Madaxwayneha dalka Maraykanka Doland Trump ayaa sheegay inuu damacsan yahay inuu magaalada Qudus ee Falastiin u aqoonsado inay tahay caasumada dowladda yuhuudda ee Israa'iil.
Arrintaan oo aad uga caraysiisay dunida Muslimka ah, ayaa hogaamiyeyaasha muslimiintu si yaabo kala duwan uga jawaabeen. Ilaa hadana hogaamiyaha muslimka ah oo jawaabta ugu macquulsan ka bixiyay arrintaas ayaa ah madaxweynaha dalka Turkiga; Mudane Rajab Tayib Erdogan.
Madaxwayne Erdogan wuxuu pagekiisa Facebook uga hadlay arrinta aqoonsiga
uu maraykanku doonayo inuu magaalada Qudus u aqoonsado inay tahay caasimadii israa'iil.
uu maraykanku doonayo inuu magaalada Qudus u aqoonsado inay tahay caasimadii israa'iil.
Wuxuu qoray Erdogan:
"Arrinta ah inuu maraykanku qaatay go'aanka uu ugu aqoonsanayo Qudus inay tahay caasimadii israa'iil, anagoo walaacsan ayaan warkeeda la soconaa. Madixii ururka Iskaashiga Dunida Muslimka ahaanna, waxaan mar kale cadaynayaa inaan arrintaan ilaa dhamaadkeeda la socon doonno.
Ayadoo wali dhiigii falastiiniyiinta uu qubanayo, oo xadugudubyadii, dulmigii, iyo dhibkii lagu hayay uu wali socdo in hadana go'aan noocan ah oo israa'iil taageero u ah lagu tilaabsado ma ahan oo kaliya wax ka hor imaanaya qaanuunka caalamiga ah; balse sidoo kale waa dharbaaxo culus oo lagu dhuftay damiirka banii-aadaminnimada.
Waxaan maraykanka ku baraarujinaynaa inuusan ku tilaabsanin wax sii cakiri kara dhibaatooyinkii awalba ka jiray gobolka.
Magaalada Qudusna waxay u tahay muslimiinta khad cas!"
No comments:
Post a Comment