan, soomaaliyi maanta tabar ay wax ku diido, ama ku gor gortanto, ama wax iskaga celiso, ma laha, waa qof aan qof aan Qur’aanka iyo Sunnada caraftooda helin iska daa inuu barto e, cilmiga adduunyada iyo taariikhdana, si fiican uga arradan!
Hadaanan maanta ciidan xoog leh iyo diyaarado lahayn dalkaanu leenahay! Dalkan cid waliba hunguriyayneyso oo weelka u soo tolatay, koley imaaraad ku tahay, ayaanu annagu leenahay! Taariikh baanu leenahay! Dawladnimaanu leenahay! Dad baanu leenahay!
Waxaanu ognahay: Waxaanu haysanno, waxa cadaw gayagu haysto, waxa la isku haysto, iyo waxaad haysato sida ugu wanaagsan ee aad u adeegsato. Qof intaa yaqaanna cidi kama adkaato, umana caga juglayso, mana dullaysato! laakiin belaayo wexey ka dhacday kii aan intaa ogayn!
Magaalada Abu Dhabi ee ku hammineysa iney daraahim igu iibsato, shalay 1950s somali la yaqaan haybtooda ayaa duqa magaalada ka ahayd! Magaalada Dubai maal qabeenadeeda ugu waaweyni wexey deynta ka qaadan jireen ganacsato soomaali ah! Waa taariikh dhaw oo la hayo! Hadaan maanta xoogaa kufay ma aha macneheedu inaan galbaday ee mar uun baan soo rogaal celin, maadaama dadkii iyo dalkiiba jiro.

No comments:

Post a Comment